SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo saddex Wariye ku xukuntay min lix bilood oo xadhig ah iyo saddex boqol oo kun oo shillin

    Posted by Sawnews.tk on August 9, 2009

    dhuxulkHargeysa(Waaheen)Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul, Max’ed Cismaan Mire  “Sayid” iyo Muse Warsame Guuleed oo ka tirsan Idaacadda Radio Horyaal oo muddo Afar Toddobaad ah ku xidhnaa xarunta CID da Magaaladda Hargeysa ayay Maxkamadda Gobolka ee Hargeysi ku xukuntay midkiiba lix bilood oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo dhan min 300,000 oo shilling Somaliland ah

    Garsoore feysal oo Dacwadda Wariyayaasha loo haystay gacanta ku hayay ayaa Maxkamadda Horteeda ka sheegay in labadii Dacwadood ee loo haystay ee kala ahaa inay baahiyeen warar been abuura oo sababay shaqaaqadii lagu laayay dad socoto ahaa oo marayaya jidka isku xidha kalabaydh iyo dila lagu waayay , balse ay ku cadaatay eeda labaad ee loo haystay ee ah inay ka shaqeeyaan Idaacad bilaa sharci ah oo aan dalka laga ogolayn sidaasi darted ay Maxkamaddu Go’aamisay xukun dhan midkiiba Lix Bilood oo xadhig ah iyo Ganaax dhan 900,000 sh.s/land ah

    Wariyayaasha radio Horyaal ee la xukumay ayaa laba ka mida dacwadooda lagu soo oogay Maxkamadda horteeda halka mid ka midana xukunka lagu riday isagoo Maxkamadda ka maqan, balse sida aanu ku helay warar xogogaal ah waxa isla markiiba labada wariye loo iibiyay xadhigooda waxaanay Booliisku u celiyeen Xorriyadoodii

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: