SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Isbitaalka Fistulaha ee magaalada Boorama oo Qaybtii labaad oo Bukayn Raystay ah ay Maanta ka Baxeen

    Posted by Sawnews.tk on August 6, 2009

    fistu06Boorama (Sawnews) waxaa maanta isbitaalka Fistulah ee magaalada Boorama ka baxay qaybtii labaad oo ah dad ama dumar bukaan ah oo xanuunkii iyo qaliinadii lagu sameeyey ka bogsaday, dumarkan maanta ka baxay cusbitaalka oo tiradoodu dhamayd lix ayaa dhamaanba ka raystay xanuunkii hayey ka dibna uga baqoolay Boorama ilaa meelihii ay ka yimaadeen Dr. Siciid Axmed Walhad oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee cusbitaalkaas oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dumarkani ka kala yimaadeen magaalooyinka Baydhabo, Buurhakaba,

    Buurdhuxuele oo ka tirsan degmada waajid iyo isla degmaada Waajid nafteed, waxaanu kula dardaarmay dumarkaas intii mudo ah in ay xidhiidh fiican la yeeshaan xarumaha caafimaadka isla markaana iska ilaaliyaan ilaa laga hubanano inta ay ka bogsanayaan in ay uur qaadaan taas oo uu sheegay in ay waxyeelo kale ilmaha iyo hooyadaba u leedahay Ilaahayna waxa uu uga baryahay in ay caafimaadkooda oo taam ah sidaas ugu wado.

    waxaa iyadun halkaasi ka hadashay marwo Xaawo oo ah wakiilka hay’ada World Vision oo dadkan bukaanka ah ka bixisay qarashaka gaadiidka ay soo raayacaan iyo kan ay sii raacayaanba waxaanay aad ugu mahad naqaday Dr. Ibraahim Qows oo ah dhakhtarkii sameeyey qaliinka dumarkan ee lagu guulaystay waxaanay intaas ku dardartay in ay dumarkan maanta ka baxay ay la socdaan kuwo kale oo ka kala yimid luuq iyo meelo kale laakiin iyagu aan wali raysan oo aan ka bixin cusbitaalka waxaanay kula dardaaran tahay dumarka in ay goobaha caafimadka xidhiidh la yeeshaan.

    waxaa kale oo iguga dumarkaas dardaaran siiyey marwo Rooda Muumin Rijaal iyo Xalwo oo kamid ah hawl wadeenada cusbitaalkaas.

    Mar aan waydiiyey Dr. Walhad sababta dadku gobolo kale oo Soomaaliya ah uga iman waayeen oo ay uga yimaadeen Bay iyo Bakool kaliya ma xanuunkaa ku badan mise cid keenta ayey waayeen?

    Waxa uu ku jawaabay Diktoorku waxay waayeen dad keenta hay’ada world vision ayaa degan Waajid sidaas ayeyna ku keentaa ayuu yidhi ee baahida iyo xanuunku meel kasta waa ay taala, waxaa kale oo uu ogaysiisyey inta ku hadasha afsoomaaliga in cusbitaalka Fitulah ee ku yaala magaalada Boorama hawsha uu dumarka u qabanayo ay tahay bilaash wixii ku saabsan qaliinkaas fistulah ee isku furanka labada xubnood ee dumarka ama ay dhibaato ka gaadho ilma galeenka.
    fistu07

    fistu06fistu03fistu03fistu01fistu04

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: