SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Shariif oo kulan la yeeshay Hillary Clinton (+Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on August 6, 2009

    2009-08-06T141705Z_01_AFR26_RTRIDSP_2_SOMALIA-USA-SUPPORT_articleimageNairobi(Sawnews)Kulanka labada mas’uul dhexmaray ayaa wuxuu ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ee Naiorbi, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladdooda ee Somalia iyo Mareykanka.

    Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hillary Clinton Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa waxay shirkooda uga wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka labada dowladood, iyadoo ugu horreyn uu madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay Wasiir Arrimo Dibadeedka Mareykanka warbixin ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya.

    Kulanka labada mas’uul dhexmaray oo ahaa mid ay albaabada ay u xiran yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxay Madaxweynaha iyo Wasiirka qabteen shir jaraa’id, iyagoo faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen intii ay ku talagaleen in ay shaaciyaan.

    Mrs. Clinton oo hadashay ayaa waxay sheegtay in ay kulanka labada dowladood dhexmaray uu ahaa mid is-faham ku dhamaaday, waxayna caddeysay in ay Dowladdeeda ballanqaadeyso sidii ay u caawin lahayd Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, mileteriga iyo bani’aadannimada.

    Hillary Clinton waxay sheegtay in dowladda Mareykanka ay horay hub ugu deeqday Dowladda Soomaaliya, haatanna ay kordhineyso kaalmada ay Soomaaliya siineyso, sidoo kalena waxay caddeysay in ay Dowladda Mareykanka ku taageertay Ciidamada Amisom ee difaaca Dowladda Soomaaliya 150 Milyan oo Doollar, haatanna ay diyaar u tahay in ay intaas oo kale ku taageeri doonto. Dhinaca Bani’aadannimada ayay sidoo kale sheegtay in ay Dowladdeeda ka caawin doonto Dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan ay heystaan.

    Wasiirada oo la weydiiyay sida ay dowladdeeda u arkeyso eedeymaha loo jeediyo Eritrea ee ah in ay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay ugu baaqeyso in ay faragelinta ka deyso arrimaha Soomaaliya, si gaar ahna waxay u xustay in ay taageerada ka joojiso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, waxayna u sheegtay madaxda dowladdaas haddii ay jirto dhibaato ay deriskooda ka tabanayaan in aysan arrimaha Soomaaliya la soo gelin.

    Madaxweynaha Soomaaliya oo isna soo dhaweeyay xiriirka cusub ee labada dowladood u bilowday ayaa wuxuu sheegay in ay Dowladda Mareykanka ka rajeynayaan taageero wax ku ool ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu samatabixiyo.

    Saxafi ka qeyb galay shirkaasi jaraa’id ayaa Madaxweyne Shariif weydiiyay sida uu u arko maamulka Islaamiga ee gobolada Jubbooyinka gacanta ku haya oo isaga u garanayaan mid diinta ka baxay, axu sheegay in waxyaabaha diinta looga baxo ay kooban yihiin, isla markaana uusan mid ka mid ah ku sifoobin.

    Madaxweyne Shariif ayaa su’aal la weydiiyay ka gaabsaday oo ku tilmaamay mid raqiis ah taasoo aheyd sida ay la tahay in uu salaamay haweeney ajnabi ka ah oo weliba aanan muslim ahayn.

    Mas’uuliyiintii kulankaasi ku wehlineysay Sheekh Shariif waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Axmed Jaamac Jengeli, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo xubno kale, halka Dowladda Mareykankana ay Hillary Clinton ku wehlinayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaanno, Safiirro iyo Diblumaasiyiin kale.

    Si kastaba ha ahaatee, kulankaan dhex maray madaxdaan ka kala socota dalalka Mareykanka iyo Somalia ayaa ahaa mid hore loo sii shaaciyay oo maalmihii ugu dambeeyay warbaaninada Caalamka faafinayeen

     2009-08-06T143057Z_01_AFR27_RTRIDSP_2_SOMALIA-USA-SUPPORT_articleimage2009-08-06T142721Z_01_AFR29_RTRIDSP_2_SOMALIA-USA-SUPPORT_articleimage2009-08-06T142019Z_01_AFR28_RTRIDSP_2_SOMALIA-USA-SUPPORT_articleimage2009-08-06T141705Z_01_AFR26_RTRIDSP_2_SOMALIA-USA-SUPPORT_articleimage2009-08-06T143344Z_01_AFR31_RTRIDSP_2_SOMALIA-USA-SUPPORT_articleimage

    Boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: