SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Allaha Naxariiste Marxuum Cali Maarshaal Oo Galabta Si Heer Qarana Loogu Aasay.(Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on August 7, 2009

    marxuunmarshal01Hargeysa(SAWNEWS)- Allaha naxariistii jano hasiiyee ayaa Galabta si heer qarana loogu aasay Xabaalaha boqol jire Magaalada Hargeysa, Marxuum Cali Muxumed Guuleed(Cali-Maarshaal), oo shalay shil baabuur ku geeriyooday.

    Waxaa aaska Marxuumka ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmad Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),dhamaan hogaanka ,Masuuliyiinta,iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, Shirgudoonka labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtida,Masuuliyiinta Xisbiyada Ucid iyo Udub,xubno kamid ah Golaha Wasiirada

    Xukuumda ,Culumaa,udiinka Waaweyn ee Somaliland,Salaadiin,qurbajoog door ah oo dalka kusugan,iyo boqolaal qof oo kamid ah dadweynaha reer Somaliland.

    Waxa aaska Marxuum Cali-Maarshaal ugu horeyn duco iyo aayadao quraan ah ka akhriyay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir , Sheekh Aadan Siiro,iyo Maxamed Aadan,oo dhamaantood katirsan culimada Waaweyn ee Somaliland,waxayna ilaahay uga baryeen marxuumka in uu janadii ka fardowsa kawaraabiyo qoyskii,ehelkii,qaraabadii,asxaabtiisii,iyo umada reer Somaliland ee uu marxuumku kabaxeyna samir iyo iimaan eebe kasiiyo.

    Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmad Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),oo ay in mudo badan ah rafiiq ahaayeen marxuumka ,wajigiisana laga dareemayey raadka ay ku sameysay geerida marxuumku ayaa sheegay in uu m,arxuumku ahaa nin aqoonyahan ah oo wadano badan ka shaqeysanayey una soo tafa xeytay in uu dalka iyo dadakiisa wax uqabto laakiin tiisii ayaa timid cidna mabaajin karto ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

    Waxa kale oo iyaguna tacsi baroor diiq ah ugudbiyay wasiiro katirsan Xukuumada ay kamid yihiin Wasiirda qorsheynta ,Arimaha Gudaha,Dibada,Duulista iyo Hawada,Beeraha, Shirgudoonada labada aqal ee Golaha Wakiilada iyo Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ,iyo C/raxmaan (ciro),Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub,iyo xubno qurba joog ah oo ay kamid ahaayeen.

    Aaska Marxuum Cali-Maarshaal oo aan lookala hadhin caruur iyo ciroolaba waxa uu noqday aaskii ugu dadaka badna ee noociisa ah oo mudooyinkan kadahaca Magaalada Hargeysa iyadoo,baabuurta lagaga tagayey Garoonka kubada cagta ee Biibsiga ilaa agagaarka,Jaamacda Hargeysa ilaa xabaalaha boqol jire inta udhexeysa ,waxanu marka sidhab ah loo qiimeeyo Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali-Maarshaal waxa uu ku dhadhawaa kii Marxuum Cigaal Madexweynihii hore ee Somaliland ,waxanu aaskani socday mudo sadex saacadood ah kadib markii Aasku dhamaadeyna culimadu ay halkaa kajeediyeen muxadirooyin diiniya iyo duco.
    marxuunmarshal01marxuunmarshal010marxuunmarshal08marxuunmarshal07marxuunmarshal06marxuunmarshal05marxuunmarshal04marxuunmarshal03marxuunmarshal01
    Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: