SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maayarada Iyo Xoghayayaasha Dawlada Hoose ee Lix Magaalo oo Somaliland ah oo Shir Hawleed Ku Saabasan Horumarinta Degmooyinka Uga Furmay Boorama.

    Posted by Sawnews.tk on August 18, 2009

    shirka-maayarada-ee-boorama-small Boorama (Harowo) — Maayarada, xoghayayaasha iyo xubno ka tirsan xildheenada toddoba magaalo oo ku taalla soomaaliland ayaa maanta shir hawleed ku saabsan taabbogelinta mashaariicda horumarinta magaalooyinkaasi, ayaa maanta Boorama ka furmay. Shir hawleedkan oo socon doona muddo laba casho, ayaa waxa kasoa qaybgalay maayarada, xoghayayaasha dawladaha Hoose iyo xu bno xildhieebnno ah oo ka kala socday magaalooyinka  Boorama, Berbera, sheekh, Oodweyne, Burco iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa, iyadoo isla markaana ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah masuulyiinta hay’adaha caalamiga ah ee soomaaliland ka hawlgala qaarkood: 

    Sida UNDP oo ay ka socotay haweenayda lagu magacaabo Caroline, UN Habitat, wasaaradda daakhiliga  oo ay ka socday Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi iyo la taliyaha wasiirka  ee dhinaca maamulddaadejinta Xuseen Axmed qoloombi, oo isaga la sheegay inuu in muddo ahba kasooa shaqaynayey sidii kulanhawleedkani uga hirgeli lahaa dalka gudhiisa iyo arrimaha maamuldaadejinta.

    Guddoomiyaha G/awdal Maxamuud Sh. C/laahi Cige, oo shirhawleedkan ka furay Huteel Rays ayaa guud ahaanbaka hadlay ujeedada laga leeyahay iyo sida lloo doonayo in dadweynaha ku nool magaalooyinka soomaaliland loogu sameeyo maamuldaadejin ilaa heer tuulo ah, tabaraiida shaqaalaha dawladaha Hoose iyo ka faaiideysiga  mashaariicda horumarinta ee loogu deeqo dalka.

    Guddoomiyha ayaa sidooa kaqle u garaabay dhiobaatooyinka maamulada dawladaha Hoose ka haysta dhinaca shaqaalah xaddhaafay ee ka hawlgala iyo shaqo la’aanta baahday oo culays ku haya. Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:

    shirka-maayarada-ee-boorama-3

    “Waxan muddo laba casho halkan  kaga wadahadlaynaa siddii looga wada hadli lahaa horuarinta mashaariicda dadweyaha,tababarka shaqaalaha iyo casriyuerynta hawlaha dawladaha Hoose sida cashuur ururinta iyo sixitaanka khaladaadka dhaca.Shirkan waxa uu daba socdaa ayaan u malaynayaa shir dhawaanta lagu qabtay Jabuuti, haatanna loosoo leexiyey Boorama ama soomaaliland kaddib markii dhinacyadaii hawlahaasi Jabuuti kaga wadahadlay isku afgarteen, waxana Boorama loo keenay ayaan filayaa duruufaha yaalla dalka Jabuuti oo ku adkaaday masuulyiinta magaalooyinkeenna, oo malaha xaqaljeebkii la siiyey  dhaafi waayey sharaabkoodii .Waxad ka wadahadlaysiin mashruuca loo yaqaan JPls, maamul daadejin  iyo tababarro la siiyo shaqaalaha dawladaha hoose.

    Waxana hawshani kusoo beegantay wakhti dawldaha hoose ay haystaan duruufo adag oo kaga imanaya  dadweynaha  oo inta badan culays ku haya dawladaha hoose ama dhul aan jago  noqiqn karin ku khasbaya in loo sharciyeeyo, kaddibna jago yar oo 30×30 ahi isu bedesho qabiil.

    Dadbaa arrtiui ku kalaha dawladaha hoose si ay waxiooogaa nololmaalmeed ah ugasoo helaan. Maayarka Hargeysa oo an maalin xafiiskiisa tegey ayaan waayey meel isagii ka arko marka loo eego dadkii ku xoonsanaa, sheedda ayuuna iga salaamay inuu ila hadlo haleel wuu u waayey. Sidaa darteed waxan  idinka rajaynayaa inaad labadaa casho ee u dhabaradaygtaan hawlaha ad ka wada hadli doontaan ,kasna soo saartaan arrin wadajir ah oo dalkeenna u keena horumar iyo nabadgelyo inaan kusii noolaanno. Waxa kale oo an ammanayaa guddoomiyaha  hay’adaha shaqaalaha dawladda oo dhawaan shaqaale badan u diray dalalka deriska ah si kor loogu qaado aqoonta shaqaalaheenna.”

    Agaaismaha Guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha Yuusuf Maxamed Ducaale, oo isna munaasabaddan manta ka hadlay aya sidoo kale ka warbixiyey kulankan labada maalmood ay isku arkayaan masuulyiinta magaalooyin ka mid ah soomaaliland. Agaasimaha Guud oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:

    “Dawladaha Hoose waxa ka jira aqoondarro hadhaysay shaqaalaha ,xildhibeenada iyo masuulyiinta laamaha xisaabaadka iyo qaybo ka kale oo muhiim u a hawlaha ahorumarinta, sidaa darteedna wax kastoo horumar ay gaadhsiin lahaayeen degaanadooduna ay dareen arrimahaasi.

    Wasaaradda Guduhu waa tan isku xidha  maamulka dawladda iyo tan Hoose ,qaarbaa yidhaa waan ka madaxbannananahay waasaaradda ee maxaa na daba dhigay. Waxan ogahaya hadii an idinka baxno inaydaan tallaabo idiin rogmanayn, waayo waxan ilaahay inta ka sokaysa masuul ka nahay amniga ad ku shaqaynaysaan .Markaan nusoao laabto mashruucan JP waa mid innagu cusub oo tijaabo ah , magaaooyinka Berbera iyo Boorama.

    Waxana maamulka degaanka Boorama   qandaraas lagusoo bandhigay fulintiisa, hadii kaasi hagaagana ,waxan sannadkan 2010 bilaabana mashaariicda wakhti dheer ,haddii lagu fashilamana wuu joogsanayaa, markaan waxan shaqaalaha dawladda Hoos, xildhibeenada iyo masuulyiintaba ka rabnaa inay si waddaninimo ah hawshaasi u qabtaan, iyadoo l aynnu manta halkan u joogno bilowga  tallabadii looga faaiieysan lhaaseysan lahaa  mashaariicda JPLS.waxa intaa dheer casriyeynta maamulka golayaasha degaanka ,cashuur urrinta, isticmaalka qalabka ITga iyo xirfado horumarin keena.”

    Maayarka Boorama C/raxmaan Shide Bile, oo isna halkaasi saaka ka hadlay Boorama kusoo dhaweeyety maayarada, xoghayayaasha iyo xildhbeenada shanta magaalo uga yimi, isla markaana ka warbixiyey qaabkii osoo bilaabay mashruucan JPLS iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in l Boorama laga arko midhihiisa, degaanada kalena loou gudbin lahaa.

     

     

    Maayarka Degmada Boorama Cabdi Shide Bile oo soo dhaweeyey maayarada Somaliland Maayarka Degmada Boorama Cabdi Shide Bile oo soo dhaweeyey maayarada Somaliland 

     

     

    Maayarka Caasimadda Somaliland Eng. Jiciir Maayarka Caasimadda Somaliland Eng. Jiciir 

     

    shirka-maayarada-ee-boorama-1 Agaasimaha Guud Yuusuf Maxamuud Ducaale 

    shirka-maayarada-ee-boorama-5

    shirka-maayarada-ee-boorama-6

    shirka-maayarada-ee-boorama-8

    pshirka-maayarada-ee-boorama-7

    Maxamed Cumar – Hyena

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: