SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • War Deg Deg Ah: Gudoomiyahii Ololaha Doorashada Ee Xisbiga Kulmiye U Qaabilsanaa Galbeedka S/land Md. Cali Guuleed Oo Ku Geeriyooday Shir Baabuur

    Posted by Sawnews.tk on August 6, 2009

    breaking%20newsBerbera-(Sawnews)-Mid ka mid ah gawaadhi faro badan oo ay wateen taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa ku qalibmay  meel u dhow gagada diyaaradaha ee magaaalda Berbera.

    Taageerayaashan ayaa markii uu shirku haleelayay ayaa waxa ay ku socdeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera si ay u soo dhaweeyaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Axmed Siilaanyo  oo ka soo laabanaayey safar dawayn caafimaad ah oo ugu maqnaa dalka Kenya.

    Gaadhiga qalibmay ayaa waxa saarnaa Maxamed Xaashi oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Siyaasiga ahaa ee Qaran oo haatan isbaahaysi la leh Xisbga Kulmiye, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir iyo gudoomiyihii ololaha doorashooyinka ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsanaa gobolada galbeedka Somaliland.

    Sida ay sheegayaan wararku ayaa waxa shilkaasi ku geeriyooday gudoomiyihii ololaha doorashooyinka ee Xisbiga Kulmiye Cali Guuleed “Cali Maarshaal” ka dib markii loola cararay Isbitaalka magaalada Berbera oo uu halkaasi ku geeriyooday.

    Shilkan ayaa waxa kale oo wax ku noqday Maxamed Xaashi oo isagu oo isagu dhaawiciisu sahlan yahay oo uu gacan wax ka noqday iyo C/raxmaan C/qaadir.

    Waxa kale oo uu ay wararku hada sheegayaan in dadkii dhaawaca ahaa loo soo qaday dhinaca magaalada Hargeysa.

    Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Md.Axmed Siilaanyo soo laabashadiisani waxa ay ku soo beegantay wakhti uu moran siyaasadeed iyo khilaaf hadheeyey doorashooyinka madaxtooyada ee dhawaan la qaban doono taasi oo Xisbiyada Muraaridka iyo Xisbiga Udub ay isku maandhaafsan yihiin  in doorashada lagu galo diiwaangalin iyo in lagu galo diiwaangailn la’aan, isla markaasina dalka ay ka soo sareen Komishanka doorashooyinku Haya’adii Interpeace, xukuumaduna ay ku taageertay iyadoo lagu eedeeyey inaanay si sax ah howsha serverka uga shaqaynaynin isla markaana lagu dhawaaqay Ololihii doorashadu inuu bilaabmay.

    Halka Xisbiyada mucaaridka ah ee Kulmiye iyo Ucidna ay ku gacansaydheen sida ay Xisbiga Udub doonayso oo ah in diiwaangalin la’aan doorashadu qabsoonto.

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: