SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ururka ARDAA Ee Fadhigiisu Yahay Waqooyiga America Iyo Ururadda Moonlight Iyo SAYS Oo Kulan Balaadhan Ku Yeeshay Magaalada Borama

    Posted by Sawnews.tk on August 9, 2009

    ardaa_logo01Borama-(Sawnews)-Qurba reer Somaliland waxay had jeer isku taxaluujiyaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka iyo adeegyada kala duwan ee loo qabtay dadwaynaha ku nool gobolada kala duwan waxaanay xooga saaraan xaga waxbarashada, Caafimaadka iyo dadka tabaalaysan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen isla markaasina dadaal balaadhan ay uga gaysan lahaayeen inay wax u taraan oo hantidooda u huraan dad dalka gudihiisa ku nool.

    Raxma Sh.C/laahi Sh.Cali Jawhar oo ka mid ah ARDAA foundation fadhigiisu yahay waqooyiga America.

    Raxma  Sh.C/laahi Sh.Cali Jawhar oo imika magaalada Borama u timid sidii ay kulamo iyo wada tashiyo la doonayo in wax lagaga qabto meelaha baahiyaha ugu darani ka jiraan ayaa waxay kulan la yeelatay 07-08 bishan oo shalay ahayd ayaa kulan balaadhan la yeelatay masuuliyiinta iyo xubnaha dhalinyarada ee Says iyo ururka gabdhaha ee Moonlight ee gobolka Awdal.

    Waxana kulanka ay Raxma yeelatay ururadaasi ka qayb galay Agaasimaha fulinta ee ururka dhalinyarada ee Says ee gobolka Awdal Nuur Aden Shirdon iyo C/risaaq Barako iyo xubno kale oo ka tirsan ururkaasi, waxa kale oo dhinaca ururka gabdhaha ee moonlight uga qayb galay ururkaasi gudoomiye ku xigeenka ururkaasi Ayaan Axmed Farah Ofleh.

    Waxaana kulankaasi lagu gorfeeyey qorshaha waxqabad ee la doonayo inay fuliyaan taageerana ka gaystaan Jaaliyaddaha dibada ee reer Awdal, waxaana la isla gartay in baahiyo badani oo dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Sportiga iyo dadka agoomaha ah sidii wax tar loogu yaalan lahaa isla markaasina waxay labadooduba isku raaceen in si dhab ah oo iskaashi leh loo wajaho howlaha kala duwan.

    Raxma Sh.C/laahi Sh.Cali Jawhar oo kulamadaasi labada maalmood qaatay ka hadlaysay ayaa waxa ay tilmaantay in dhalinyaradan is baahaysatay ee gabdhaha iyo wiilasha leh inay si daacad ah ay dadkooda wax ugu qabtaan isla markaasina ay isku xidhnaasho sameeyaan Jaaliyadda qurba jooga iyo kuwa gudaha waxaanay balan qaaday in waxii dhaqaale ah ee ARDAA foundation ay hayaan soo marin doonaan ururadaasi waxaanay tidhi “ waa in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirta si horumar aan u gaadhsiino gobolkeena”.

    Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha ururka Dhalinyarada ee SAYS Nuur Aaden Shirdoon waxuuna ka waramay waxqabadkii kala duwanaa iyo marxaladihii ay soo mareen ururada dhalinyarada ee Moonlight iyo SAYS isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan ka qayb qaadanaa xaga horumarinta waxbarashada, Nadaafada iyo ka wacyi galinta bulshada gudniinka fircooniga iyo HIV aidska.

    Waxaanuu intaasi sii raaciyay inay ka qayb qaataan taakulaynta dadka danyarta ee tabaalaysan waxana uu sheegay in waxyaabo badan oo waxqabad ah oo la taaban karo inay labada ururba ka fuliyeen gobolka Awdal.

    Wariye:-
    Abokor Hassan Affi
    Lughayanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: