SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Faalo Ku Saabsan Orodka AWDAL ROAD RACE Ee Sanadkan, Oo Malinta Bari ah ka Dhici Doona Magaladda Borama, Yaase Ku Guulaysan Doona Tartanka Sanadkan 2009

    Posted by Sawnews.tk on August 12, 2009

    awdal road race“WAXANA IDIN SOO RAACINEY SAWIRADA ORODYAHANADA LAGA FILAYO INEY KU GULEYSTAN ORODKA SANAKAN.” (ORODYAHANADASI OO KA SOCDA DALKA DJIBOUTI TABOBARONA KU SOO QAATEY ADIIS ABEBA.)

    Borama(Sawnews) Waxa si xawliya looga dareemayaa magalada Borama qaban-qabada iyo isku diyaarintii Awdal Road Race oo ah tartaan sanadle ah oo dhaca 12 August(Bari).
    Gudomiyaha qaban -qaabada Awdal Road Race, Mr Mohamed Mahamoud Tono waxa uu sheegey in tartankan u yahay markii 5aad ee lagu qabanayo magalada Borama .
    Mr. Tono waxa u sheegey in au is diiwaan galiyeen dhalin kor u dhaftey 70 oo ka kala yimid Gobolada iyo Degmoyinka Somaliland iyo dalalka deriska sida Djibouti iyo Ethiopia.
    Tartanka orodka 10km ee Awdal Road Race waxa uu noqdey tartan heer sare ah oo runtii sanadba sanadka ka dambeeya sii baladhanaya oo dalalka aan deriska nahay ay kaso qeyb galayaan.
    Gudomiyee Tono waxa u shegey in orodyahanadi ugu dambeeyey xaley soo gadheen magalada Borama kuwaso ka socdey Gobloka Salal.
    sido kale waxa sanadkan yimid orodyahano ka socda dalka Ethiopia (Jig-jiga) oo u hormuud u yahay Nimcaan Cabdi Maxamuud.
    Dadka sportiga xiiseya waxa isha ku hayaan orodyahanada ka socda Ethiopia waayo dalka Ethiopia waxa u xirfad u leeyahay orodada.
    Waxa kale oo an marnaba la dhayal san karayn orodyahanada dhanka Djibouti ka socda oo u hormood u yahay Ayanle Souleiman oo bil ka hore kaso laabtey tartaan caalamiya oo ka dhacay dalka taylaniga ka dib markuu ku guuleystey kaalinta 6aad iyo orodyahano kale oo farta lagu fiiqayo sida Muuse Cumar Wacays oo ka socda Gabolka Cali Sabiix ee isla dalka Djibouti iyo ugu dambeyntii orodyahan foozi Ramadan isaguna ka socda dalka Djibouti kuna guleystey orodkii dhawaan lagu qabtey Gabiley. oro1SAWIRKA XIDIG ORODKA SOMALILAND SHIRWAC

    Waxa dadweynaha reer Borama hadal hayaan oo kale orodyanakii xidiga somaliland Shirwac oo an la hubin in u ka qeyb qaadan dono tartankan 5aad ee Awdal Road Race.

    Si kastaba ha ahaatee su‘aashu waxay tahay kuma ayaa ku guleysan doona tartanka orodka 5aad ee Awdal Road Race ee 2009 ka.

    or3

    oryahan ethioorod ethio 7orod ethio 5orod ethio 3orod ethio 2orod ethio 8

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: