SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweynaha S/land Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Fanaanada Taaniya Iyo Maxamed Himilo + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on August 12, 2009

    tanya.jpgHargeysa-(Sawmews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda Qurba jooga dalka Norway.

     

    tanya.jpg

    Wefdigaasi oo ay ka mid ahaayeen Fanaaniin, Wakiilada Somaliland iyo Madax kale oo ka tirsan Somaliland, waxa ku jirtay gabadha reer Norway ee magaceeda la yidhaahdo Taaniya, gabadhaasi oo ku caan baxday in ay ku heesto heeso badan oo Af-soomaali ah, iyadoo u dhalatay dalka Norway. 

    tanya1.jpg

    Wefdigaasi waxa Madaxweynuhu  ugu mahad naqay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland iyo sidii diiranayd ee ay ugu soo dhaweeyeen isaga iyo wefdigiisuba markii ay booqashada ku tageen dalka Norway sanadkii 2007-kii.

    tanya2.jpg
     
    Wefdigaasi oo ay hogaaminaysay Fanaanada Taanya, waxa ay Madaxweynaha iyo xukuumada Somalilandba ugu mahad naqeen sida diiran ee kalgacalka leh ee lagu qaabilay intii ay joogeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo casuumada sharafta leh ee loo fidiyay, waxana ay Madaxweynaha gudoonsiiyeen hadyado ay ku sharfeen, laguna xasuusan doono socdaaladoodii ay ku yimaadeen Somaliland.

    tanya3.jpg
     
    Wefdigaasi Maanta Madaxweynuhu qaabilay, waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Mudane C/risaaq Waaberi Rooble, C/samad Maxamed Cabdillaahi oo isaguna ka mid ahaa qurba jooga reer Norway iyo Fanaanka caanka ah ee la yidhaahdo Maxamed Himilo, isla markaana waxa xafladaasi soo dhawaynta ah ka qayb galay Wakiilka Somaliland ee Norway Mudane Maxamed Maxamuud Aadan “Linin” iyo Wakiilka Somaliland ee Ireland Mudane Cabdi-fataax Siciid Axmed Guuleed iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.

    tanya4.jpg

    Allaa          Mahad                leh

     
    Siciid Cadaani Mooge
    Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: