SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Faallo: Xidhibaan Mahdi Cabdilaahi Maxamuud (Awdal) oo Noqday Ninkii Buuxiyey Kooramkii Golaha Wakiilada ee Lagu Teegeerayey Diwaan Deintii Fashilantay.

    Posted by Sawnews.tk on August 14, 2009

    faaloXildhibaan Mahdi Cabdilaahi Maxamuud, kana mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Awdal, ayaa fadhi ay dorraad ay lahaayeen Golaha Wakiilada Somaliland ee lagu taageerayey Diwaan Gelintii fashilantay iyo hay’adda Inter-Peace ka badbaadiyey in fadhigaasi lagu kala tego kooram la’aan ka dib markii sida la sheegay ay xisbiga mucaaradka ee kulmiye ugu balan qaaday lacag lagu qadaray $2000.00. Xildhibeen mahdi Cbadilaahi oo ka soo baxay xisbiga UCID doorashadii baarlamaanka Soomaalailand, kana soo jeeda beesha Reer Maxamed (Samaroon, Maxamed Case), ayaa dad badani la yaabeen sababta ku kaliftay inuu taageero u fidiyo Diwwaan Gelinta fashilantay maadaama oo ay reer Awdal guud ahaanba ay godob ka tirsanayaan qaabkii loo maamulay iyo mu’aamaradaha ka dembeeyey.  

    Xil. Mahdi Cabdilaahi Maxamuud oo in dhawaaleba an lagu arag saaxadda siyaasadda Somaliland tan iyo wakhtigii la soo doortay afar sano ku dhawaad ka hor, ayaa haatan u muuqda inuu siyaasadda ka bilaabay dhinac xun oo an ku fadhiyin mabda’ iyo waddaninimo, balse uu ku tashaday inuu ku danaysto shaadhka loo geliyey ee xildhibeennimada, isaga oo aan haba yaraatee wax xil ah iska saarin danaha iyo sharafta umaddii soo dooratay.

    Tan iyo markii la doortay ee uu tegay magaalada Hargeysa, ayaa dadka qaar aad ugu hanweynaayeen  mahdi canbbdilaahi, isaga oo la moodayey nin dhallinyaro ah oo ka hadli kara danaha Reer Awdal Golaha Wakiilada dhexdiisa, balse waxaa dhacday in ilaa maanta an laga hayn maalin qudha oo uu ka hadlkay siyaasadda iyo horumarka dalka, isaga oo aad moodo inuusaan ku kalsoonayn xildhib eennimadiisa, una haysta wax lagu shaqaysto.

    Inkastoo la moodayey inuu Mahdi Cabdilaahi u xaglin doono dhinaca xukuumada, isla markaana il gaar ah ku eegi doono waxyaabaha ay danaynayaan shacabkii soo doortay, balse haatan waxa cadaatay inuu u tafoxaaytay dhaleevaynta xukuumadda Rayaale, isaga oo aad moodo inay iskaga khaldantay ka soo horjeedka xukuumadda iyo xilkii ka saarnaa inuu ka hadlo waxyaabaha lagu wiiqayo umaddii soo dooratay.

    Sida la sheegeyo Mahdi C/laahi Maxamuud, ayaa qaddar saacad ah horteed xisbiyada mucaaradka iyo shakhsiyaad kale oo taageera ka helay deeq lacageed oo gaadhaysa ilaa 2000 (Labakun) oo Doolar si uu u buuxiyo kooramka fadhi an caadi ahayn oo baarlamaanka Soomaaliland ka lahaa arrimaha Diwaan Gelinta, kuwaas oo guud ahaanba Reer Awdal ka biyo diideen, ka dib markii musuq maasuq laxaadle ka dhacay hirgelinta mashruucaas, iyada oo sida la ogyahay lagu khiyaamay Awdal.

    Mahdi Cabdilaahi, ayaa hada noqday xildhibaankii labaad ee Reer Awdal ee buuxiya kooram lagaga hadlayo arimo xasaasi ah oo si gaar ah u taabanaya, isla markaana wiiqaya danahooda, taas oo dadka qaar hada leeyihiin wuxuu taariikhda ka gali doonaa meel madow.

    Maxamed Cismaan Cabdi, Hargeysa, Somaliland.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: