SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Agaasiamaha Ololaha Xisbiga UDUB Muadane Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi), oo Shir Jaraa’id Maanta Kaga Hadalay Heerka uu Marayo Ololaha Xisbigoodu.

    Posted by Sawnews.tk on August 17, 2009

    cisman-hindi-1Hargaysa,(Sawnews)-Gudoomiyaha ololaha doorashada xisbul xaakinka talada haya ee UDUB Mudane Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo maanta warbhaanita kala duwan shir jaraa’id ugu qabtay huteel Xaraf ayaa ka xog bixyay xalada siyaasadeed ee lagu jiro iyo ololaha doorashada madaxtooyadu halka uu u marayo.

     

    Waxaanu ku bilaabay sidan”ololaha doorasha jadwalkii ay u jideeyeyeen komishanku intii nagaga soo hagaagtay anaka oo ahayd 22 cisho sida uu noogu socdo , waxa uu noogu socdaa sidaan sugaynay iyo si ka qurux badan gobolada iyo dagmiiyinka dalka si wayn baa layskugu soo baxaay”
    intaasi ka dib gudomiyuhu isaga oo hadalkiisi sii wata waxa uu ka war bixiyey shaqada uu xisbigu u igmaday.

    Waxanu shirkani ku sheegay arimo dhowr ah isla markaan dhinacyo badan taabanaya waxaanu yidhi ” tageerayasha xisbiga UDUB, iyaga oo jeeni qaaran calankooda iyo koofiyadahooda ayey tageeradooda mujiyaan wanaanu wadaynaa tageeradaa ay inoo mujiyeen shacabku waxaanan idiin shegayaa in ay si fiican inogu socoto”.

    Intaasi ka dib waxa gudomiyaha dhankoda laga waydiyey in ay samaysteen xafiis ololaha kambaynka ah oo ka kooban gudi sagaal xubnood ah kana mid yahay safiirka ‘
    Dr. Maxamed Aar” in ay fureen iyo sida uu hawshiisa u wadayo waxanu ku jawabay ” xafiskaasi waa jiraa lakin se lama furin ”

    Ololahani dorashada ayaa ah mid ku kooban xisbiga talada haya ee udub kaasi oo anay la wadaagin laba xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid isla arintaasi mar gudomiyaha wax laga waydiyey waxa uu sheegay in ay wadayaan in ay wadayaan kambaynkooda ololaha oo anay cidnaba u joginayn uguna baaqay xisbiyada mucaridka ah in aanay wakhtiga iska lumin ee ay ka qayb qataan ololaha.

    Source Qarannews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: