SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga UDUB oo Joojiyey Ololihiisii Doorashada

    Posted by Sawnews.tk on August 23, 2009

    ololaha3Hargeysa(Sawnews)- Xisbiga hayada Talada Dalka Somaliland ee UDUB ayaa ku dhawaqay inuu joojiyey Ololihiisii Doorashada Bisha Ramaadaan Awgeed.
    Xisbiga ayaa sidaa ku sheegay Warsaxafadeed uu soo saaray oo uu ku saxeexnaa Xogahaya Guud ee Xisbiga UDUB ayuu ku cadeeyey in Xisbiga UDUB uu joojinayo Ololihiisii Doorashada Bisha barakaysan ee Ramadaan Awgeed.

    Wuxu Xoghayuhu ka Codsaday dhamaan Gudoomiyahaasha Heer  Magaalo, Degmo iyo Tuulaba inay u hogaansamaan Go’aankaas isla markaasna Joojiyaan Ololahooda, wuxuna intaa ku daray in aan Gabi ahaanba la joojin doonin Ololaha Balse la dhimi doono Xawliga uu ku socdo.

    Xoghayaha Xisbiga UDUB wuxu intaa ku daray inaanay jirin sabab kale oo xisbigu u joojinayo ololihiisa marka laga reebo Fadliga Bisha Ramadaan Awgeed.

    Joojinta Ololaha Xisbiga UDUB ayaa kusoo beegmay iyadoo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibada Itoobiya uu dhexdhexaadinayo Xisbiyada Qaranka iyo Golayaasha Qaranka si meel la iskula dhigo Khilaafka ka Dhashay Go’aankii ay Guddida Doorashooyinku ku laalayn Natiijadii Diiwangalinta.

    Abdirisaaq Sh. Cilmi Mixile
    Bnn-Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: