SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweynaha S/land Oo Wasiiro Xilkii Ka Qaaday Qaar Cusubna Magacaabay

    Posted by Sawnews.tk on August 15, 2009

    somaliland-logo.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta isku shaandhayn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, isaga oo Wasiiro cusub u magacaabay Wasaaraddo kuwo kalena xilkii ka qaaday.

    Madaxweynuhu, isaga oo ku dhaqmaya qodobka 90-aad, faqradiisa labaad ee dastuurka JSL , isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaaradaha hoos ku xusani ay u leeyihiin dhismaha iyo horumarka qaranka, waxa uu magacaabay:-

    1. Wasiirka  Wasaaradda Madaxtooyada inuu si rasmiya ula wareego xilkeeda Mudane Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macalin” oo hore u ahaa Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
    2.  Mudane Farxaan Jaamac Ismaaciil in uu ahaado Wasiirul dawlaha
    Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
    3.  Mudane Muuse Cabdi Maxamuud in uu ahaado Wasiirul dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
    4. Mudane Saleebaan Warsame Guuleed  in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda
    Gaashaandhiga
    5.    Mudane Axmed Cali Warsame “Ubaxle” in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda
    Wershadaha.

    Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xilkii Wasiirnimo ka qaaday:-

    1.  Mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim oo ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda
    Gaashaandhiga
    2. Mudane Maxamed Saleebaan Maxamed  oo ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda
    Wershadaha
    3. Mudane Jaamac Cabdillaahi Nuur “Haybe” oo ahaan jiray Wasiirul dawlaha
    Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.

    Madaxweynuhu waxa uu ku amray Wasiirada cusub ee xilka loo magacaabay inay sida ugu dhakhsaha badan xilka ula wareegaan.

     

    Allaa   Mahad    leh

    Siciid Cadaani Mooge
    Af-hayeenka Madaxtooyada

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: