SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Laba Oday oo ka Mid Ah Ergadii Dhexdhexaadinta u Metelayay Gabiley Xallinta Shaqaaqadii Deegaanka Ceelbardaale Ayaa Ciidamada Booliisku Xabsiga u Taxaabeen.

    Posted by Sawnews.tk on August 10, 2009

    booliskaHargeisa (Sawnews) Laba oday oo ka mid ah Ergadii dhexdhexaadinta u metelayay gobolka Gabiley xallinta shaqaaqadii deegaanka ceel bardaale ayaa caawa ciidamada booliisku xabsiga u taxaabeen.

    Ilaa imika lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysay xadhigooda hasa ahaatee, ilo lagu kalsoon yahay oo la soo xidhiidhay shabakada wararka Gabiley news caawa cawayskii wax yar uun ka dib markii labadaasi oday la xidhay ayaa noo sheegay in ay labadaasi kala yihiin: oday Axmed Cabdillaahi Xareed (Weerar) iyo oday Aaden Cilmi Ceelaabe( Aaden Dheere).

    Waxa wararka aan ka helayno gobolka Gabiley oo lagu kalsoon yahay ay intaa ku dareen in labadaasi oday laga soo kala qabtay Magaalada Kala baydh iyo Gabiley ka dibna loo taxaabay xabsiga dhexe ee Magaalada Gabiley.

    Inkasta oo aanu isku daynay in aanu khadka telefoonka kula xidhiidhno masuuliyiinta gobolka si aanu arintaasi faah faahin uga helno, hasa ahaatee, taasi nooma ay suurto galin.

    Xadhigan labada oday ayaa ku soo beegmay waqti ay xiisada shaqaaqada ceel bardaale aan ilaa imika wax xal ah laga gaadhin. Waxa kale oo arintan lala xidhiidhinaya soo qabasho la’aanta dadkii jidgooyada ka gaystay jidka udhexeeya kalabaydh iyo dilla.

    Gabiley.net

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: