SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ololaha Xisbiga UDUB oo ka bilaabmay Borama (Daawo)

    Posted by Sawnews.tk on August 4, 2009

    DSC00525Borama(Sawnews)-Saaka subaxnimadii ayaan waxaan ku waabariisanay  heeso baxaaya isla markaana ah baabuur lagu rikibay makarafoono waawayn kuwaasi oo ku heesaayay heesaha xisbiga Udub ,

     

    Saaka waxaad magaalada ku arkaysaa dadwane sita calanka xisbiga Udub kuwaasi oo ilaa imika ku sii qulqulaaya fagaaraha khayriyada ee magaalada si ay uga qayb qaataan isusoobaxa xisbiga , waxaanand arkaysaa ilaa imika in ay baabiirtu gaaf wareegayaan daafaha magaalada ku waasi oo dadka ogaysiinayaa in manta xisbigu oo leeyahay isusoobax , waxaana baabuurta kababanaya calanka xisbiga oo uu ku sawiranyihiin madaxwayne Rayaale iyo ku xigeenkiisa

     

    Taasina waxay ka danbaysay markii komishanka qaranku oo soo saaray jadwalkii oloolaha xisbi walba maalintiisa ayaa waaxaad dareemaysaa in xisbiga kulmiye oo shalay ku qornaa in uu yeesho isusoobixiisa taasina ay meesha kabaxday markii ay diideen in ay ogolaadaan go’aanka komishanku uu gaadhay , ayna wali ku adkaysanayaan in doorashada lagu galo diwaangalintii ,ayna dadku ku codeeyaan kaarashoodii,

    Markaad dhinaca kale eegto waxaa wadanka laga caydhiyay haayadaa Interpeace , waana sida hadalka uu udhigay madaxwaynuhiye in aan marnaba loo ogaalan doonin hay’adaas in ay wadanka ku soo noqoto , hadii ay timaadna lala tiigsan doono maxkamad

    Isku soo wada duuboo waxaa manta loo malaynayaa in ay taageerayaasha xisbiga Udub ay sameeyaan isusoobaxoodii u waynaa , ayna ka faa’idaysteen maqnaashihii shalay xisbiga kulmiye laga waayay goobta khayriyada

    Waxaanad ka dareemi kartaa sida ay dadku uxiisaynayaan ololaha manta ee xisbiga udub

    Waxaana maanta isu soo beegmaya in labadilay xoghayihii Udub ee gobolka Awdal lana magacaabay xoghaye cusub islamaantana  halkaasi dadka hadal uga soo jeedin doona

    DSC00526DSC00525

    CIMG0271CIMG0269CIMG0266CIMG0262

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: