SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • “Waxaa nasiib daro ah in Saleebaan Gaal sifo aan sharci ahyn ku raadsho madaxweynenimo” Maxmed Jaamac Abgaal.

    Posted by Sawnews.tk on August 4, 2009

    DSC00560Borama(Sawnews)-Waxaa  saaka si  xoog leh ugu  dhex muuqday  Isku soo baxa xibiga Udub ee  fagaaraha khayriyada Magaalada Borama Xubno   ka  soo  diga  rogtay  xisbiga Kulmiye  iyo  sidoo  kale  dadweyne  aad  u tiro badan oo u badan dhalinyaro kana  soo baxay  xisbiga kulmiya oo  dhamaantood ku soo biiray Xisbiga Udub.

    Hadaba  xubhii halkaasi  ka  hadlay   waxaa ka  mid ahaa  Maxamed Jaamac Abgaal “Sagaaro”  oo si kulul   u  weeraray  Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Gaal iyo waliba Dr.Gaboose.


    Hadaladiisii waxaa ka mid  ahaa ‘ waxaa  nasiib daro  ah in gudoomiyihii Golaha Sharfta mudan ee Guurtida uu  Dalka ku soo  kordhiyo  xisbi kale  oo  afraad  xisbigaas  oo  ah Golaha Guurtida, Golohu  iskuma  wada jiraan waxa  jira rag badan oo sharaf leh  lakiin  guddoomiyuhu   waxuu  rabaa  inuu  sifo  sharci daro ah  ku raadsho madaxwenenimo”

    Waxaa kale  oo intaas  ku  daray Maxamed Jaamac Abgaal  “Sagaaro” inuu  uu aad uga xunyahay uuna  dhaleecaynayo gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal in  uu  ku  kaco talaabadan  sharcidarada ah.

    Sidoo kale  Maxamed Abgaal waxaa  uu  dhaleeceeyey  haddalo  talo ahna  u  soo jeediyey  Dr. Gaboose  oo  uu  sheegay  in  uu  yahay  Digtoor  umaddu u baahan  tahay  Afarta aroornimo albaabka Dhakhtarkiisa Safka lagaga  jiro lacagna  la la hortaagan yahay  nasiib  daro se uu  shir jaraa’id uu  ku hayo  Huteelada  uuna leeyahay  kan  ayaa  xun  ee  iska daaya  iyo  kan ayaa  fiican ee  ila  taageera waa  nasiin daro wayn  ayuu yiri Maxamed Abgaal.

    DSC00560Maxamed Abgaal waxaa  uu  talo u  soo  jeediyey  Dr. Gaboose  iyo Gudoomiye Saleebaan  oo  uu  sheegay  in  ay  yihiin labo xubnood  oo  umada meel muhiim  ah  kaga  jira  loona  baahan  yahay  in ay  eegaan  danta  shacbi weynaha ay u hayaan.

    Ugu danbayntii  waxaa  uu  hamalyo u  diray Maxamed Jaamac  Abgaal “Sagaaro” Saaxiibadiisa  ay  ka  soo wada  baxeen  xisbiga Kulmiye  ee  dhamaan  Dalka  oo  dhan kala  qayb galay  Isku  soo  baxa xisibga Udub.

    Isku soo wada  duboo,  waxaa  xoog  ugu  dhex muuqanayey isku soo  baxa Xisbiga Udub Xubno sare sare  oo ka soo  digi  rogtay Xisbiga Kulmiye, waxaa  ay  dadweynihii  isku  soo baxay sii aad ah  ugu  sacab tumayeen  Xubnaha ka  soo   diga rogtay  xisbiga Kulmiye oo  ay  ku  soo  dawaynayeen  Xisbiga  Udub.

    Boramanews Network

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: