SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo u Hambalyeeyey Shacbiga Somaliland Bisha Ramadaan Awgeed

    Posted by Sawnews.tk on August 22, 2009

    riyaale2

    Hargeysa(Sawnews)Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa masuuliyiinta dalka ugu baaqay inay iska ilaaliyaan hadalada naxliga iyo af-xumada  ah ee waxyeelaya midnimada ummadda.Madaxweyne Rayaale wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay siiyay Telefishanka qaranka, waxa kale oo uu ka hadlay kulankii uu la yeeshay weftiga Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada Itoobiya ee socdaalka ku jooga dalka iyo mudaharaadyadii khamiistii ka dhacay dalka.

    Madaxweynaha Somaliland wuxuu  Hambalyo iyo bogaadin u diray  shacbiga Somaliland, oo uu ku bogaadiyay fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuu yidhi “Ramadaan kariim, dadkana waxaan illaahay uga baryayaa inay Ramadaan fiican ku soomaan. Waxaan u rajaynayaa shacbiga reer Somaliland inay markasta ilaashadaan nabadooda. Walaaltinimadooda iyo wada jirkooda.

    Waxaan  u jeedinayaa  Masuul kasta oo reer Somaliland ahi inuu ka dhawrsado wax Alaalle iyo wixii Naxli iyo Af-xumo Carqalad ku noqon kara Dimuqraadiyadeena, Geedi Socodka Nabadeena iyo Nolasheena ummad ahaaneed iyo dal ahaaneed. Waxaanan Ilaahay uga Rajaynayaa inay waanadaas qaataan. Markastana sida ugu fiican inaan wax iskugu sheegno ayaan u soo jeedinayaa, oo hadalada turxaanta leh la iska ilaaliyo.”

    “Wasiirka iyo Wefftiga Itoobiya kii u horreeyay ee inoo  yimid ma aha, haddii ay inoo yimaadaana dee way ina danaynayaan Arrimaheena  iyo Xaaladaheena ayay danayaan waxay jecel yihiin inaanay waxba inaga xumaan.

    Runtii wada hadalkayagu meel fiican buu marayaa dhamaan cid kasta oo inoo yimaadana waanu soo dhawaynaynaa xukuumad ahaan. Wada tashi iyo Arrimaha ay inala qaban karaan ayuu u badan yahay wada hadalkayagu.”

    Sample Image

     

    Madaxweyne Rayaale oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay arragtidiisa la xidhiidha mudaharaadyadii Khamiistii ka dhacay Gobolada dalka, wuxuu yidhi “Horta mudaharaadka waa in fasax loo qaataa, waa wax madax banaanida ku fadhiya, laakiin ma aha in mudaharaad uun la iska sameeyo wax wanaagsan ma aha dadkeenuna mudaharaad baahi ay u qabaanba ma jirto wax ay ku mudaharaadaanba ma jiro. Waxaanan jeclahay raggaas saaxiibaday ah ee xisbiyada inay dariiqa sharciyada ku soo noqdaan, oo ay sharciga maraan. Wax kasta oo naga dhaxeeyana in sharciga loo maro ayaan kula tallinayaa qalalaase iyo buuq wadankeenu itaal uu ku qaado ma laha.

    Miiska wada hadalkana waanigii u soo jeediyay miiskaasina illaa hadda wuu furan yahay, markaa haddii miiskii furan yahay qeylo iyo sawaxan baahi aynu u qabnaa ma jirto.”

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: