SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir oo Sheegay In Xisbiyada Mucaaridka ahi Dusha Ku Qaadi Doonaan Wixii Khasaare ah Ee Ka Yimaada Mudaharaadadyada.

    Posted by Sawnews.tk on August 20, 2009

    P01215200892425Hargays(Sawnews)Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa labada xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID ku dhaliilay qaban qaabada banaan baxyada ay ka sameeyeen dalka, banaan baxyadaasi oo uu ku sifeeyay kuwo aan sharci loo haysan.
     
    Suldaan Maxamed , wuxuu xusay in xisbiyada mucaaridka ahi ay dusha ku qaadi doonaan wixii khal khal ah ee ka yimaada banaan baxyada ay ka wadaan dalka.
      
    “Waxaan  ummadda reer Somaliland u sheegayaa in ay ka feejignaadaan oo aanay ku milmin siyaasada, sidaa awgeed waxa ku waajib ah dadweynaha in ay ilaashadaan nabad gelyada, xisbiyada joojiya mudaharaadada aan sharciga loo haysan ee aad qabateen.”
      
    Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, oo u waramayay Idaacada Radio Hargeysa, wuxuu ku dooday in Madaxweyne si sharci ah loo soo doortay uun uu bedeli karo Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu yidhi “Madaxweynaha waxa sharciyan bedeli kara Madaxweyne sifo sharci ah ku yimid oo la soo doortay.”
     
    Suldaanku wuxuu intaa ku daray in Salaadiinta iyo madax dhaqameedka Somaliland oo shir uga socdo magaalada Hargeysa ay dhawaan soo saari doonaan bayaan ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo doorkooda, waxaanu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo shirkaasi.
     
    Dhinaca kale, xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in banaan baxyada labada xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID aanay u soo marin sifihii sharciga ahaa.
     
    Sidoo kale, idaacada Radio Hargeysa, ee dawladu gacanta ku hayso ayaa maanta warkii xisbiyada mucaaridka ah baahisay, hase ahaatee waxay sheegtay in ay maanta markii u horreysay xisbiyada mucaaridka ahi ay si wadajir ah u sameeyeen olalaha doorashada, tan iyo markii dhawaan la shaaciyay bilowga olalaha doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo 27-ka September ee muranku ka taagan yahay.

     
     
    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: