SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Kulmiye &Ucid oo Mudaharaad ka sameeyay Magaaladda Hargeysa (Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on August 20, 2009

    kulmiye-3Labada Xisbi ee Mucaaridka ah ayaa banaanbax wada jir ah ka sameeyay Magaalada Hargeysa waxaanu ku dhamaaday si nabadgelyo ah. Guddoomiyayaasha labada Xisbi ayaa dadweynihii taageerayaashooda ahaa ee isku soo baxay kala hadalay meel wado ah kadib markii ay xukuumaddu ka xidhatay Fagaaraha Beerta Xorriyadda, waxaanay u sheegeen inay iskugu soo baxeen inay muujiyaan dareenkoodda ay ku diidan yihiin Go’aanka xukuumadda iyo Komishanka ee lagu laalay Diiwaangalinta iyagoo dadka ugu baaqay inay amaanka ilaaliyaan

    Mudaharaadkan ayaa waxa uu ka dhashay baaq Guddoomiyayaasha labada xisbi ay taageerayaashooda kaga dalbadeen inay ku muujiyaan dareenkooda, waxaana maanta dadka isku soo baxay ay ku dhawaaqayeen hadalo ka dhan ah xukuumada  iyagoo ugu baaqayay inay ka noqoto go’aankeeda

    Amaanka ayaa aad loo ilaaliyay waxaana meel walba taagnaa ciidamo Booliis ah oo isugu jiray rag iyo dumar

    Waxa ay isu soo baxooda ku qabsadeen labada xisbi wadada hor marta beerta xorriyada halkaasoo ahayd meel aad u cidhiidhiya, waxaanay madaxdu ka dhex hadlayeen gaadhi UMBLANCE ah oo xisbiga Kulmiye ugu talagalay ololaha Doorashada kadib markii laga xidhay garoonkii ay taageerayaashooda kula hadli lahaayeen, waxaana la filayaa inay shir jaraa’id isla maantaba qabtaan maadaama ay suurto gal noqon weyday inay iyaga iyo dadweynihii ismaqlaan

    Wasiirka wasaaradda Arrimaha Guddaha C/lahi Ciro ayaa xalay dadweynaha uga digay inay ka qayb qaataan banaanbaxaasi balse saaka ioskuma ay dayin Ciidamadu inay hor istaagaan dadkii isku soo baxay inkastoo ay xidheen dhamaan jidadka gala beerta xorriyadakulmiye-1-150x150kulmiye

    kulmiye-3kulmiye-2

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: