SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga UDUB Oo Olalihii Ugu Balaadhanaa Maanta Ay Hargeysa Ku Qabteen .(+ Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on August 19, 2009

    ololaha10“Mucaaridku miyey ka maarmeen kursigii la jeclaa ee la yidhi aynu ku tartano doorashada, wax been ah ayaa la iska dhaadhiciyey Kiiniya iyo dalalka Afrikaanka ah ayay arkeen” Wasiirka Hawlaha Guud

    “Saddex Wax oo Ay Mucaaridku Sheegi Jireen Ayaa Beenoobay” Wasiirka Qorshaynta

    Hargeysa(Sawnews)  – Xisbiga UDUB ayaa maanta isagu soo baxay banaan baxii ugu balaadhnaa ololaha doorashada madaxtooyada, waxaanay boqolaal taageereyaashooda ah oo ka kala yimid shanta degmo ee caasimada Hargeysa ay kula hadleen fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.

    Ololahan balaadhan ee lagu qabtay Beerta Xoriyada waxa ka soo qaybgalay Wasiiradda Qoyska, Ganacsiga, Beeraha, Qorsheynta, Macdanta iyo Biyaha, Hawlaha Guud, Wasiirul-dawlaha Xanaanada Xoolaha iyo Wasiir ku Xigeenadda Maaliyada, Gaashaandhiga iyo xubno ka tirsan Guddida Fulinta Xisbiga UDUB.

    “Waxayna iskugu soo baxnay ololihii doorashada madaxtooyada, ololahan waxay ahayd inaynu iskugu sheegno waxqabadkii lixdii sanadood ee la soo dhaafay waxqabadkeena waxa ugu muhiimsanaa sugida xuduudaha Somaliland waxa jirtay 18-kii sanadood ee la soo dhaafay lagu hamiyey dhammaystirka Qaranimada Somaliland, waxaanu gaadhnay gobolka Sool iyo Sanaag bari, waxa la yaab leh oo aan u soo qaatay qodobkan labada xisbi Qaran ee la tartamaya UDUB waxay aad uga xumaadeen in la gaadho Sool iyo Sanaag bari.

    Ninka  diidan soo korodhka dadkii kale maqnaa ee Somaliland. Ninkii intaasi ka ba’ayaa siddee ayuu doonayaa inuu dalkan madaxweyne uga noqdo, waxaanu ogsoonahay in waxyaabaha labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID  ololaha uga maqan yihiin doorashada tahay yaanay gelin reer Sool iyo Sanaag bari, haddii aad doonaysaan inaanu UDUB la tartano, waxaanu leenahay ma anagaa tacab kaleba hayna intaanu soo kordhinayba waa reer Sool iyo Sanaag bari, waxaanu leenahay dee haddii taasi dhacdo dalkaba ha laga noqdo.”

    “Is-haynta la is-hayo qaybo ka mid ah Golaha Wakiilada oo uu shirguddoonku ka mid yahay ay ka hadleen waxa la yaab leh qolo walba dhinacyada is-hayaa waxay ku odhanayaan sharciga ayaanu ku taagan nahay labada qolo ee doodayaa waa xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinka iyo xisbiyada Mucaaridka ah iyo shir-guddoonka Golaha Wakiilada cid uun baa khaldan, sharci diiwaangelineed oo aanu laalay ma jirto mana aanu maqal xeer kale oo xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinku jabiyeena ma aanu maqal si xun wax u sheeg sixir ka darani” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha  Guud.

    Wasiirku wuxuu ku dooday in la laalay diiwaangelintii codbixiyeyaasha oo mad-madow badan lahayd.

    “Mucaaridku miyey ka maarmeen kursigii la jeclaa ee la yidhi aynu ku tartano doorashada, wax been ah ayaa la iska dhaadhiciyey Kiiniya iyo dalalka Afrikana ah ayay arkeen ee dhexdhexaadinta la geliyey, waxase ka khaldan in doorasho ay ka dhacday dalalkaasi, waxay is leeyihiin ajanabi ayaa iman doono oo idinku dhex- dhexaadin doona hebeloow madaxweyne noqo. Ajnebi haddii uu faa’iidooyin keenayo Soomaaliya ayay waxtari lahaayeen,” ayuu yidhi mudane Siciid Sulub.

    Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) oo ka hadlay isu soo baxa ayaa u mahad naqay taageereyaasha banaanbaxa isugu soo baxay taageerada xisbiga UDUB.

    “Saddex wax baa beenoobay waxay lahaayeen axsaabta mucaaridka ahi ma dhacayso doorasho oo waxay doonayaan inay UDUB iyo xukuumadiisu ay mar saddexaad korodhsadaan, taasina way beenowday oo waa taa doorashadii la cayimay.

    Waxa kale oo ay mucaaridku odhan jireen wadahadal  iyo wada tashi UDUB iyo xukuumadu ma ogola, taasina way beenowday imika oo loogu baaqay wada hadal waxay keeneen shuruudo xanibaya wada tashigii,”  ayuu yidhi Mudane Cali Sanyare, waxaanu intaas raaciyey, “Waxaan leeyahay axsaabta mucaaridka ahi waa inay yimaadaan madasha wadatashiga ee lagu badbaadinayo Somaliland, madashaasi oo la doonayo in ummadda jaho-wareerka lagaga saaro, haddii mucaaridku diidaan wada
    tashiga waa in shacbigu go’aan gaadhaan oo ay ku khasbaan madasha wadatashiga.”

    Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay oo taageereyaashooda u mahad celiyey Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Mudane Jaamac Yaasiin Faarax, Agaasimaha Ololaha Doorashada Xisbiga UDUB Mudane Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi), Wasiirka Ganacsiga Abiib Xasan Filfil iyo Wasiirul-dawlaha Xanaanada Xoolaha Eng. Aadan Daahir Maxamed.ololaha9

    ololaha8ololaha7ololaha6ololaha3ololaha2ololaha1ololaha10
    Ramaasnews

    image soure Boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: