SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Saciim Weyn Oo Ka Geeriyooday Xisbiga KULMIYE Iyo Waraysigii Ugu Dabeyay

    Posted by Sawnews.tk on August 7, 2009

    gerikul2Hargeysa(SNN)Allaha naxariistii jano hasiiyee waxa shil baabuur ku geeriyooday,Marxuum Cali Muxumed Guuleed(Cali-Maarshaal),oo katirsanaa masuuliyiinta waaweyn ee Xisbiga Kulmiye kadib markii jidka madaarka Magaalada Berbera uu kula qalibmay gaadhigii uu watey marxuumku ,oo ahaa nooca Surf 4WD,shilkaas oo ay ku dhaawacmeen Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo C/raxmaan C/qaadir oo isaguna ah

     Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye,Waxa meydka marxuum Cali Muxumed Guuleed (Cali-Maarshaal)hada lakeenay Magaalada Hargeysa oo lafilayo in lagu aasi doono saacadaha soo socda .

    Allaha naxariistii jano haka waraabiyee,Marxuum Cali Muxumed Guuleed (Cali- Maarshaal),oo ahaa Saciim weyn oo kamid ahaa raga lafadhabarta ku ahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxa uu inta ugu badan noloshiisa kunoolaa dalka Mareykanka oo uu deganaa mudo badan ,sidoo kalena waxa uu dhawaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), u magacaabay Gudoomiyaha Kaambeynka Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Gobolada Galbeedka ,Waxana lagu xasuusan doonaa Marxuumka maqaaladiisii dhinaca qoraalada ee uu kaga warami jiray Musuqmaasuqa Xukuumada iyo kutagri-falka dhaqaalaha dalka isagoo marxuumku xogwarankiisii ugu danbeeyay ee uu Warbaahinta siiyo ugu waramey Salalnews ,oo uu kaga hadlayey Xaalada Siyaasadeed ee xiligan iyo waxa uga meel yaala Xisbigooda Kulmiye,xogwarankaas oo uu siiyay marxuumku Wariye C/raxmaan Nuux(hiiraan),waxanu idiin soo gudbineynaa isagoo cod ah.

    Dhinaca kalena Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa kasoo dagay maanta Madaarka Magaalada Berbera , kadib markii uu saaka kasoo duulay Magaalada Nayroobo ee dalka Kenya halkaas oo ay kaga hortageen inta ugu badan ee taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye,oo ay kamid ahaayeen marxuumka geeriyooday iyo raga kale ee ku dhaawacmeyba ,waxeyna galabta dadweynaha taageerayaasha Xisbiga Kulmiye,iyo xubnaha Xisbiga Kulmiyeba uga wareegeen soo dhaweynta Axmed Siilaanyo Aaska Marxuum Cali-Maarshaal,oo hadaaya loo dareeray.

    Hadalkii ugu danbeeyay ee Marxuum Cali Muxumed Guuleed (Cali-Maarshaal) uu kaga Hadley xaalada Siyaasadeed ee dalka .

    “Intii ay Somaliland soo jirtey xaaladii ugu xumeyd maanta ayay mareysaa,waana nasiib daro weeye waxanad lasocotaan in Madexweynihii iyo Komishanku intay god madow isla galeen ay goosteen in ay qawaaniintii dalka utaalay ay laalaan taas,oo aheyd in aan doorashada Madexweynaha lagu gain Diiwaan-galin la,aan anaga Xisbi ahaan waxey Diiwaan-galintu nasiinaysaa majirto laakiin waxanu aaminsanahey qawaaniinta dalka utaala ee uu isagu(Rayaale)digreetada kusoo saarey, ee numbarkiisu yahey 287/227 in ay ixtiraamaan Komishanka iyo Madexweynuhu xaqna uma laha ,waana mid sharci daro ah waxeyna,dalka uhorseedeysaa qas iyo qalaanqal kolay waad ogtihiin Diiwaan-galinta kharshkii iyo dhibaatadii loo galey Roobkii iyo cadceedii loo taagnaa xaguu ku bedalyaa isagii Madexweynaha ahaa (Rayaale) afkii uu shaley kulahaa Doorashada diiwaan-galin la,aan laguma galayo waa maxey sabata uu uyidhaahdaa bilaa diiwaan-galin halagu galo, waa sikale waxanu kaga dhabeeyay hadaladiisii hore ee uu lahaa sharciga majabiyee marmarbaan iska garab maraa halkaana Been ayuu kusheegaye marmar ma,ahee mar walba wuu jabiyaa oo ku tuntaa shuruucda dalka,hadii aanu Xisbiga Kulmiye nahey anagu Ololihii Doorashada waanu bilownay cidna ujoojin meyno doorashadii sebtember ayay noogu qorsheysan tahey maalin kaliya inay dib uga dhacdo ma ogolin,hadiiba ay dhacdana Madexweyne isagu(Rayaale) ma ahaanayo cid kale oo timaadaba ,anagu Kulmiye manihin Xisbi qof kaliya jeeb, ugu jira markii hore waanu kadoodnay arintan cusub ee Komishanku ku dhawaaqeen waxananu isku raacnay inaanaan Diiwaan-galin la,aan Doorashada ku galin”Allaha naxariistii jano hasiiyee nuqul kamid ah hadaladii ugu danbeeyay ee Marxuum Cali-Maarshaal oo xogwaran khaas ah ku siiyay Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: