SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • SHIRQOOLKII OO WADDO KALE QAADEY (THE CONSPIRACY HAS TAKEN ANOTHER TURN)By Mohamed Mousa(Ottawa)

    Posted by Sawnews.tk on August 11, 2009

    94d15d16-dc2b-42d1-94f9-f77415586456conspiracyWaxan baryahan dambe ka hadlaayey shirqoolkii ku saabsanaa dilkii fooshaxumaa   ee ka  dhacay jidka Dila iyo Gabiley u dhexeeya. Shirqoolkaas oo u eg mid muddo dheer laga sheqeeyey laguna fulinaayey laba arimood. Labadaas arimood oo dadkii ka soo sheqeeyey  ay doonayeen in labadu marka kaliya wada hirgalaan ama haddii midi fashilanto ta kale hirgesho.

    ARINTA HORE

    Dadka sida xun loo dilay ee la googooyey waxa loogu tala galey in ummada Gadabuursigu soo dhiidhido oo dagaal ku soo qaado Isaaqa, isla markaana Isaaqu is daafaco. Dadka shiqoolka isku soo dubariday waxay ku soo heshiiyeen in iyga oo ku dhuumanaaya nabadglayada wadanka ay faafiyaan in nabad galyada wadanku khartar ku jirto isla markaasna ay inqilaabaan xukuumada. Aragtidani waa markhaati ma doon waayo dadka la tuhmaayo waxay ku kala jiraan laamaha aminga ee wadanka iyo xisbiyada mucaaridka iyo waliba duqaytida degmaadaas iyo golayaasha ummada.  Arintani way dhicisowday oo waxa dhiciseeyey Gadabuursi oo ka caqli batay shirqoolayaasha.  Waxa qunbulad ku noqday dadkii ka dambeeyey shirqoolka samir iyo degenaan maskxeed.

    ARINTA LABAAD

    Haddii inqilaab dhiciwaayo, waxay ugu tala galeen in ay doorasho dhiciwaydo. Arintan labaad saansaanyaheeda way muuqataa oo waxa u daliil ah qayladda iyo sarwaxan ku saabsan Inter-Peace iyo diidmada go’aanada ililaha sharciga wadanaka. Waxaad moodaa in ay hadda kala miirantay kii u danaynaaya Somaliland iyo kii duminaaya.  Waxa muuqata in mucaaridku olole lagu duminaayo Somaliland ka bilaabay wadana shisheeye, oo ay ka mid yihiin Kenya, Maraykanka iyo Yurub.  Mucaaridku wuxuu bilaabay in doorashada madaxweynuhu aanay dhicin.  Hadda mucaaridku wuxuu Riyaale ku ashtageynayaan Maraynkanka iyo dowladdaha kale iyo waliba Jimciyada Qurruumaha Aduunka. Markii inqilaabku ka dhicisoobay waxay dagaal ugu jiraan in ayna doorasho dhicin waxayna u sii gogol dhigayaan inqilaab ama afduubka Somaliland ee la rabo in qadiyada Somalia lagu daro.

    TAN MAANTA JOOGTA

    Waxa muuqata in mucaaridku bilaabey in ay iibiyaan Somaliland igaya oo ku qulqulaaya Kenya  oo ku andacoonaaya in Riyaale duminaayo nabad galyada Somaliland. Wax kasta waa lagu tijaabiyay mucaridka in ay ogaaldaan laakin nin ujeeda leh waxba kama dhaadhacaan. Somaliland waxa soo martay dhawr doorasho oo mid walba nabad ku dhamaatay. Inter-Peace waa hay’ad caalimiya  oo danta qarbiyiinta iyo ta hay’ada qaramada midoobay u fulisa siyaasadahooda iyada oo iska dhigaysa in ay danta Somalailand ka shaqaynayso.   Qarbiyiintuna waxay u ololeeyaan Somalia. Qarbiyiintu waxay rabaan in Somaliland ku soo daraan Somalia. Mucaaridka iyo Inter-Peacena waa ku heshiis arintaasi. Sababaha dhowrkii jeer doorashada dib loogu dhigay waxay ka dambeeyay Inter-Peace taas oo mucaaridkuna gacan wayn ku lahaa.

     

     Qamaan Bulxan gambaygiisii waxa ka mid ahaa: Baadida qofbaa kula daydaya daala kaa badine, aanseen dooneyn inaad hesho daayin abidkaa e. Ta kale Geel ninkii qaadey doondoonayo lama helo.  Dadka raadinaaya ragii dilka gaystay waa kuwu iyaguba ka baqanaaya in la fashiliyo oo ka dambeeyey dilka. Maanta waxa gacan sareeya dadkii dilka fooshaxun geystay oo ku khasbaaya inta kale in baadida waligoodba ay raadinyaan oo aaney helin, haddii kale danbiga la wada qaybsado.  Dadka sugaaya in la helo danbiilayaasha waa in ay quustaan oo raadinyaan xal kale.  Sabtoo ah waxa ku xeeran mareeg ka kooban dadka aminga ilaaliya, siyaasiinta, beeralayda, ganacsato iyo waliba cuqaasha Degmada Gabiley.

    XAL

    Ummada reer Somaliland oo ayna ku jirin dadka ka danmbeeyey dilkaas waa in ay ilaashadaan danta guud iyo siddii Somaliland wadan xor ah u noqon lahaa. Way noo cadahay tartanka maanta ka socda Somaliland. Kaas oo ah in lagu doorto Maxaweyne iyo Golayaasha Degaanadda. Ninkii doonaya tartan xor ah oo xalaal ah waa in u la yimaadaa  siyaasad dadka qancinaysa oo u dan ah ummada.  Kii wata siyaasad guracan oo lagu burburnayo dalka ha ogaado in uu la mid yahay tussalaha mahmmahdan oo ah Karis xun iyaduna wax ku kul’a. Mustaqbalka Somaliland wuxuu gacanta u jiraa ummada Somaliland. Ummada Somaliland waa in ay garataa in halganka ina horyaal uu  hadda bilaabmay una baahanyahay in la iska qabto wixii raba in ay ina afduubaan oo ay fuliyaan ujeedadda Qaramada Midoobay iyo dowladaha Qarbiyiinta ee ku salaysan in ay Somalia ku soo celiyaan sidii hore. Ummada Somaliland waan in ay wada jir u soo qabtaan qofka danmbi ka gala qof kale ama qabiila kale. Sidaas uun baan meel ku gaadhi karnaa.

     

    By

    Mohamed Mousa(Ottawa)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: