SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • C/laahi Xuseen Kaahin (Biille), oo Golaha Guurtida Somaliland Kula Taliyey Inasysan Wakhti Isaga Lumin Muranka Ceel-Bardaale, Laakiinse ay Ka Taliyaan Aayaha Dalka.

    Posted by Sawnews.tk on August 9, 2009

    cabdilaahi-xuseen-biile Boorama (Harowo) — C/laahi Xuseen Kaahin (Biille), oo tirsan xisbiga UDUB ee G/awdal, ayaa golaha guurtida soomaaliland kula taliyey inay wakhtiga iskaga lumiyeen arrinta ceelberdaale, balse looga baahanyahay inay dalka ka badbaadiyaan jaahwareeka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka. C/laahi Xuseen Kaahin (Biille ), ayaa war arrintaasi ku saabsan  oo uu manta I siiyey sidoo kale kaga hadlay  muranka  xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ,iyo komishanka ee dhinaca doorashooyinka isagoo ku tilmaamay inay yihiin hawsha guurtida u taalla maadaama ay yihiin golaha nabadda soomaaliland. 

    Cabdilaahi Xuseen kaahin (Biille ) oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:

    “Waxa beryahanba la hadalhayaa arrimaha ay ku mashquuleen golayaashii qarankan ka badbaadin lahaa burbur ka yimaadda khilaaf siyaasadeed, balse golayaashaasi ad mooddo inay u kala jabeen  mucaarad iyo muxaafid .May ahayn in aqaladaasi odayaasha ku jira ay saamayn ku yeeshaan  marxaladda joogta iyaguna mushkilad kale ku noqdaan mashaakilka siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka.

    Waxad mooddaa in caqligii odayaashaasi uu dhaafi laayahay go’aankii ceelberdaale, miyaanay la socon go’aankaasi markii ay gaadheen wixii ka dambeeyey. Miyaanay ogeyn in dad jidgooyo lagu laayey,isla markaana ana weli lasoo qaban ciddii falkaa geysatay oo six or ah isga jooga degaankoodii, kuna faanayaan waxay sameeyeen.

    Miyaanay ogeyn in haddii la is afgaran waayo ,dadku kala tegeyaan gobollo iyo tuulooyin look ala googoayo oo anay cidina cid qabsan Karin. Waxan dawladda ku ahayn nabagelyo iyo is –ixtiraan, qaddarin dadka reersoomaaliland isku qaddariyaan qarannimo, balse maanta waxa muuqdaa yahay  is urursi ku salaysan qabyaalad iyo gobolaysi an cidina ka faaiideysanayn doonin haddii maanta la xallin waayo waxa ka dhacaya doorashooyinbka xisbiyada mucaaradku iska diideen inay galaan.

    Golaha guurtida soomaaliland oo in badan lagagasoo gudbay  xaalado adag ,ayaan sidoo kale ognahay in halkii ay talo ka geli lahaayeen iskunasoo dhaweyn lahaayeen xisbiga dawladd,kuwa mucaaradka, komishanka iyo deeqbxiyayaasha ay umadda ku jaahwareeriyaan go’aan ceelberdaale oo dhimasho foolxumi ka dambaysay ,hadalhaynta dhulkaasina ay ka horreyso xallinta adhimashada dhacday iyo budhcaddii jidgooyada geysatay oo lasoo qabto.

    Waxan mar kale golahaasi uga digayaa inay sii wadaan arrimaha haatan ay  ku mashquulsanyihiin oo soo dhawayn karaya burburka soomaaliland ,Hadii diiwangelintii hore qaldantay, dee dadku ma   qaldamina makiinadbaa qaldantay, makiinsaddaasinaasi waa la samayn doonaa, diiwaangelinbaana lagu geli doonaa doorashooyinka soo socda ee ha loo samro tan maanta oo diiwaangelin la’aan halagu galo.

    Maxamed Cumar – Hyena

    Source Harowo

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: