SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Siilaanyo iyo Faysal Haday Ku HeshiiYeen Duminta Somaliland Shacabkiina Waa Ka Tashadey

    Posted by Sawnews.tk on August 19, 2009

       hand writingWalee Caqligaan  Arkaayaan Cosob Daal Ka Bi’ inaynin ” .
     
     Doodu Waa Somaliland iyo daala dhaca xisbiyada doorashada fooda inagu soo haysa , Waa doorka uu xisbi walba ku yeelan doono  darka doorka soo socda laga dhaan san doono . Xisbi walba dawliskiisa ayuu xarago dhumuc iyo dherer leh u raadsanayaa , xeelad xaq daro xoog siduu doona ha ku soo helee . Waxa baratanku yahay yaa maaxda hore dawliiskiisa inta uu rito dalawadiisa ka dhaansan doona , inta kalana daba taali doontaa , iyaga oo hoganaaya inta hormoodka doorkani  fuli doono yaase caraqda iyo calaska danbe looga tagi doonaa , oo inta dalawadiisu dhibic iyo dhuruq darka ka waydo ka dul ololi doontaa , ayada oo la isku haaraamayo lana leeyahay “Ma Cosob Ayaan Waligeed Calfan Waayi ”
     
    Cartanka iyo loolanka oo halkaasi maraaya ayaa waxa soo baxay Qaylo dheer oo ka soo baxaysa afka ugu Wayn Xisbiga Kulmiya isagoo ku hadaaqaya
     
                                     Hooboow Markabaa Yimid Hooboow Maanso Soo Maray
                                      Basal badd’ey ka baxdaa, beeso na beer gaalo.

                                   Sakatam, salliifara jam, Soomaliland , lagaa faraxalay

     
     
    Waxaad Ka Yaabto Yaasiinka !! Hadii La Yaabo Yaasiinka !! Anigoo yaaban oo Fajacsan Oo fahmi La kalmadaha ay kamid yihiin  Sakatam , Salliifara Jam , Somaliland laga faraxaley , ee ka soo baxay Afka ugu wayn Xisbiga Kulmiye ayaa aduunyadu waa wado dhakafaar iyo dhabana hayse aan is waydiiyay” Ham baboro Ma libaax bay soo wadaa ” Isla subaxdii waxaan ku waaberiistey War dhiilo iyo naxdin badan oo ciwaankiisu yahay “Afar nin oo lagu gawracay Deegaanka udhaxeeya Gabiley iyo Dilla ” .
     
     Falkaasi markuu dhacay ka dib Waxaan la xidhiidhey dad ka mid ah kuwii ka badbaaday  Waxana Ka mid ahaa hadaladoodii  ” Waxaan la socday safarkii budhcadu qafaalatey , Waxaanan anigu shakhsiyan ku badbaadey , waxaan la socday niman Haber jecla ah oo aan saaxiibo nahay , nimankaasi markay sheegteen Habar jeclo Waxa markiiba Cod naxariisi ku jirto ku dhawaaqay nin cabaar noo jiray oo Lugta ku dhutanaya wuxuuna yidhi  Halasii daayo nimankaas dadkana gooni halooga saaro waxana nalagu duray qolo Tabliiqa oo meel halkaasiya la joojiyay . Waxaan la yaabay  Ninka sheegta Habor yonis Waa la laag laagayay loona hanjabay Ka Samaroon sheegtana meel gaara ayoo loo saarayay inta qoriqa dhuunta lagaga qabto , ka habar jeclo Iyo Jibriil abokarna meel gooniya ayaa la joojinaayay iyagoo la maamuusaayo ”
     
    Intaasi markaan helay ayaan Gartey Sakatam , Salliifara jam  Somaliland laga faraxaley iyo Waxa Kulmiye uga jeedo. Dibin daabyadaas iyo shirqoolkaa Ujeedadii laga rabay Markii la waayay ayaa hadana Kulmiye isku qaadey shirqool kaloo ah sidii loo hor istaagi lahaa Doorashada qabsoomi doonta iyagoo marlabaad ku hadaaqaya.
     
                 ” Anaa Xoog Leh Aalad Dagaalna Ii taala , Alshabaab Iyo Ereteriyaba La Leh Xidiidh Saaxiibtinimo , Cidii i hor Joogstana Dardaraaya , Tolaw nabadiinu Waxay Ku Jirtaa Inaad Itaageertaan Igana Danbaysaan , Anaana Aqaan Sida Qaranka Loo Samata bixin karo , Madaxna loogu noqon karo ”  
        
     Duurxulka iyo siyaasada uu ku Gabraarto Xisbiga Kulmiye ayaa ah Muggii Muslim iyo Masiixi, dhaqanka, iyo xuduud laysku colaadi jiray waa laga soo gudbay. Waxa curtay waa qarnigii danaha. Siyaasaddayda waa dantayda; dantayda na waa siyaasaddayda. Nin walbow na, ogow dantaada . Dalkan hadaanan anigu u taline Waan duminayaa . 
              
     Riyo waa dhalanteed Waa dabuub ay dad badani rumaysanyihiin , anigoo taasi uhaysta dhalanteed iyo dabayl Jilaal ayaan hadana Geesta bidix waxaan ka maqlay yabooh iyo qaylo dheer oo kasoo baxaya Afka U wayn Xisbiga Ucid isagoo ku hadaaqaya              
                                 Dadaw Ragax Soo DHaheey Rag Iyo Dumar Soo SHiraay
                                 Haduu rabash taagan yahee  Ruwaayadan Bal Ila Arkaay
     
     Intaanan qayladaa micnaheeda Fahmin ayaan Xasuustey dabuub tii ahayd ” Xisbiga Ucid Ajande Siyaasadeed Malaha oo hadba Wuxuu u socabiyaa Udub Iyo Kulmiye Hadba Kii Goolka dhaliya , qadiyada Somaliland na  way galbiyaan Doorashana daa hadalkeeda , waayo waxay Ogyihiin in aanay marnaba soo baxayn. Markaa saan qaboobay oo aan is idhi hadaa meel ma jiraan.
     
                  Talo xumo todoba jeer nin falay haatan na u taagan;
                  Oo aan naftiisa u turayn looma taag helo’e!
                  Nin tashiga tolkii aan ka maqal tabar na keenaynin;
                  Oo aan wax taaryoon karayn looma taag helo’e
                  Tawtawle aan edeb lahayn lagu tilmaan ceeb’e
                  Tuunkii la jooga ba hadd’uu faan ka tirinaayo
                  Ninka hadalku tuumaajka yahay looma taag helo’e…

     
      Guntii iyo gabagabadii Hadii Kulmiye Ucid labada ay u tafaxayteen Inay dalka iyo dadkaba fawda galiyaan , Hadii intii wax ay isku darsanyd aysan wadaagi karayn , Hadii boobkii iyo kufsigii kursigu wali joogto yahay , hadii beesadii beenta ahayd Dolar iyo Dahab wali laga dhigey , Hadii gadisleydii Sicir bararka caado ka dhigteen , hadii muqaadaraadkii iyo maandaariskii laga mushtaaraayo , hadii gacan ku dhiigel wali dagaal u duuban yahay , hadii hunguri waynihii taaganyahay ha la ii badsho hadii kale waan ka baxayaa , hadii Baarlamankii iyo  Guurtidii dafiraad iyo darin cun barteen , hadii kii xaqdarada waday kii xaqa wadey ka cod dheer yahay , hadii intaa inoo aan sheegnay iyo inkaloo inoo muuqataa jiraan waxaan odhan lahaa Mustaqbalka dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag Ee kulmiye iyo Ucid ha u tidhaan shacabka iyo masaakiinta  , wadankana qoriga dabka ah kala dhex baxaan hadayne qacan shisheeye ka danbayn .
     
     
     Cabidlaahi Xaaji Siciid
     
    Eamail : Cubeesh@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: