SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo kula kulmi doona Robert Gate magaalada Addis abba.

    Posted by Sawnews.tk on August 10, 2009

    robert-gates2rayaaleBooqashada Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka oo aan si rasmi ah weli loo shaacin ayaa waxa la filayaa in ay dhacdo ka hor bilowga bisha barakaysan ee Ramadaan ama maalmaha soo socda ee dhow.
    Qarannews-Sida ay nagu soo gaadhayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Sxb-da Safka-hore JSL ee ku sugan dalka Marykanka oo xidhiidh la leh khubaro u dhuun daloola arrimaha Somaliland & Somalia oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa waxa ay sheegayaan in Wsiirka Gaashaandhigga Dalka Maraykanka iyo wafti uu hogaaminayo ay booqasho rasmi ku imaan doonaan Maglaalada Addis Ababa Dalka Ethiopia.

    Hawlaha booqashada Wasiirka Pentagon-ka ayay ka mid tahay sidii uu halkaas ugala kulmi lahaa Maadaxweynaha JSL Md. Dahir Rayaale Kaahin iyo madax kale oo ka tirsan xukuumadda iyo dawladda JSL.  

    Booqashada Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka oo aan si rasmi ah weli loo shaacin ayaa waxa la filayaa in ay dhacdo ka hor bilowga bisha barakaysan ee Ramadaan ama maalmaha soo socda ee dhow.

    Booqashada Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka Mr Robert Gay ayaa waxa socdaalkiisa saldhig looga dhigay qiimayn lagu sammaynayo hor-u-marka ay gaadhay JSL iyo u diyaar garawga arrimaha Doorashooyinka Madaxtooyada. Booqashadan wasiirka ayaa waxa ay dheelli tir u tahay booqashadii ay Wasiirka Arr. Debedda Maraykanku Hilarry Clinton ku tagtay Dalka Kenya ee ay halkaas kula kulantay Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif.

    Siyaasadda Maraykanka ayaa sideedaba ku kala qaybsan ( Pentagon iyo Arr. Dibedda ) marka ay timaado wax ka qabashada iyo dejinta ama xal-u-helidda arriimaha Somaliland iyo Somalia oo aanay sahlanayn sida dhaqso looga guul gaadhi karo.

    Xigasho:Safka-hore.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: