SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo marti qaad wada tashi u fidiyay gudoomiyayaasha Kulmiye Iyo Ucid

    Posted by Sawnews.tk on August 17, 2009

    Md Dahir Rayale KahinHargaysa,(Sawnews)-Madaxweynaha Somaliland ayaa wada tashi ugu baaqay madaxda xisbiyada qaranka gaar ahaan xibiga Kulmiye iyo UCID, sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafdeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland isla markaasin uu ku saxeexanyahay afhayeenka madaxtooyada Somaliland, warsaxaafadeedkaasi oo dhamystirana waxa uu u dhignaa sidan hoos ku qoran kaasi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qarannews.

    Marti-qaad wada tashiga ah oo Madaxweynaha Somaliland u fidiyay Madaxda
    Labada Xisbi Mucaarid.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa
    uu ku marti qaaday in ay ka soo qayb galaan Madaxda labada xisbi ee
    KULMIYE iyo UCID Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Faysal Cali
    Waraabe fadhi wada tashi ah oo ay isugu iman doonaan Maalinta Arbacada ee
    toddobadkan Qasriga Madaxtooyada.

    Madaxweynuhu, isaga oo ahmiyad gaar ah siinaya jiritaanka qaranimada
    Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada, waxa uu si xishmad iyo
    qadarin leh ugu marti-qaaday Labada Xisbi ee Mucaaridka Madaxdooda in ay
    isugu yimaadaan wada hadalo wada tashi ah oo lagu fallan qayn doono
    masiirka ummada reer Somaliland maalinta Arbacada ee toddobaadkan saacadu
    marka ay tahay 11:30 subaxnimo.

    Dhan kalena waxa warsaxaafdeed kale uu afhayeenk madaxtooyadu uu kaga war bixiyay kulankii wasiirada ee maanta oo isniin ah ku qabsoomay madaxtooyada kulankaasi oo uu gudoominaayay madxweyne Rayaale waxa aanu warkaasi oo dhamaystirana u dhignaa sidan hoos ku xusan.

    Fadhigii Golaha Wasiirada ee Maanta ka dhacay Qasriga Madaxtooyada oo uu
    gudoominayay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta si
    qoto dheer loogu qaadaa dhigay Xaaladaha Siyaasadeed ee dalku marayo iyo
    sababaha keenay in Xukuumadu ay taageerto go’aamadii ka soo baxay Guddida
    Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ahayd in dalka ay uga qabsoonto
    doorashada Madaxtooyadu, si toos ah 27-ka Bisha September ee fooda inagu
    soo haysa.

    Shirku waxa uu si balaadhan uga dooday sababaha keenay in doorashooyin
    toos ah oo bilaa diiwaan gelin ah lagu galo doorashada Madaxtooyada,
    maadaama ay fashilantay diiwaan gelintii dalka ka dhacday.

    Golaha Wasiiradu waxa kale ay ku dheeraadeen Musuq-maasuqa baaxada leh ee
    ka dhacay diiwaan gelintii dalka ka qabsoontay Bari ilaa Galbeed, taas oo
    aan dan u ahayn Nabad gelyada ummada reer Somaliland ay ku caano maashay
    iyo geedi socodka dimuqraadiyada ee ay kaligeed ka hir galisay dalkeeda
    doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay.

    Gabi gabadii goluhu waxa uu ummada reer Somaliland ugu baaqay in ay mar
    walba ahmiyada saaraan Nabada iyo xasiloonida dalka, iyadoo aynu ka war
    hayno duruufaha ka taagan wadamada aynu dariska nahay.
     

     -Qarannews  

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: