SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • 10 Qof oo ku Dhaawacmay Xaflad Aroos Hoolka Guriga Shaqaalaha Hargeysa oo ku Dumay Awgeed

    Posted by Sawnews.tk on August 11, 2009

    mig-in-hargeisa-0Hargeysa(Bnn)-inta la ogyahay Dhawr iyo toban qof ayaa ku dhaawacmay markii uu xalay hoolka xarunta Hay’adda Shaqaalahu uu ku dumay xaflad Aroos ah oo lagu qabtay.
    Illaa hada lama garanayo khasaaraha dhabta ee ka soo gaadhay dadkii ka qaybgalyey xafladda Arooska ah iyo sabata keentay inuu dumo dhismuhu, balse waxa la sheegay in dadka ay dhaawacyadu ka soo gaadheen markii ay dadku naxdintii isku yaacyaaceen taasoo keentay inay is jiidhjiidhaan.

    Sida la sheegay xilaga uu shilku dhacay muu joogin arooska oo la yidhaa Maxmed Cumar balse waxa goobta ku sugnayd Aroosada oo la yidhaa  Aamina Xasan taasoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaadhay.

    Inyar ka dib markii uu shilku dhacay ayaa waxa goobta yimid ciidamo faro badan oo Bilays ah kuwaasoo u soo gurmaday inay inay badbaadiyaan dadka ku jiray Hoolka oo loo sheegay inay intooda badani ku hoos jiraan burburka dhismaha, balse markii ay yimaadeen ayey ogaadeen inaanu dhismuhu wada dumin, khasaaruhuna uu yaryahay.

    Taliyaha saldhiga dhexe Maxamed case oo aanu xalay kula kulanay goobta uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in ay u soo gurmadeen kadib markii ay maqleen dumista dhismaha halkana ayna ka badbaadiyeen laba dumara oo u dhawaa halka uu dhismuhu ka dumay, waxaanu intaa ku daray inay baadhitaan ku hayaan sababta keentay shilkan, balse wuxuu sheegay inay wararka hordhaca ah ee ay ka heleen goobtaasi ay sheegayaan in shilku ka dhacay dhisme cusub oo lagu  daray hoolka.

    Sarkaal ka tirsan hay’ada shaqalaha oo isna ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inay hski ka qabaan in wax lagu dhuftay dhismaha isaga oo beeniyey in wax dhibaato oo weyn oo sabab u noqon karta dumista uu qabay hoolku.

    Qaybta duntay ee dhismaha oo ah gidaarka dambe ee dhismaha hoolka ayaa la sheegay inuu mudoba dilaacsanaa oo laga cabsi qabay inuu dumo, iyadoo sidaasa ayey maamulka hoolku wadeen inay kireeyaan hoolka iyagoo aan waxba ka qaban cabsida laga qabay inuu dhismuhu dumo, inkasta oo la sheegay inay qandaraas ku bixiyeen dhismihiisa.

    Waxa kale oo jiray dayacnaan ka muuqatay guud ahaanba Hoolka oo hadana uu maamulka ka soo galo dhaqaale ay ka helaan shirarka iyo xafladaha lagu qabto, dhaqaalahaas oo aan la garanayn meesha uu ku shubmo

    Waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: