SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ergo Isku Dayda Xalinta Khilaafaadka Somaliland Tii Ugu Miisaanka Weynayd Oo Hargeysa Shir Uga Furamayo

    Posted by Sawnews.tk on August 18, 2009

    News-and-EventsHargeysa(Sawnews)- -Waxa maalinta barri ee Arbacada  Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa shir uga furmayaa   102 Qof  oo Ergo ah oo ka kooban  Ganacsatada, Culimada, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Hormuudka bulsho-weynta Somaliland intii ugu magaca weynayd ee hormoodku loo bidayay intoodii badnayd, kuwaasi oo ka ergeynaya in dhinacyada isku haya siyaasadu ay xal kama dambays ah ka gaadhaan khilaafaadka siyaasiga ah iyo muranada ka taagan Arrimaha Doorashada Madaxtooyada ee la isku hayo, si looga hortago burbur ku yimaada qaranimada iyo dimuqraadiyada koraysa  ee Somaliland.Shirkan barri u furmaya Ergadan oo ah middii  Xal u helida khilaafaadka dalka isku xil qaanta tii ugu tirada badnayd ee kulmisay tiro intaa leeg oo ka mid ah maskaxdii iyo muruqii bulsho weynta Somaliland. Waxaana soo qaban qaabiyay oo hormuud u ah Dallada Midowga Suxufiyiinta Madaxa banaan ee Somaliland (USJ) oo horaantii todobaadkan shaaciyay inay ergo ka galayaan khilaafka cakiran ee dalka ka taagan.

     Guddoomiyaha Dallada Midowga Suxufiyiinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo ,maanta shir kula yeeshay Huteelka Xaraf qeybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa banaan ayaa sheegay in ergadan  ay qaban qaabinayaan  ay ka dambaysay kulamo isdaba joog ah oo Hoggaanka dalladu uu la yeeshay Ganacsatada, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulsho-weynta Somaliland.

    “Ergadan oo ah mid tiradeedu aad u badan tahay, waxa maalinta Arbacada shir uga furmayaa Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa 10:00 Subaxnimo shirkaasi oo socon doona muddo laba cisho ah, waxa Ergadaasi tirada badani ay ku dooranayaan shirkan Guddi kooban oo u gudo gala hawsha ay isku dayayaan inay xal ka gaadhaan khilaafaadka cakiran ee dalka ka taagan, oo haddii uu sii socdo oo aan xal laga gaadhin keeni kara burbur aan laga soo waaqsan Karin,”Ayuu Yidhi Cabdilaahi Cukuse, isagoo is barbar dhigayay waxyaabaha Ergadoodan iyo kuwii hore ay ku kala duwan yihiin wuxuu yidhi “Ergooyinkii hore waxay ka garniqi jireen ama dhex geli jireen dhacdo dhacday, tusaale doorashadii oo dib u dhacday iyo Guurtidii oo muddo kordhisay oo muran ka dhex dhalisay darafyadii siyaasada.laakiin Ergadani waxay kaga duwan tahay tii hore Waxaanu doonaynaa inaanu ka hortagno xaalad soo socota ama burbur iman kara haddii muranka siyaasiga ahi sii socdo.”

    Cabdilaahi Cukuse, wuxuu Ergadan ka codsaday inay isku soo xilqaamaan shirkan oo hawl kasta oo ay leeyihiin wakhtigooda ugu tabarucaan  inay ka shaqeeyaan in xal loo helo xaalada dalka ka jirta.

    Sidoo kale Xasan Siciid Yuusuf  oo ka mid ah madaxda sar sare ee Dallada midowga Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland ayaa ka waramay ahmiyada ay leedahay in Suxufiyiintu ay kaalin ka qaataan xal u helida  khilaafaadka dalka iyo isku soo dhawaynta darafyada kala duwan.

    Magacyada Eragada Shirku Maalinta barri u Furmayo

     

    1-C/Rashiid Dahabshiil

    2-C/kariim Maxamed Iid

    3-Xasan Bulbul

    4-C/Laahi Gahayr

    5-Sh. Xasan Cabdi Salaan

    6-C/Raxmaan Aw- Cali

    7-Xasan Ciise Jaamac

    8-Maxamuud Cabdi Xaamud

    9-Xasan Maygaag Samatar

    10-Maxamed Jaamac Warsame

    11-Mustafe Cabdi Cawad (Indho Deero)

    12-Dr. Bulxan

    13-Prof Saleebaan Axmed Guulleed Boorame

    14-Prof. C/Salaan Burco

    15-Maxamed Nuur

    16-Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

    17-Sh. Maxamed Aadan

    18-Sh. Maxamed Calio Geedi

    19-Maxamed X. Yuusuf Iimaan

    20-C/Raxmaan Waabari

    21-Yaasiin Amed Sakhraan

    22-Maxamed Axmed Kuluc

    23-Dr. Yuusuf Kaariye

    24-Eng. Ciise Xamari

    25-Dr. Aburaas

    26-Xasan Guurre

    27-Eng. Yuusuf Yaasiin Cumar Xaashi

    28-Sh. Cabdilaahi Jawhar

    29-Xaaji Axmed Miisaan

    30-Xasan Mawliid

    31-Maxamed C/Laahi Xasan

    32-Xasan Sabce

    33-Axmed Xasan Cawke

    34-Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)

    35-Aadan Bulxan

    36-Daheeye

    37-Yuusuf Kirix

    38-Sh. Axmed Dayib

    39-Xuseen Barbaraawi

    40-Maxamed Cumar Dhuux

    41-Xasan Emmbassy

    42-Dr.Saleebaan Cabdi Guulleed

    43-Dr. Gaas

    44-Cabdi Xasan (W.Isbuunyar)

    45-Shugri Xaaji Bandarre

    46-Muuse Xisbi

    47-Prof. Xasan Maxamed Jaamac (Dahabshiil)

    48-Sucaad Ibraahim

    49-Aamina Milgo

    50-C/qaadir Batuun

    51-Jaamac Oomaar

    52-Aadan Axmed Diiriye

    Wacays

    53-Saleebaan Xuquuq

    54-Dr. Garaad

    55-Maxamed baarjeex

    56-Cabdi-Qays

    57-Prof. Gees

    58-Xasan Halas

    59-Maxamed Xaaji Cali Bootaan

    60-Axmed Jaambiir Suldaan

    61-Edna Aadan Ismaaciil

    62-Maxamed Madar Xaashi

    63-Xasan Maxamed Jaaamac

    64-Yuusuf Shaacir

    65-Cabdi Guray (FOPAG)

    66-Maxamed Cali Bille

    67-Haaruun Xaaji Axdi

    68-Maxamed Mixile Boqore

    69-Xasan Gaafadhi

    70-Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf

    71-Dr. Buuxane

    72-Dr. Ibraahim Siciid (Qaws)

    73-C/Qaadir Cali Dubad

    74-Maxamed Ciise Axmed

    75-Maxamed Cumar Xuseen(Maxamed-dhuux)

    76-Jaamac Lawyer

    77-Dr. Suggulle

    78-Sacdiya Muuse

    79-Ismahaan Cabdi-salaan

    80-Aamina Caarshe

    81-Maxamed Yuusuf Moogge

    82-Cabdi Aadan

    83-Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay)

    84-Axmed Aw- Geedi

    85-Maxamed Cabdilaahi Yoonis

    86-Dr. Ismaacil Muxumed Aye

    87-Dr. C/Raxmaan Jaamac Haddi

    88-Dr. Walhad

    89-Dr. Saleebaan Rambo

    90-Mahdi Geedi Qayaad

    91-Nimco Gabaydo

    92-Saam Cumar Geeddi

    93-Axmed Xasan Caafi

    94-Dr. C/raxmaan Aw-koombe

    95-Maxamed Warsame Gacanlow

    96-Maxamed Axmed Cigaal

    97-C/Salaan Cabdilaahi

    98-Salaan Cabdilaahi Yaasiin

    99-Sh. Cabdiraxmaan Faarax Xarbi

    100-Muuse Aaye

    101-Axmed Jaamac Siciid (Jabiiqe)

    Ramaasnews Desk
    Hargeisa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: