SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xildhibaan Naasir X. Cali Shire Oo Iska Casilay Xoghayihii Siyaasada UCID, Muxuuse Ku Sababeeyay Is-casilaadiisa?

    Posted by Sawnews.tk on August 23, 2009

    naasirHargeysa(Sawnew) – Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland kaga jira xisbiga UCID lagana soo doortay Gobolka Tog-dheer, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada wuxuu ku sheegay inuu iska casilay xilkii Xoghayaha siyaasada xisbigiisa oo uu ku magacownaa waxaanu UCID ku eedeeyay inuu ka leexday majarihii siyaasadeed ee loo aasaasay.

    Naasir Xaaji Cali Shire, waxaanu yidhi “Waxaan ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID waxaanan ahaa Xoghayihii siyaasadda, waxaan maanta idiinku yeedhay (Saxaafada) inaan iclaamiyo inaan iska casilay xilkii Xoghayaha siyaasada ee xisbiga UCID, waxaan odhan karaa sababaha igu kalifay Anigoo aan waafaqsanayn gedi socodka siyaasadeed ee uu ku socdo xisbiga UCID, oo aan u arko inay tahay siyaasad faashil ah oo ka baydhay mabaa’diddii iyo siyaasadii xisbiga. Waxaan odhan karaa waa siyaasad Arxan darro.”

    “Xisbiga UCID wuxuu ahaa kii  dimuqraadiyada Somaliland aad u danayn jiray, waxa kale oo uu xisbigu ahaa ka ugu tanaasulka badan marka la eego axsaabta siyaasada laakiin nasiib darro waxyaabahaasi oo dhan xisbiga UCID wuu ka leexday, waxaana mustaqbalkiisii soo food saaray mugdi.

    Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, wuxuu taageeray liiskii diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee la laalay, waxaanu tilmaamay inaanu liiskaasi ahayn natiijo rasmi ah ee ay ahayd natiijo hordhac ah oo aan ansax ahayn, waxaanu yidhi “Qof kasta oo Somaliland ah  oo dalka ku sugnaa markii ay diiwaan gelintu ay dhacaysay wuxuu arkayay sidii loogu talaxtagay ee sharciyadii looga leexday looguna noqnoqday.waxaan arkaynay in cid waliba ka qeyb qaadanaysay. Anagu xisbi ahaan intaas oo goobood ayaanu ka sheegnay in mugdi ku jiro oo wax xumaadeen.

    “Liiskii soo baxay muu ahayn mid kama dambays ah ee wuxuu ahaa mid ku meel gaadh ah, oo u baahan in la sii kala hufo lana kala haadiyo. Liis aan sharci ahayn in la sharciyeeyaa waa baadil,”ayuu yidhi  Md. Naasir Xaaji Cali

    Xildhibaanku wuxuu shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland u soo jeediyay inaanay maroorsan tallada Golaha ee ay Mudaneyaasha dhex u ahaadaan.

    Dhinaca kale, Xildhibaan Naasir xaaji Cali Shire oo ah nin qurbo joog ah waxay saaxiib aad iskugu dhow ahaayeen Guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Xuseen.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: