SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Cakuye Maa Diinta Laga Daayo Siyaasada iyo Qabiilka! by:Maxamed Warfaa

    Posted by Sawnews.tk on August 20, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwritenWaxaan ahay muwaadin aan xisbi la safneyn oo jecel nabada, amaanka iyo in la dhawro xuquuqda aadamaha. Dhawaan waxaan  mareegaha wararka baahiyo ee barta intarnatka ka dhageystay Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo warsaxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa. Wuxu isku dayey in uu hadalkiisa qurxisto oo weliba in badan oo doodiisa siyaasadeysan ee qabyaaladeysan ah  daliishaday quraanka kariimka ah iyo axaadiista nabigeenii suubanaa (SCW). Wuxu ku dooday in komishanka iyo Madaxwenuhuba baal mareen sharcigii dalka u dajisan. Wuxu iska dhigay ma’suul qur’aan ruug ah oo ku camalfala diinta islaamka oo ka nadiif ah qabiil iyo siyaasad guracan.

    Wuxu madaxweynaha Soomaaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ee dadwenuhu doorteen ku mitaalay Fircoon, Hitlar iyo Siyaad Barre. Mar kaliya isma u weydiinin farqiga u dhexeeya Madaxweyne Rayaale oo shicibku doorteen iyo Boqorada ama xukun biliiliqaystayaasha  uu ka sheekeynaayey ee weliba indha adeygiisa uu u adeegsanayo kitaabta Eebe iyo siirada nabiga (SCW). Bal aynu isweydiine suurtagal ma ahaan laheyd inuu warsaxafadeed u Mudane Samaale qabtay u suuragelilaheyd haddi maamulka hadda ka jira Soomaaliland ahaan lahaa kii Fircoon, e Hitlar, amase Siyaad Barre oo kale. Jawaabtu waa maya – maya-maya. Waxaan maalin dhaweydna maqlaayey Aaden Siiro oo u duceynaaya Guurtidii go’aanka uu  laftigiisu ku tilmaamay  xukun qarbooshka  ka soo saartay arrinta Ceelbardaale. Waar ma xukun qarbooshbaa amaan leh oo duco mudan? Waa layaabe cibaadadu ma xisaab ku dar oo ka jar leh baa? Salaadu miyeysan aheyn camal dadka ka reeba faaxishada iyo munkarka? Waar miyaanan la xishooneyn? Maa diinta laga daayo siyaasada iyo qabiilka! Cabsidii Eebe mee ? Aaway qur’aan ruugyadii? Ma budhcad barriyeedka ayey ku milmeen sida cusbadu ugu milanto biyaha bada? Walee aakhiro dad la’!

    Waa nasiibdaro in ay inaga soo dhexbaxaan wadaado sidii Daalibaanka amase Alshabaabka afka duubtay xukunka ku raadsanaaya magac diineed. Ma fiicna in diinteena suuban loo adeegsado siyaasad maroorsan, guracan oo weliba qabyaaladeysan.

    Wadaadkan Samaale, wuxu isku dayey in uu tacsi u diro qoysaskii dadkoodii lagu xasuuqay  wadada  Kalabeyd iyo Dila u dhaxeysa. Wuxu ka dhigay in dadkaa la xasuuqay ku dhinteen colaada ka taagan Ceelbardaale awgeed si uu muwaadiniintaasi xuquuqdooda u duudsiyo qabiil awgeed. Wuxu islahaa daawee reerihii dadkoodii la gumaaday, wuxuse muujiyey dhinaca uu la safan yahay. Wuxu taageero siiyey dhinaca baadilka isaga oo ah weliba ku hadlaaya awooda Shirgudoonka Golaha Wakiilada. Wuxu si badheedh ah oo qabyaalad ku dhisan ula saftay  budhcad berriga isaga oo shaati Baarlamaan huwan. Waar xaqii shicibku aaway? Ma xukun raadis iyo kursi ku fadhiiso ayaa loo lumiyey dantii dadweynaha? War ayaa u doodaaya xuquuqda dadweynaha iyo shicibka xalaal quutayaasha ah ee wadooyinka dalka lago xasuuqaayo? Samaalow hadakaagii wuxu ahaa mid badan oo aan haan buuxineynin. Meeday runtii? Halkeebaa laga helaa? Ma dowlada ku hadasha, mise Golayaashani taladu ka cayn wareegtay ee ku dhow in ay laba gole kala sameystaan ayaa ku hadla? Badbaadiyow, shicibkani daranyeysan ee dushooda la isku rifaayo  badbaadi! Ilaahayow u hiili shicibka!

    Samaale miyuusan ogeyn in dadkani lagu xasuuqay wado dadweynuhu ka adeegsadaan oo ay amaankeeda ma’suulka ka yihiin dawlada, Golaha baarlamaanku iyo weliba Guurtidu. Haddii u daacad ka yahay arrinta oo ay damqayso cadaalad darro muxuu mooshin uu ku raadinaaya xuquuda dadkani shicibka ee aan waxba galabsan ugu soo bandhigi waayey Golaha Wakiilada inta uu Madaxweynaha uu eryanaayo ee uu ku erynayo dano siyaasadeed oo weliba qabyaaladeysan.

    Dhacdadii ka dhacday wadada Kalabeyd-Dila maalintii 11/07/2009 waxay aheyd arrin budhcad berrinimo ah oo qorsheysan laguna xasuuqay dad shicib ah  oo aan waxba galabsan. Dadka la laayey ma aysan aheyn dad ku lug leh arrinta Ceelbardaale. Dadkani la xasuuqay,qaarbaa ka yimid galbeed guntiis oo aan war iyo wacaalba ka heynin mashaqada Ceelbardaale.  Su’aasha u baahan in laga jawaabo waxay tahay maxaa loo soo qabanwaayey budhcadii gumaaday? Su’aashani waa su’aal u baahan in Samaale iyo walaalkiis Wadaadka Aaden Siiro si cadaalada oo diinta waafaqsan kaga jawaabaan.

    Waa nasiibdarro in mas’uul  ka tirsan  Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo ah gole sharci dajineyd uu siyaasad xisbi iyo qabiil awgeed ku marin habaabiyo dilka shicibkaa loo geysto. Waa Mudane baarlamaane muxuu dawlada u weydiiniwaayey waxaa loo soo qaban waayey danbiilayaashii fuliyey falka budcad berrinimo ee foosha xun dhaqanka dadkeenana ka baxsan.

    Ugu dambeyntii, waa wax laga naxo in Soomaaliland noqoto meel budhcad berrigu jidadka waaweyn ku xasuuqda shicibka halka Puntlandna ay bilada ku qaadatay budhcad badeedka badaha  waaweyn ka ogaadhsada ee dulmiga ka taajira . Waxase isweydiin leh, budcad berrigani  Soomaaliland ka dilaacay waxa ay ka dheefaan xasuuqa shicibka wadooyinka ka adeegsanaaya. AAWAY DADKII NABADA JECLAA? AAWAY DADKII XASUUQA KA SHEEKEYN JIRAY? MEE DULMIDIIDKII? AAWAY CADAALADI?

    Qore Maxamed Warfaa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: