SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Kooxo hubeysan oo waaberigii saaka ku xasuuqay bartamaha magaalada Gaalkacyo koox culimaa’udiin Tabliiq ah oo u dhashay dalka Pakistan

    Posted by Sawnews.tk on August 12, 2009

    tabliiqGaalkacayo (Sawnews) Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa waxay saakay aroortii magaalada Gaalkacyo xasuuq waxashnimo ah ugu gaysteen koox Tabliiq ah oo isugu jira Pakistan iyo Soomaali oo ay kala soo baxeen Masjid lagu magacaabo Towfiiq oo ku yaalla khadka cagaaran oo magaalada Gaalkacayo u kala qaybiya labada qeybood.
    Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegeen in saakay aroortii ka hor intaan la tukan salaadda subax ay kooxo hubeysan soo galeen Masaajidka, kana kaxaysteen dadkaasi tabliiqa ah, isla markaana ay geeyeen bannaanka iyagoo halkaana ku dilay shan nin oo dhalashadoodu tahay Pakistan waxayna sidoo kale dhaawaca u gaysteen labo qofood oo Soomaali ah oo ka mid ahaa Culimada Tabliiqa

    Culimada Tabliiqa ee u dhashay dalka Pakistan ee saaka waaberigii lagu xasuuqay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay inay shalay ka soo dageen garoonka ku yaalla magaalada Gaalkacyo iyagoo ka soo kicitimay magaalada Hargeysa, waxayna xalay marti ku ahaayeen oo ay ku hoydeen Masaajidka Towfiiq oo ah midka ay saakay aroortii kala baxeen kooxaha hubaysan ee dilka u geystay.

    Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacayo ayaa waxay si aad ah uga argagaxeen falkaasi waxashnimada ah ee lagu xasuuqay culimaa’udiinka Tabliiqa ah oo dalka Somalia marti u ahaa, waxaana goobtaasi isugu tagay kumanaan dad ah oo si aad ah uga tiiraanyeysan dhacdadaasi, lamana garanayo kooxaha dilka gaystay waxa ay ahaayeen iyo ujeedada ka dambeysa dilka culimaa’udiinkaasi Tabliiqa ah.

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: