SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dhagayso Ololihii doorashooyinka ee Xisbiga UDUB ka bilaabay Borama. + sawiro

    Posted by Sawnews.tk on August 4, 2009

     udub_boramaBorama(Saylac.com)-Fagaaraha Kheyriyada Borama waxaa ka bilaabmay saaka ololaha doorashooyinka Somaliland oo lagu balansan yahay 29 September 2009 la qabto.

    Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa iskugu yimid fagaaraha kheyriyada ee magaalada Borama, waxaana kasoo qeyb galay Guddoomiyaha G/Awdal, Maayarka Borama, Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Udub ee gobalka Awdal Cabdicasiis Cismaan Raage, Guddoomiye K/xigeen Barkhad Cumar Xaaji Kheyre iyo Xoghayaha Cabdiraxmaan Maxamed Cumar.

    udub_borama (1)

    Waxaana ugu horayn lagu furay sidii caadada ahayd aayadaha Quraanka kariimka ah , waxaa ugu horay halkaasi laga jeediya gabay ay dadku si aada ula dhaceen oo aad logu amaanay xisbiga UDUB iy waliba madaxwayne Rayaale.

    C/raxmaan Shide Bile Maayarka Borama oo xaflada furay waxuuna ka hadlay hay’ada Interpeace oo ku tilmaamay mid waday khiyaamo qaran , waxaana uu yidhi isago hadalkiisii siiwata markaanu dastuurka qaran iyo komishanka qaran go’aankii ay soo saaren eek u sahabsanaa ololaha dooraqsha in labilaabo shalayto oo ay bishu ahayd 03/08/09 ahna mid waajib ah ,taasina waxaa halkiisii kasoo bixi waayay xisbiga kulmiye oo diiday, waana dad aan doonayn doorasho xalaal ah iyo in wadnku galo qas.

    Xaflada ayaa si wanaagsan kusoo gab-gabowday waxaana si weyn ugu muuqday Guddoomiyaha cusub ee xisbiga UDUB ee gobalka Awda Cabdicasiis Cismaan Raage oo dar-dar xoogan lasoo kala baxay kaasoo taageeraaya Xisbigaan ee gobalada Awda iyo Salal aad ugu amaaneen mudada gaaban ee xilka uu hayay iyo howsha uu qabtay.    Dhagayso halkani ku dhufo

    udub_borama (3)udub_borama (4)

    udub_borama (5)udub_borama (7)udub_borama (12)udub_borama (10)

    udub_borama (14)udubudub_borama (6)udubborama4udubborama

     Dahir Axmed Jirde  
    Saylac/com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: