SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxda Xisbiyada Mucaaridka oo ay u suurto-geli wayday inay la Kulmaan Hillary Clinton

    Posted by Sawnews.tk on August 6, 2009

    silaanyoNairobi (Sawsnews) Madaxda Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe oo ku sugan haatan Magaalada Nairobi ayay u suurto gali wayday in ay la kulmaan Xoghayaha Arrimaha Dibada Hillary Clinton oo haatan booqasho ku maraysa Africa.

    Balse, sida ay sheegayaan wararka aanu ka helnay Nairobi labada Gudoomiye waxa u suurto gashay in ay la kulmaan Gacan yara yaasha Socdaalka ku wehelinayay Hillary Clinton oo kala ah Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada u qaabilsan Africa Johnnie Carson iyo Gudoomiyaha Gudi Hoosaadka Congres-ka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Africa Donald Payne laakiin, ilaa hada ma cada waxa ay ka wada hadleen.

    Xisbiyada Mucaaridka Somaliland  ayaa maalmahan faafinayay warar sheegayay in ay la kulmayaan Madaxdoodu Hellerry Clinton taas oo haatan u suurto gali wayday

    Balse Sheekh Shariif sheekh Axmed Madaxwaynaha Somaliya ayay isaga la kulantay Hillary Clinton, waxaanay ka wada hadleen kaalmada uu Maraykanku siinayo Dawlada Itaalka daran ee Sheekh Shariif.

    Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay ka dagay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya si uu ula kulmo wasiirka arrimaha dibada dalka Mareykanka.

    Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa uu yahay mid lagu eegayo xaalada Soomaaliya gaar ahaan dagaalada Dowladda kula jirto Kooxaha Mucaaradka, waxaana la filayaa in Mareykanka ugu deeqo Dowladda saanado milateri oo dheeraad ah.

    Qaban qaabada kulankan oo ka dhacay Nairobi ayaa waxa noqonayaa kulankii u horeeyay ee ay yeeshaan Mas’uul sare oo Mareykan ah iyo Madaxweyne Somaliyea ah tan iyo bur burkii Dawladii hore.

    Dhinaca kale, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye maanta ayaa lagu wadaa inuu dalka ku soo laabto, kadib markii uu mudo socdaal dhinaca caafimaadka ah ugu maqnaa magaalada Nairobi.

    Waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: