SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Bashoy Magacaagu Wuxuu Noqday Ishiish , Aragaaguna Waa Ufuuf , Hadalkaaguna Waa Akhaakh . Qaytii 3aad.

    Posted by Sawnews.tk on August 14, 2009

    hand writing Bashoy waajibkaaga gudashadiisu xurmada dhawrsoonaanta ku hobboon isirkaaga maxaa buuq iyo dagaal qaawan inuu ku falo idiinku wacan . Idinkoo xaafada aad isku xodxodanaysaan is waydiin waxa dhacay , waxa lagu jawaabaa curi mukulaal roorsanaayee miyaad ceebtiina qarsataan jacaylkana micnihiisa dhawrtaan . Badayleyda kuwa  tirsan baa ku maahmaaha ” Nin iyo naagtii colna ma aha nabadna ma aha “.
     
     kuwaasbaaba idinka sii daran Waayo ? Dhismaha qaran qoys buu ka unkamaa , haduuu laba ruuux oo is neceb oon kalgacal iyo iskaashi wadaag lahayn laga bilaabo waxa uu ku barbaaraa nac iyo nuxuus hiif iyo haaraan aayihiisuna waa burbur iyo halaag . Basho caadadaa ka noqo kalgacal   dhaqan  suuban oo caafimaad qaba ku beddel. Haddaba badawyaley iyo been been ku nool aan kaaga daynaaye.
     
     
         Baruur qudhuntaybaa    ,  jiidh bad qaba laga banbaanshaaye
         Bahalnimo bakhtiga quudatoo ,  booli lagu baabay
         Buuniga ku baanee , badbaado ugu doodaaye
         Baadida kaa maqan baafinteeduu  , ku tamar beeley
         Ballan qaadka inuu buuxiyuu , bogo  han beegiisa
         Been been ku nooley , bacdeeda la arkaaye
         Bulan wiiqa naaf baraq jabshiyo , baadil boqon gooya
         Bashoy ha uga biqin , baarrumaha nolosha bowdjexa
         Baloy baydh  cuskoo , baal ka raac dhaqankaan kuu baaqay
         Been been ku nooleey , dhal baasiyo wax ma dhigatoy
         Barkha iyo badhaadhahaba , haday billi ku waayeen .
        
     
      Baxnaano basar xumada ka beddeshaa bashoy  !! way ubanaanyihiine , ka baaraan deg waanada , oo bal lama huraan ku xisaabtan . Qoys maalin shidaystay haduu hilib kuu hidiyo waad ka dheregtaa  hanbada adoon meel dhigan , waad ka tagtaa oo waad hurdo tagtaa . Ninkii guriga lahaa goorta cashada loo soo dhigo , ayaad soo toostaa  adoo jimicsanaaya , oo ninkii ku meeraysanaaya ” YAW MIYAW YAW ” .
     
     Bashoy badawyaleyey been been ku nooley caadooyinkaaga fooshaa xun , qodobka u daran haduu dadku ogyahay cidkuu naxariisata iyo cid ku soo dhawaysata toona lama arkeen .  Haatan inta ka diimoona ha ogaato , hadaad ku waan toobi wayndana waa kadab go`aagiiye ku tala gal  oo ku quuso.
     
     Ma ogtahay Aygu sxb ka korsday intuu habeenkii hurdo wuu soo jeedaa oo kama seexdo , isagoo nacabka ka ilaalinaaya haduu saaxiibkii dhintana maydkiisuu xasaladaa , jeeroo xabaasha lagu aaso siduu uga dul barooranaayo qaarkood ay ba ku naf waayaan. Adigana maydka saaxiibkaa waa lagaa ilaaliyaa , hadaad cidlo kaheshana indhahaad kala baxdaaye maxaa kuugu wacan ? Waxaad ku banaantahay ceebowdo goortuu kaa yaxyaxo isaga oo yaaban wuxuu waydiiyaa , maxaad rabtaa ?……   Waan baahanay . Mar labaad buu kugu celiyaa bashoy hilbihii badnaa een maanta kuugu deeqay miyaad laasatay ? Mayanee markaan ka dhargay waan ka tagay ayaad ku jawaabtaa hadana . Haatana barya cusub baad usoo toostey ? Haa oo Haa ayaad hadana ku tasbiixsataa ilayn xishoon mayside .
     
     Bashoy ma kula taliyaa ? Kolay tallo maqli maqli mayside bal idhagyso.  Caadooyinka xayawaanka kaa yar yar sida qudhaanta , aboorka shinida iyo kuwa kaasii yar yarbaa xoogsada , hedelkoodana kala reebta oo tawstoo iyo tooggada hanti u kaydsada si ay waayaha soo socda haday tabcashadu gabaabsido  , kaydkii ay ugu talo galeen u baryo iyo basar xumaba iga furto .
     
    Sidaa aawadeed nin horaa ku gabyey   ” Wallee niman wax sii dhigan baan dhereg danbe u aayin ” Sidoo kale marwo horaa ku buraanburtay Sida tan .
     
                    ” Badhaadhaha  Hooyadaa Laguma baahi Baxee  , Wixii Baradaada Yaalbaa Beydi Kuugu Dhaw”
     
    Bashoy murtidaa baaxadeeda miisaan oo ku cilmi qaado .  Bashoy beerkaagaad cuntaa , hooyadu kooxda ay    dhasho ka dhexay cuntaa , waayo curriga ka dhaley xil kama saarna waxna ma siiyo markaa iyada oo baahan fooshu qabato , qaybta hore markay soo dhaafto iyada oo aan wax quudan inta hadha ma ay dhali karto oo waa ay dhiman . Hadayse xabad in ay cunto dar xumadu ku qasabto waxa ka sii daran curigii ka dhalay baa baaqiga cunaaya . Sida ay uga qarinayso oo ay hadba uga xasaynayso , waxa la arkaa mid labo ma seddex in ay dhasha aabahood ay ka badbaadiso intaas oo tafiirta habar yaanyuur ay baaqii ku tahay waa nasiib.
     
    Waxaan intaa raaciyaa been been ku nool iyo habar dawyaley duul ka tirsan oo ilmaha inantiisu dhashay ee awoowga u yahay iyo walaashii dhashay ee abtiga u yahay nacabkiisa u yaqaan oo intuu laayo dhiigooda intuu baashado ku faanaa . Kuwa aan ab iyo isir wadaagina tol iyo sokeeye u yaqaan . La dhinta u dhinta in uu godobta ifka iyo cadaabta aakhirana in uu qaybsado caabuda. Bashoy adiga iyo inta beerkooda cuntaa waanwaan nolosha looguma hayee dib isugu noqdo oo tashada .
     
              Gabagabo Bashoy  lagu hiif lagu nac laguma rabo dunida dambi dhaaf iyo naxariis midnaba kaagama hadhin ” Aragaagu Waa Ufuuf  , Magacaagu Waa   Ishiish ,Hadalkaagu Waa Akhakh. ” Marka xaalku heerkaa taagan yahay maxaa kula gudboon . Waxay aniga ila tahay in muddo yar taasood adigu soo kala xulato taad gudoonsataan quruumaha dhaqso u soo keento.
     
      1- Dadnimo dambiyadii hore ka tooba keenta oo la cafiyo.
      2- Dugaagnimo takooran oo heerimaad loo qoonsado , sharkeedana laga gaashaanto .
      3- Duunyo la dhaqdo oo hayin ku banaan, midiidin loo adeegsado
     
       Sedexdaa qodob soo dooro ka kuu roon maankaaga la kaasho.
        
                               DHAMAAD
     
     Lasoco qaybaha danbe” ruwaayadii Gaaraa bildhaan ” Qayb ka mid ah .
     
     
    Curintii Allha u Naxariistee Abwaanki waynaa Ee Soomaaliyeed Marxuum Xasan Sheik Moumin Gaafane.
     
          Soo gudbintii Cabdilaahi Xaaji Saciid.

    Eamail: Cubeesh@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: