SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabay Madaxa Ololaha Doorashada Gobolada Galbeedka Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on August 23, 2009

    baashegaboboe01.jpgHargeysa-(Lug)-Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa shalay u magacaabay Baashe Cabdi Gaboobe inuu noqdo guddoomiyaha olalaha doorashada ee gobollada galbeedka Somaliland,
     kadib markii uu jagadaasi baneeyey Alle ha u naxariistee marxuum Cali Muxumed Guuleed (Cali Maarshaal) oo dhawaan ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Berbera waqtigaas oo ay soo dhawaynayeen guddoomiyaha Xisbigaas oo Madaarka Berbera ka soo degayay.

    Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargaysa, kaas oo lagu sheegay in magacaabista xubintan olalaha doorashada gobalada galbeedka uu guddoomiyuhu wada tashi kala yeeshay dhammaan xubnaha sare iyo waxgaradka Xisbiga, isla markaana ay ku qanceen magacaabista Baashe Cabdi Gaboobe, warsaxaafadeedkaasina waxa uu u Qornaa Sedan:. Xisbiga Midnimada Iyo Horumarinta Somaliland

    Kulmiye Ref: Xk/G/00166/09  Date: 22/08/2009
    Ku: Baashe Cabdi Gaboobe                                   =Gacan-Saar=
    Og: Xubnaha Hoggaanka Sare Ee Xibiga              =Xarunta=
    Ujeeddo; Magacaabid Madaxa Ololaha Doorashada
    Ee Seddexda Gobolee Galbeedka Somaliland

    Mudane, Anigoo tixraacaya magacaabistii aan  hore ugu magacaabay   madaxdii ololaha  Doorashada   Xisbiga Kulmiye ee  tirsigeedu ahaa XK/G/00148/09, ee 17.07.2009.

    Kadib markii aan wada-tashi kala yeeshsay Madaxda iyo waxgaradka kale ee Xisbiga , arrinta jagadii  uu banneeyey Marxuum Cali Muxumad Guuleed  ( Cali  Maarshaal ) ee Madaxa  Ololaha Doorashada Xisbiga ee Gobolada Galbeed ee Somaliland.

    Waxaan u Magacaabay MUDANE BAASHE CABDI GABOOBE inuu yeesho awoodda dhismaha guddiyada ololaha iyo hoggaamintoodaba ee seddexda Gobol ee Galbeedka Somaliland.

    Waxa kaloo aan kula socodsiinayaa , in ay xarunta Xisbiga ka dhisan yihiin guddi – mus-dambeed ah oo uu  madax ka yahay  Musharaxa Madaxweynaha, ayna ka mid yihiin  xubnaha Hoggaanka Xisbigu, Madaxda Baarlamaanka iyo xubnihii kale ee loo baahdaa.

    Guul baan Xisbiga u rejeynayaa.

    MD: AXMED MAXAMED  SIILAANYO

    GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE
    Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE

    Somaliland, Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: