SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Fukucle Rag (Faysal Ali Waraabe) Iyo Fadhiyare Geel (Silaanyo ), Midna Faa’iido Ma Leh! By Luul Cilmi

    Posted by Sawnews.tk on August 8, 2009

    luula-small1 Waligey waxaan tageersanaan jirey xisbiga Kulmiye lakiin soomaalidu waxay tidhaa goroyo haad noqon weyday. Haweenka Somaliland inta ragu garanayaan in ka badan inay garanayaan miyaanay ogayn ragan siyaasada isku kaaya dul haysti? Intaa Indhaha ayaanu kala soconaa waxaanan eegaynaa kii dulqaadleh, reerkana u roon. Haweenka Somaliland qabiil ma leh, waayo haweeni waa ninkeed iyo caruurteed qabiilkuse waxa uu hoy u noqday ay ku dhuuntaan ceebahoodana ku qariyaan nimanka somaliland ee dantooda gaar ahaaneed inagu dul wata anaguna aanu samir ayaanu ku jirnaa ee waliba garan la qiimaha ay haweenku leeyihiin, haday hooyo naasnuujisey tahay iyo haday marwo hoy ay kula hoydaan tahay iyo waliba haday walaal macaan oo daryeelka noloshiisa ka shaqaysaba tahay. 

    Labada nin ee Faysal Cali waraabe iyo Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) wadanka somaliland waxay u qabteen ma daynbuu ahaa? marwalba waxaad maqlaysaa silaanyo oo leh (wadanka anigaa u soo halgamay). Waxaan leehay wadanka kumanaan mujaahid ayaa usoo halgamay ee adigu kaligaa umaadsoo halgamin kumanaankaa mujaahid waxa ka mida oo kaa dagaal badnaa Dhegaweyne iyo kuwii la midka ahaa ee aad u quudhi wayday inay talo kugu darsadaan.

    Faysal Cali Waraabe isagu waa fukucle rag, waayo arinkasta wuu dhex fadhiistaa waxana markhaati u ah maalin dhawayd oo aan shirjaraaid ka dhegeystey shabakada saylac.com waxa uu markiiba lasoo booday reer Awdal waanu ixtiraamnaa Daahir Rayale markuu diiday maalintii dhawayd diwaangalinta reer awdal ayuu la hadlaayey”. Hogaamiye sidaa u hadla waligay ma arag xataa kuwa canfartana ha noqdeene.

    Xaafad Hargeysa ku taala inuu oday dhaqameed ka noqdo haweenka somaliland ma ogola Faysal Fukucle. Waxaanan u sheegayaa inta ku daba xiiqsan  Ilaahay ragbuu idinka dhigee bal qofka idiin hogaamiyaha ah eega hadaladiisa iyo malahiisa qiimeeya indho la’aanse hadii aad kudaba socotaan haweenka somaliland ayaa idinka garaad badan ee sidaa ogaada.

    Dhinaca Silaanyo hadii aan u noqdo . Adeer wadka waad aragtaa intuu jiro hadii aad ku cimro qaadanaysid shalay ayaa ugu danbaysay geeridii lama filaanka ahayd ee ku dhacday Allaha u naxariistee Cali Marshal. Ilaahaga u noqo toobad keen samee wadankan aad cabsida ku dishay iyo caruurtan soomaaliland ee maalinta aad aamustana yurub laga soo rarayo maalinta aad tidhaa dagaalbaa dhacayana dib loogula noqonayo gaalada ishoodu yaanay ku helin.

    Madaxweyne sidan laguma noqdo ee masaajid iska gal aakhiro cimri ayaad taagan tahay ee. Kuwa daba guclaynaya ee la qadaa dhigaya xumaanta somaliland ee kolba gaalada waraaqaha u qoraya si ay somaliland ugu daraan soomaaliya waxaan iyagana leehay. Shacabka somaliland gaar ahaan haweenka Somaliland diyaar uma aha qax iyo xarshin danbe ee intaa ogaada dagaal wuxuu yahay iyo wuxuu godo hawd ilaa oogada Itoobiya ayaanu cudur iyo gaajo ku dhamaanay, maanta oo dalku meelfiican marayo maalgalin aan horey loo aragna dadku dhulkooda ku samaysanayaan cidina idinkama dhagaysanayso dumiyo dhulkiina ee sidaa ogaaada.

    Xukumada samirka iyo dulqaadka badan ee uu hogaaminayo Mudane Dahir Rayale Kaahin iyadana waxaan leehay geesiyaal rag kuma jiraan waxaad qabateen haweenka somaliland way idiin ogyihiin abaalkeedana anaga iyo caruuraha aanu dhalayba waanu idiin haynaa dhinac kasta waxbarasho, amni horumar, horusucod ayaad keenteen idinkoo ka xukumad ahaan haysan aqoonsi iyo dakhli dibada aad ka heshaan ama aad ka amaahataan. Intaa iyo waliba dulqaad aad u haysaan xisbiyada mucaaradka ee maalin walba garbaha idinka xagxaganaya. Markaa codka haweenka somaliland waa codkiina codka waxgaradka somaliland waa codkiina kuwa cabaadku ka dhamaaday ee mucaaradku halkay noo wadaani way noo muuqataa waana burbur iyo xamar raadis yeelina mayno.

    Gabagabadii waxaan salaamayaa guud ahaan shacabka somaliland gaar ahaana haweenka somaliland ugu danbayna Madaxweyne Dahir Rayale Kahin (Aaba dulqaadka iyo hogaanka suuban ee somaliland) Noloow

    Daahir Noolow

    Qalankii Luul Cilmi

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: