SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Somali Lagu Xasuuqay Xabsiyada Liibiya

    Posted by Sawnews.tk on August 11, 2009

    News-and-EventsTiriboli(Sawnews) -Qaar ka mid ah maxaabiista Somalida ah ee ku jira xabsiyada dalka Liibiya, ayaa geeriyooday, ka dib markii ay dhaawacyo xun gaadhsiiyeen ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

    Weris Axmed, oo ah haweenay Somali ah oo ku xidhan xabsi lagu magacaabo Kaafuudo oo ku yaala caasimadda labaad ee dalkaas Liibiya ee Bangazi, ayaa xalay Geeska Afrika khadka telefoonka ugu sheegtay in ay gudaha xabsigaas ku geeriyoodeen lix wiil oo Somali ah, kuwaas oo ay dhaawacyo gaadhsiiyeen ciidamada ilaalada ahi, “Xalay waxa geeriyooday saddex wiil, hadda oo aan kula hadlayo qadar daqiiqado ah ka horna waxa geeriyooday saddex wiil.” Ayay tidhi Weris Axmed, iyadoo ilmaynaysa, waxaanay intaas raacisay, “Wiilasha ayaa shalay banaanka loo soo saaray si ay hawada u qaataan, markii ay fursadaas heleen waxa ay xoog ku jabiyeen albaabadii xabsiga. Dabadeedna ilaaladii xabsiga ayaa dagaal la gashay, oo tooriyo la dhacday wiilashii gudaha xabsiga ku jiray, qaar kalena banaanka ayay u baxeen laakiin xabad ayaa lala dhacay, markii maxaabiistii baxsatay la soo celiyay, Askartii oo gadoodsan ayaa rag iyo dumar dadkii xabsiga ku jiray ee Somalida ahaa ula soo galay dagaal axmaqnimo ah, ilaa sideetan qof waa dhaawac, lix wiilna way geeriyoodeen oo gudaha xabsiga ayay ku dhinteen oo uu hadda maydkoodu yaalaa.”

    Haweenaydani, waxa ay sheegtay in dadka Somalida ah ee ku jira xabsiyada dalkaasi ay ku suganyihiin nolol xun, “Waxaanu ku noolnahay nolol xun, waxaanan codsanaynaa in lanoo soo gurmado. Waad I maqlaysaa walaal oo hadda waxaan la ooyayaa murugo iyo ciil.” Ayay tidhi Weris.

    Dooni soo caariday

    Dhinaca kale, dooni xeebaha Tiripoli ka qaaday 75 qof oo reer Somaliland ah oo u tahribayay dalka Talyaaniga, ayaa shalay ku soo caariday xeebaha Madiina ee isla magaaladaas. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ee magaaladaas joogaa, doonidaas ayaa badweynta heehaabaysay shan maalmood, “Waxa ay aakhirkii soo caariday saaka [shalay], dabadeedna ilaa shan iyo toban qof mooyee intii kale waa la qabtay oo xabsiyada ayaa loo taxaabay.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ee xalay u waramay Geeska Afrika.
    Source Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: