SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xadhigjiidka Xikmadbaa ka Dahsoon (2) Dr.Elmi M.Nur‏

    Posted by Sawnews.tk on August 19, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwritenMarka hore waxaa xusid mudan, iney tahey tallaabo dhinaca habboon loo qaadey arrimaha ku soo kordhey isbeddellada saaxada siyaasadda Somaliland; baaqa madaxweynaha ee ku wajahan gogosha wada tashiga ah ee uu u fidiyey axsaabta mucaaradka, iyo go’aanka guurtida iney safkooda qaybsamey mideeyaan ummadana u dhex noqdaan. Waxaana bogaadin mudan dadaalka bulshada rayidka ee ku wajahan xal u helidda xadhigjiidkan ka dhex aloosmey xukuumadda iyo axsaabta. Qoraalkii hore waxaan kaga hadalney GDQ iyo xaaladda dhibta leh ee ka dhalatey diiwaangelintii ay agaasinkeeda lahaayeen. Maaliyadda iyo wakhtiga ku lumey diiwaangelinta waxaa ka badan jahawareeryada siyaasadeed een wali xalkoodu muuqan. Inkastoon fashilka ugu weyn ay xambaarayaan guddiga u xilsaarnaa fulinteeda haddana eeddeeda kama madhna golayaasha qaranka ee wakhtigooda ku lumiya buuq iyo sawaxan aan xalka qaddiyadda waxba ka tareyn ammaba inta badan qaata go’aanno ugasii daraya.

     

    Golaha wakiillada oo ah hay’ad si dimoqraadi ah loo soo doortey oo beddeshey barlamaankii ka horreeyey oo lagu dhalliili jirey iney ahaayeen kuwo karti ahaan liita oo ku sifoobey dheemaal raac, haddana rajadii laga qabey iney isbeddel muuqda la yimaaddaan wuxuu u egyahay mid lagu hungoobey. Tan iyo intii la doortey wuxuu ka dhammaan laa’yahey golahani xadhigjiid, dhoolatus kooxeysi iyo go’aanno laga soo saaro arrimo fulin iyo farsamo farci ah ku qotoma, kuwaas oo badanaa baal marsan hadafkii iyo hawshi gole sharci dajineed laga sugayey. Dhinac marka laga eego goluhu  awoodihii uu lahaa ayaad mooddaa inuu si ku talo gal ah uga gaabiyey, sida dhammeystirka xeerarkii loo baahnaa ee dalka lagu hagi lahaa oo khasabtey in xeer jajab wax lagu maareeyo, wuxuu ka gaabiyey la xisaabtanka hay’adaha dawladda, hubinta kartida guddiyada qaranka sida GDQ, iwm. Dhinaca kalena wuxuu ahamiyad aysan muteysan siiyey qaddiyado kaba baxsan masuuliyaddiisii loo igmadey, sida; shakhsi ajnabi ah oo la eryey, diiwaangelin la dhalliiley, xaddiddaada xilliga doorashada, etc. Arrimahani waxey keeneen in hawl maalmeedkii barlamaanku uu ku milmo ajandayaashii axsaabta siyaasadda. Wali in badan oo xildhibaannada ah waxaa iskaga laaqan iney kala fahmaan doorashada oo xilligeedii lagu qabto iyo diiwaangelin midka muhiimsan. Waxaa iskaga qasan sideedaba diiwaangelinta mabda’ahaan iyo in natiijadan mugdiga badani ku lammaan yahey loo isticmaalo doorashada hadda ee madaxweynaha. In dadka dhalsho la siiyo oo la diiwaan geliyo waa mabda’ qaran oo distoori ah, hase ahaatee in natiijada soo baxdey lagu galo, waa arrin fulin iyo farsamo oo go’aankeeda ay leeyihiin hay’adaha fulintu. Wakiilladu waxey xaq u leeyihiin iney la xisaabtamaan komishanka. Waxaa iyana layaab leh in qaarkood shakhsi ajnabi ah oo dalkan marti u ahi kala weyn yahey hay’daha qaranka. Haddii farsamo ahaan la caddeeyey iney qaldan tahey, maxaa diidaya in la saxo doorashooyinka dambena loo adeegsado. Wakiilladu waxey iska indha tirayaan iney u simanyihiin shacabka inta magacooda iska weydey diiwaan gelinta ee ka xarrimmaya iney wax doortaan iyo kuwa qofkiiba soddonka qof ku footeyn karo. Qaladka midka muuqda ee la taaban karo ayaa la saxaa  ee ma yaallo wax la iskugu xiijiyo mid aan dhicin oo mala awaal ah- musharaxbaa doorashada ku shuban doona!

     

    Golaha guurtidu oo ah golaha ammaba  aheyd hay’adda ugu sarreysa xeerarka dalka, waxaad mooddaa inuu sii luminayo maamuustkii, haybaddii iyo miisaankii uu lahaanjirey, duruufaha haysta darteed. Wuxuu golahani u baahanyahey inuu dib isu saxo. Sida Golaha Wakiillada wuxuu dhexgaley arrimo fulineed isla markaana ku guul darreystey, sida, muddo kordhin is daba joog ah, xaddidda doorashada iyo dacwado madani ah oo uu beel ka simey. Golaha guurtidu waa gole dhaqan oo distoori ah, ay tahey inuu ka shaqeeyo daminta khilaafaadka, nabadeynta beelaha, ilaalinta wadajirka ummadda, hase ahaatee qaabkii uu u maamuley qaddiyadda Ceelbardaale iyo natiijadii ka dhalatey, waa mid dhaawacdey haybaddii golaha khatarna u horseeddey jiritaankii qarankan haddaan si xikmad leh oo caddaalad ah xal looga gaadhin.

     

    Axsaabta qaranku waxey astaan u yihiin nidaam xaddaari ah oo looga gudbey  qaabkii beelaha ku saleysnaa. Marka si hufan loo adeegsado waa nidaamka ugu habboon ee ummaddu ku soo saarto hoggaanka dalkeeda. Waana hawlbawlaha ummad kasta oo isbeddel doon ahi ka hinqan karto. Taasi waajibaad weyn ayey saareysaa masuuliyiinta asxaabta qaranka iney ummaddan oomman ee qarankan cusub tusaan quwaddeeda iyo kartideeda iyo himiladeedu halkey ku jirto oo ay u xulaan heerkasta oo ay ahaataba dadkeeda hoggaamin kara ee horumar gaadhsiin kara. Kuwaas oo ay lagama maarmaan tahey iney ku sifoobaan hufnaan, daacad, karti, aqoon iyo dhabar adeyg ay xilliyadan adag ummaddan ku sabata bixin karaan. Laakiin waa nasiib darro weyn, haddii ay siyaasadda ka raadiyaan meel xaqiran; caadifada dhalanteed ah, mareegta qabiilka ammaba kala saari waayaan ilaalinta qaranka iyo qaladaad cid gaar ahi fashey oo haddii xilkasnimo lala yimaaddo xilligeeda la sixi karo. Baratanaka siyaasadda haddii uu ka hor yimaaddo si toos ah ammaba si dadban, nabadda, sumcadda, wadajirka iyo jiritaanka qaranimo waa ruux geedkuu korayo ammaba saaran yahey guntiisa jaraaya.

     

    Maansadan gaaban waxey ishaareysaa jaanib ka mida muuqaallada guud ee golayaasha iyo axsaabta dalku yeelan karaan ammaba wajiyada moronka badan ee ay qaateen waayadan danbe. Garashada ay maansadu u yeedheysaa waxey u taagan tahey xikmadda iyo caqliga toosan taas oo  ruux walliba nasiibkiisa leeyahey, loona baahan yahey inuu gaarkiis isu gar naqo. Garashadu waxey u taagan tahey waxgaradka ummadda sida inta maskax fayow, gole kasta oo ay ku jiraan gaar ahaanna culimada, aqoonyahanka, ururrada bulshada  dhallinyarada, salaaddiinta, haweenka etc.Waxeyna fareysaa iney u guntadaan xallinta hawlahani murugsan, jidna u bixiyaan ummaddu ku higsato himiladeeda iyo aayaheeda. Waxeyna fogeyneysaa dhaqanka guuldarrada ee ma aha mid ashkhaas ku wajahan. Waxeyna fogeyneysaa dhaqanka guuldarrada ee ma aha mid ashkhaas ku wajahan. Wixii halqabsi ah amma dhalliil kasoo baxa looma qasdiyin ee hallaga raalli ahaado.

     

    Maantaan Garashoy ku Tabey: Garsoor iyo Gogol Nabadeed

     

    • Adaan garashoy ku tabey
    • Gees teebaad naga jirtaa
    • Garsoornimo daacadaan
    • Galbahan marti kaaga nahey

     

    • Ninbaa geed fuulayoo
    • Intuu geesinomo is bidey
    • Inuu gaadho baarka raba
    • Dushiyo guudka uga baxo
    • Hayeeshee waxaanan garan
    • Waxaan isu kay galayn
    • Gedduu arrinkaa ku hanan

     

    • Gudimo daabluu sitaa
    • Geedkuu wali saaran yahey
    • Hoostiisuu  garaacayaa
    • Guntiyo jirriddaba ku jari
    • Inuu gommadaha is goyn
    • Ammaa geedkuba la dhici
    • Lug iyo garabkaba ka jabi
    • Qudhiisa galaafan karo
    • Miyuu shaki soo galaa

     

    • Maantaan garashoy ku tabey
    • Aan guurno markaan is nidhi
    • Kuwii geediga horkacay
    • Reerkoon gaadiid laheyn
    • Habeen gallinkiisa dhexe
    • Gudcur aan dayaxna jirin
    • Inay geeddiga raraan
    • Go’aansadey talada gudhan
    • Waxey ku fureen go’doon
    • Garbooyin dumaaya iyo
    • Goob aan bani aadam degin

     

    • Waxaan geesiyaal mitida
    • Duqey guurtiya laheyn  
    • Xeer iyo gogol bilan laheyn
    • Waxaan gacal iyo xigaal
    • Gobnimo dhaqanka u laheyn
    • Gegay kaga soo hadheen

     

    • Darbaa golayaashii degey 
    • Dumaal iyo garab ku yimid
    • Waxaa guddi loo boqradey
    • Dhabtii duul lagu gablamey
    • Qaar aan garanayn xilkood
    • Waxaaney gudan kareyn
    • Kursiga  u gariirayoo
    • Malaha gaajada ku reeb
    • Dantoodu ka gudubsaneyn

     

    • Waxey kala gocanayaan
    • Salkeeda ma gaadhi karo
    • Ayaankasta waa gadood
    • Gurxan iyo qaylo dhaan
    • Galaayuus aan dameyn
    • Iyagaa isu gaydhanoo
    • Garbaha isu laalanooy
    • U baahan in la kala guraa
    • Tabcey isla gaadayaan
    • Khiyaamiyo guul darrey
    • Intaa is la goobayaan
    • Lagaadh dabinkiyo suryada
    • Goor tuu daganyahey ku qabo
    • Ka soo gura waxaad gubtaan
    • Ku giiji halhays ah bay 
    • Intaa isu gooddiyaan

     

     

     

    • Wixii gutin shaley la xidhey
    • Maantey kala goynayaan
    • Siduu Gaarriye u yidhi
    • Giraangir wareegsan iyo
    • Godbey ku dul meerayaan

     

    • Waxaan gaadh culus laheyn
    • Gaashaan bira aan laheyn
    • Waxaan gobannimiyo sharaf
    • Go’aankiyo talada qaran
    • Xornimo gaara u laheyn
    • Sidii gabadh ugub ahoo
    • Gaayaankeedii u yimid
    • Guddooon baa lagu baxshaa
    • Waliba galbis loogu daro

     

    • Qaarbay ganacsiba u tahey
    • Badeecad la goosan karo
    • Suuqyada gaddisleyda furan
    • La geyn karo sayladaha
    • Ninkii rabi gadani karo

     

    • Waxaan gacan kuugu jirin
    • Haddaad gaawaha u culan
    • Waxaad geyin baad heshaa
    • Harraadkuna kaama go’o

     

    • Waxey garan laa’yihiin
    • Rabbaa galladaha baxshee
    • Gayigan innagaa iska leh
    • Guntiisana baadhi kara
    • Guudkiisana beeri kara
    • Gu’yaal hore kii jiriyo
    • Kuwani ka dul goohayiyo
    • Gadaal kuwa imanayaba
    • Khayrkiisay guran karaan
    • Haddii badh giriifayiyo
    • Badhkii wax ka giigayaba
    • Gartood innigaa u nool
    • Gafkoodana maydhi kara

     

    • Dhabtii garashoy ku tabey
    • Adoo Guullaha cuskani
    • Garsoor hufan baan rabaa
    • Inaad geed damal hadhweyn
    • Inaad googol noo dhigtaa
    • Xikmadi godlataan rabaa
    • Mar uun bal garwaaqsadaan
    • Dantiyo qaranimada guud
    • Dhaafaan maankani gurracan
    • Dhibaatadan laga gudbaa

     

    • Wallee garashoy ku tabey
    • Adoo Guullaha cuskani
    • Taariikh aan laga gafeyn
    • Guyaalkeedana akhriyi
    • Garaad togan baan rabaa
    • Gaddii lagu rayn lahaa
    • Heshiis lagu gaadhi laa.
    • Inaad nagu garab gashaa
    • Ducana ku gunaanaddaa

     

     

     

    Dr.Elmi M. Nur

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: