SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Masuuliyiinta UCID oo Wali Xidhan iyo Jawiga Saaka ee Magaalada Borama

    Posted by Sawnews.tk on August 20, 2009

    NEWSBorama(Sawnewns)-Amniga magaalada Boorama ayaa saaka la adkeeyay , waxaana  suuqa ku arkaysaa ciidamada Milatariga oo gaaf wareegaaya suuqyada iyo xaafadaha magaalada , ka dib markii ay xisbiyada mucaaradku  ay ku hanjabeen in ay samayn doonaan mudaharaado ,

     kaasi oo ay sheegeen in ay dadka kula hadli doonan  fagaarayaasha , iyadoo arinkaasina ay dawladu mawqif cad iska taagay oo ay sheegtay in habayaraatee laqaban doonin wax mudaharaada amaba isu-soobaxa , cidii la timaadana ay dawladu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto , waxana ay dawladu taasi u cuskatay iyagoo xisbiyada mucaarudku ka baaqsaday in ay maalmihii ay komishanku ucayimeen ay diideen labada xisbi ,

    Si kastaba ha ahaatee waxaa shalay galab Baabuurta magaalada ay labada  xisbi mucaarad ay  ku rakibeen mikarafoono iyo waliba calaamadaha xisbiyada Kulmiye iyo UCID , Kadib ayaa la maqlay  in xubno katirsan mucaaradka oo laba xisbi iskugu jira ay dawladu qabatay isla markaana baabuurtii mikarafoonadana ku rakibnaayeen  lawada xidhay wax yar ka bacdi baabuurtii  waa lasoo daayay .
     

    Sida ay ilo xago-gaali oo dawlada ahi  noo xaqiijiyeen ayaa waxaa wali saldhiga dhexe magaalada Borama ku xidhan xubno iskugu jira labada xisbi mucaarad oo ilaa dhawr masuul ah , halkaasi oo ay ilaa shalay galab ku xidhanyihiin , lamina oga in la siin dayno iyo in kale,

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: