SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xaflad Lagu Gudoonsiinayey Abaal marino Oradyanadii Gulaystay oo lagu Qabtay Hotel Rays (+SAWIRO)

    Posted by Sawnews.tk on August 15, 2009

    qqw1Borama(Sawnews) Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo maanta ka dhacday Hotel Rays ,xafladan oo ahyd mid abaalamrino kala duwan lakagu gudoonsiinaayay  orodyahanadii ku guulaystay 10 kaalmood ee u horeeyay , Xafladan oo ay qaban qaabadeeda iska lahaayeen Ururka dhalinyarada ee Ayoda,
    Xafladani  oo ay kazoo qayb galeen dadwayne  iskugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ,Sul. C/raxmaan Jaamac Dhawal , Sul. Ibraahim Dacar, Caaqil Rooble oo ka  tirsan Golaha deegaanka ee degmada Borama, Ibraahim Magan Nuur oo ahaan jiraya Duqa Magaalada Borama, Xaaji Axmed Miisaan oo ka socday Amoud Foundation, A/wahaab Yuusuf  ahna isku duwaha  Wasaarada Ciyaraaha iyo Dhalinyarada  ee Gobolka Awdal, Fuaad A/samad Sh. Ahmed oo u qaabilsan Arimaha Ciyaaraha Jaamacada Camuud  ahna Tobobarihii  soo saaray Orodyahanada ku guulsaytay tartankan , Marwo Aamin Cawaale Dudub iyo Marwo Nasiya Jaamac Aye oo kim ah qurba jooga reer Awdal ee Wadanka England.  

    Ugu horayn waxaa  Xaflada Furay Agaasimaha Ururka Dhalinyarada Ayoda Siyaad Cumar Cali oo  si  koogaban  uga  war bixiyey marti sharafta madasha fadhiday   Ururkooda iyo  hawlaha  uu  u qabto Dhalinyarada iyo bulshada hadalkisiina  waxaa ka  mid  ahaa ‘ waxaa uu  ururkani   ka shaqeeyaa Hormarka  Dhalinyarada waxaana  uu  ila  hada  soo  saaray  Arday  ku  shaqaysata Farsamada Gacanta,  sidoo  kalena  waxaa  ila  hada  ku  jira tobobarka  Farsamada Gacanta 350 Arday  oo isku jira Hablo iyo  wiilalba  waxaana  la baraa Farsamooyin kala  duwan  sida Nijaarnimada , Wastaadnimada, Galita,Qasabadaha Biyaha, iyo waliba Farasmada computerada ,  waxa iyaguna  meesha  ka  maqnayn Farasamooyinka Haweenka  u gaarka  ah  sida Umulisooyinka, Toliska Dharka, Farasamada Computerka sida looga shaqeeyo  xafiisyada’   sidoo kale waxaa  uu sheegay  Agaasime Siyaad in ururkoodu ka shaqeeyo Arimaha Xaga  Deegaanka iyo waliba iyaga  oo  sameeya  Dhir Beeris iyo  waliba iyaga  oo  bixiya Abaqaalka Geedaha,  sidoo  kale  waxay  ka shaqeeyaan  Arihamaha Dhawrista  Xuquuquda Haweenka  iyo  waliba Caruurta.

    sidoo kale  wax  uu sheegay  in ururkooda  ay wadaan mashruuc la yidhaado YEP Project oo ay  maagaliso  Hay’ada SIDA  oo  ay  u  soo  dhex  mariyaan hay’ada NRC. .

    Agaasime Siyaad  waxaa  uu hadalkiisii  ku soo  gababa gabeeyey  in  uu  ururkoodu  Ogaaday  Haybaha kale  duwan  ee  ay  leeyihiin  dhalinyarada  iyada oo  awal  Dhaliyarada Waxbarashada  lagu  qasbi jiray  lakin manta  ay  Ururka Ayoda  soo Suura galisay in ay   Ardaydu bartaan   Xirfado Kala duwan  kuna   shaqaysan karaan.

    Waxaa   Kale  oo  halkaasi  ka  hadlay  Sul.C/raxmaan Jaamac Dhawal iyo Sul.Ibraahim Dacar iyo Waliba Caaqil Rooble  dhamaantood waxa u  Mahadnaqeen  Ururka Dhalinyarada ee Ayoda  horumarka ay  ka  sameeyeen Gobolka  iyo Dhaliyaradaba  sidoo  kale  waxay  ku  dhiiri  galiyeen in  ay  sii wadaa Hawlaha  lagu  horumarnayo Dhalinyarada. 

    Waxaa  kale  oo siaguna  ka Hadlay Dr.Ibraahim Siciid ( Qaws) ugu horayn  wuxuu  mahad  balaandhan  u  jeediyey Ururka Dhalinyarada Ee Ayoda  sida  ay  u horumarinyaan  Dhalinyarada sidoo kale waxa  uu u mahad celiyey Amound Foundation iyo Taageerada ay  siiyaan Ururka Ayoda  in ay  sii wadaan  sidoo kalena  waxaa  uu  ugu  baaqay  qurbo jooga  in  ay  ku  daydaan Amound Foundation  oo  ay la  shaqeeyaan Ururka Ayoda,  waxaa  kale  oo  uu  sheegay in  ay  jiraan Dhalinyaro kale  oo  wali daadsan suuqa oo l oo baahan  yahay  in  wax  loo  qabto  laguna  dhiiri galiyo  inay wax bartaan sidaa  darteeda  waxa  uu sheegay  in  ay  sii  wadaan Dadaalka Ay  ugu jiraan Dhalinyarada Ururka Ayoda.

    Wax  iyaguna  halkaasi  ka  hadlay Marwo Aamin Cawaale Dudub iyo Marwo Nasiye Jaamac Aye  oo  labadooduba  ka  waray Dhibaatada  ay  qurbuhu  leeyihiin  iyo  iyagoo kasheekeeyay dhalinta qurbaha jogta dhibaatada haysata , waxaana ay sheegeen labadooduba in ay maanta Ururka Ayoda ay gaadheen in ay Da’yarta ay kala ogaadeen  rabitaanka arday waliba, halka barigii hore dhamaan waxbarasho lagu wada dari jiray , maantase aw nin walbaaba gali garo rabitaankiise iyo wax hiwaayadiisa ah, taasina ay dhibaato u keento waalidka in uu ardaygu uu ka saaqido waxbarashada, sidaa darted  waxan  leenahay Ayoda  waxaa  ay  gaadhay Guulo  la  taaban  karo  anaguna  ka  qurbo  ahaan  waan  idin  garab  joogsanaynaa Hiil iyo Hooba  ayey  ku  soo  gabagabeeyeen hadalkoodii.’

    Ugu  danbay  waxa  halkaasi  hadal gaaban   ka  jeediyey A/wahaab Yuusuf oo  ah  isku duwaha  wasaarada Ciyaraaha iyo dhalinyarada Gobolka Awdal  oo ugu horayn  mahad balaaadhan  u  jeediyey Ururka  Ayoda  iyo  wax qabadka  muuqada ee  ay  u  sameeyee  dhalinyarada Gobolka Awdal   waxaana  uu  ku  dhawaaqay  10 kii Orodyahan ee Ugu  horayasay  iyo Daqiiqadihii  ay  ku  ordeen.

     

    Wuxuuna yidhi sidan :

    Magaca Orodyahanka Numberka Garanka Daqiiqadaha uu ku Orday
    Ayaanle Sulaymaan Xasan 505 31:37:22
    Xiis Bashiir Yuusuf 554 32:08:33
    Ridwaan Maxamed Aare 526 32:15:86
    Ramadaan Fawsi Maxamed 525 32:35:50
    Muuse Cumar Wacays 550 33:04:76   ( Cali-sabiix)
    Maxamed Xasan Nageeye 524 34:27:03  ( Booliiska)
    C/rashiid Ismacil Xasan 533  
    Farxaan Cabdi Jaamac 514  
    Amin Maxamed Jibriil 501  
    C/risaaq Xasan C/raxman 509  

     

    Gabogabadii Xaflada  ayaa  waxaa  Bilado, iyo Jaa’isado  kala  duwan  la  gudoonsiiyey  10 kii Orodyahan  ee  ku  guulaysat  kaalamaha  Hore, waxaa la  gudoonsiiyey   abaal marin  ay  ku  farxaan.

    Isku  soo  wada  duboo,  Ururka Ayoda oo ah  Ururkii  soo  qaban  qaabiyey Ororka 10 km ee  shan jirsay ayaa waxa  uu  noqday  Ururka  kaliya  ee  wax  muuqada  u  qabtay  dhalinyarada  Sidoo  kalena  raali galiyey  Bulshada  qaybaheeda  kala  duwan.

     qqw1qqq2133ddqqq12qqq1qqa1qq1132qq1123qq123qq15

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    qq14

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: