SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • “Guddoomiyaha UCID Wuxuu Doonayaa Inuu Hargaysa Khad Cas iyo Qabyaalad ku Kala Qaybiyo, Waana Dambiile Qaran” Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi).

    Posted by Sawnews.tk on August 15, 2009

    cismaan-hindi Hargeysa (Jam) – Agaasimaha olalaha doorashada madaxtooyada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kaasi oo ahaa in aanu xibsiga UDUB ka ololayn karin meelaha xisbiyada mucaaridka ahi ku taageero badan yihiin, isaga oo islamarkaana dadka ugu baaqay in aanay baabuurtooda ka kirayn xisbigaas UDUB. Mr. Cismaan Hindi oo xalay u waramay qaar ka mid ah saxaaffada dalka, ayaa sheegay inuu Fayasal Cali Waraabe doonayo inuu magaalada Hargeysa ku kala qaybiyo khad cas iyo qabyaalad. 

    Cismaan Hindi Waxa uu xusay inuu soo qaatay mashaariic lagu duminayo Somaliland, waxaanu intaa raaciyey in Faysal Cali Waraabe uu yahay dambiile qaran oo doonayo inuu bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland isku diro.

    “Saaxiibkay Faysal Cali Waraabe wuxuu la soo baxay beryahan dambe wax aan loo dul qaadan karin oo ah inuu Magaalada Hargeysa khad cas kala mariyo, oo uu ka dhigo sidii Xamar oo kale, oo uu yidhaahdo xaafadayda xisbi kale ma iman karo, haddii ay yimaadaana hala shiido, oo yaan baabuurta laga kirayn. nin doonaya inuu dalkan madax ka noqdo waa looga wanaagsan yahay dhaqankan oo kale, waxaanan aaminsanahay markuu sidaa u hadlayo iskaa madaxtinimo uu u tartamee inuu yahay dambiile qaran oo doonaya inuu bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland isku diro.

    Faysal wuu iloobaa wixii uu maanta lahaa sida carruurta, Arrimaha Siyaasadana wuu ka been abuuraa siyaasadda xiligan ee Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waa mid ma dhalays ah, waxaanu Faysal mashaariic lagu duminayo Somaliland uu ka soo qaatay dibada, waxaanu u baahan yahay in laga tumo saar qabyaaladeed, Zamora iyo Interpeace.”

    Cismaan Hindi oo aanu weydiinay wuxuu ku cadaynayo in Guddoomiyaha UCID uu dibada ka soo qaatay mashruuc lagu burburinayo dalka, waxaanu ku jawaabay “Waxaan ku caddaynayaa marka uu leeyahay Hargeysa xaafadayda lama tagi karo oo xisbi kale ma tagi karo oo haddii ay tagaan shiida, waxaanu Faysal difaacayaa oo uu dagaalkaasi u galayaa NGO- yar.”

    Agaasimaha ololaha doorashada ee xisbiga UDUB, wuxuu Guddoomiyaha UCID ku eedeeyay inuu ka been sheegay weftigii Midowga Yurub ee Socdaalka ku iman lahaa dalka, hase ahaatee dib u dhigay booqashadoodii,oo uu xusay inay u baaqdeen arrimo ka yimid dhinacooda, waxaanu yidhi “Weftigii Midowga Yurub ee socdaalkoodii ay ku iman lahaayeen dalka ka cudur daartay oo sheegay inay ka xun yihiin oo ay mar kale iman doonaan Somaliland oo raali gelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid booqashadoodii, arrintaasna Faysal wuu ka been abuuray wixii uu Saxaafada maanta ku qorayna waxba kama jiraan. Waxay weeftigaasi ay sheegeen inay sii wadayaan xidhiidhkii wada shaqayneed ee ka dhaxeeyay Somaliland.”

    “Waa wax lala yaabo in laga been abuuro wufuuda dalka imanaysa waa nasiib darro Guddoomiyaha UCID-na waxaan leenahay ka waantoow, beenta iyo siyaasad xumada aad caadaysatay,”ayuu yidhi Cismaan Hindi.

    Agaasimuhu, waxa kale oo uu jaawab kulul ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Xisbiga KULMIYE oo dhawaan bogaadiyay dadweynaha reer Somaliland oo ay sheegeen inay dhegaha ka furaysteen olalaha xisbiga UDUB ku kaliyaystay ee uu ka wado dalka.

    Cismaan Hindi oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Horta KULMIYE wuxuu wadaa oo uu mar kasta la soo taagan yahay siyaasad ma dhalays ah, oo aan sal iyo raadtoona lahayn oo xaalad abuur iyo khal khal ku gelinayaan dalka, waayadan dambe waxa batay beentoodii waxba ka ma jiraan arrinta ay sheegeen ee ah inaan loo soo bixin olalaha doorashada xisbiga UDUB ee doorashada madaxtooyada.

    Waa nasiib darro inuu KULMIYE ka been sheego wax ay ummadda reer Somaliland arkayso oo ah ee Gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan taageereyaasha xisbiga UDUB ay iskugu soo baxeen ee ay u muujinayaan taageeradooda, ee ay ugu soo baxeen xisbiga oo dadweynuhu iyagoo calankii xisbiga UDUB ku jeeni qaarnaa lugaynayay wadooyinka magaalooyinka.waana wax lala yaabo inuu KULMIYE inkiro sida dadweynuhu ay noo soo dhaweynayeen. Waxaan qabaa xisbigaasi wuxuu marayaa oo ka dhigan yahay nin daad qaaday xunbo cuskay.”

    Cismaan Hindi wuxuu xisbiga KULMIYE ku dooday inay ka shakiyeen shacbiga dalka, oo ay ka baqdeen ka qeyb galka tartanka doorashada Madaxtooyada, waxaanu yidhi “Xisbiga KULMIYE haddii uu taageero ku haysto shacbiga Somaliland oo uu is leeyahay waa lagu taageerayaa wuxuu u soo bixi lahaa doorashada madaxtooyada ee ay qaadaceen, waxaanay ku kalsoonaan lahaayeen Komishanka Doorashada oo ah haayada ka garooreysa.”

    Jamhuuriya Online

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: