SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiiru-dawlaha Arimaha Dibadda Itoobiya oo ku Taliyay in Muddada loo kordhiyo Madaxwayne Rayaale

    Posted by Sawnews.tk on August 23, 2009

     “ Haddii aan si Daacad ah u hadlo ma jiro dal aan dhibi ka jirin, haddii ay dhib yari dhacdana maaha in la Buunbuuniyo, Dunidaba way ka dhacdaaye” Dr Tekede Elemu

    elemu iyo rayaaleHargeysa (Sawnews) Wasiirudawlaha arrimaha Dibada Itoobiya Dr Tekede Elemu oo booqasho rasmi ah ku joogay Dalka, Dhex dhexaadina ka dhex waday dhinacyada khilaafka  Siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha Doorashooyinka, ayaa la sheegay in uu Xalay soo saaray Go’aano Talooyin ah oo uu u soo jeediyay Dhincyada isu haya Siyaasadda.Dr Tekede Elemu talooyinka uu soo saaray ayaa la sheegay in ay ka mid yahiin in Dib loo dhigo Doorashada inta laga hagaajinayo Server-ka, isaga ku taliyay in Madaxwayne Rayaale mudada Xilka loo kordhiyo, waxaanu Daadifeeyay Meeshana uu ka saaray soo jeedintii Mucaaridka ee ahayd in Dawlad ku meel gaadh ah la dhiso, hadii Doorashadu dib u dhacdo, sidoo kale waxa uu Go’aamiyay sida la sheegay in aan Komishanka la faro-galin ee loo daayo Madaxbanaanidiisa.

    Sida uu warku sheegayo waxa uu Go’aamadan Xalayba u bandhigay Axsaabta Mucaaridka ah, kuwaas oo la sheegay in ay ka biyo diideen, waxaana la filayaa inay kulan danbe yeeshaan.

    Talooyinkan uu Wasiiru Dawlahu soo jeediyay ayaa waxay ka dhalatay Kulamo is daba joog ah oo uu Koox walba Gaarkooda ula yeeshay, iyada oo wareegii labaad oo shalay ku beegnaa uu u soo qadimay Talooyinkii uga soo baxay Soojeedimahii ay hore ugu gudbiyeen, waxaana la filayaa in ay arrintani soo gabo gabayso doonistii Mucaaridka ee ay inta  badan ku taamayeen in faro galin lagu soo sameeyo xalinta Muranka Doorashada, taasi oo ay iyagu dalbadeen.

    Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya waxa uu kulamo gaar-gaar ah shalay la yeeshay shirguddoonnada Guurtida, Wakiillada iyo Komishanka Doorashooyinka.
    Ma jiro wax war ah oo dhinacyadu ka soo saareen kulamadaas oo albaabadu u xidhnaayeen. Haseyeeshee, sida ay xaqiijiyeen xalay ilo xogogaal ahi, waxa wasiirku dhinacyadaas u gudbiyey farriin uu ka siday dawladda Itoobiya oo ah inay aad u danaynayso nabadgelyada iyo xasilloonida ka jirta Somaliland, isla markaana ujeeddada socdaalkiisu la xidhiidho xallinta khilaafaadka siyaasiga ah.
    Sidoo kale, waxa Wasiiru-dawluhu u muujiyey walaaca xooggan ee beesha caalamku ka qabto murannada cakiran ee dalka ka jira, kuwaasoo uu sheegay inay si gaar ah ula socdaan xasaradaha siyaasadeed ee xilligan aloosan iyo sida ay u danaynayaan in doorasho xor iyo xalaal ah ka dhacdo Somaliland, sidaa awgeedna weftigiisu u socdaan in laysu soo jiido dhinacyada is-haya, si xal kama dambays ahna looga gaadho khilaafka u dhexdooda yaal.
    Wasiiru-dawlaha arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Tekede Alemu ayaa jawaab ka bixiyay khilaafaadkan Siyaasadeed ee dalka ka jira waxaanu sheegay inay dalka ka abuuri karaan xasilooni-darro iyo khalkhal.
    Dr. Tekede Alemu oo ka warbixiyay socdaalkiisa uu dalka ku yimi, waxa uu sheegay in aanay ahayn markii ugu horraysay ee uu dalka yimaaddo, balse uu Somaliland yimi waqtiyadii ay burbursanayd. “Markii ugu horraysay ee aan halkan imi waxay ahayd 13 sanno ka hor, Runtiina waqtigaas Guryaha oo dhami way burbursanaayeen. Horumarka ay Somaliland 10-kaa sanno gaadhayna waa wax la-yaableh. Sidoo kale, waxaan halkan imi marar kala duwan, waxaanan goob-joog u ahaa horumarkaas. Haddiise aad I waydiiso waxaan halkan u joogo, waxay tahay in waxa ay Itoobiya ku tari karto horumarka uu dalkani gaadhay.” Ayuu yidhi Dr. Alemu oo u waramay Telefishanka Qaranka, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanan imika halkan u imi in aan la kulmo Madaxweynaha, Masuuliyiinta Dawladda iyo Siyaasiyiinta kale oo aan u dhegaysto.”
    Mar Wasiiru-dawlaha la waydiiiyay in aragtidiisa khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland uu dalka ku keeni karo xasilooni-darro iyo in kale, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Haddii aan si daacad ah u hadlo ma jiro dal aan dhibi ka jirin, waad ogtahay wuxuu ka jiraa Afrika, Geeska Afrika iyo guud ahaan Caalamka. Somaliland waxay nabadgelyo iyo xasilooni hanatay muddo ka badan 10 sannadood iyo badh, Geeska Afrikana waa meel xaalad adagi ka jirto. Haddiibase ay dhib yari ka dhacdo maaha in la sii buunbuuniyo, dunidaba dhibaatooyin way ka dhacaan. “

    Dhinaca kale Madaxweyne rayaale oo Tv-ga Qaranku wax ka weydiiyey socdaalka weftigan ayaa yidhi “Wasiirka iyo Wefftiga Itoobiya kii u horreeyay ee inoo  yimid ma aha, haddii ay inoo yimaadaana dee way ina danaynayaan Arrimaheena  iyo Xaaladaheena ayay danayaan waxay jecel yihiin inaanay waxba inaga xumaan.
    Runtii wada hadalkayagu meel fiican buu marayaa dhamaan cid kasta oo inoo yimaadana waanu soo dhawaynaynaa xukuumad ahaan. Wada tashi iyo Arrimaha ay inala qaban karaan ayuu u badan yahay wada hadalkayagu.”

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: