SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Labaataneeyo Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Taageeray In Diiwaan Gelin La’aan Lagu Galo doorashada

    Posted by Sawnews.tk on August 3, 2009

    guddoonka%20guurtidaHargeysa(Sawnews)-Tiro ku dhow labaataneeyo xildhibaan oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa maanta kulan ku qabtay huteelka Xaraf waxay taageereen go’aankii  dalka lagaga saaray sarkaalkii Inter Peace iyo in diiwaangelinta la’aan lagu galo doorashada.

    Xildhibaanadan ayaa si adag uga hadlay arrimahan diwaanglinta iyo sida muhiimka u tahay in sidaasi hadda lagu galo ay komishanku u soo dhigeen.

    X. Cabdi Xuseen Yuusuf oo kulankaasi saxaafadeed ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu ka xunahay fidmaday na dhex dhigeen Inter Peace ee ay iska kaaya horkeenayaan, oo doonayaan in nabadgalyada ay naga dumiyaan.”

    Isagoo hadalkiisii sii watana waxa uu yidhi “Waxaanu ayidsanahay go’aanku komishanku soo saaray ee ah in diiwaangelin la’aan doorashada lagu galo, waxaan bulshada, xukuumadda iyo axsaabta ugu baaqayaa
    nabada ilaaliye oo yaanay idiin la fududaan.”

    Waxanu  sheegay in tartamayaasha doorashada madaxtooyada looga baahan yahay inay bilaa turxaana u tartamaan.

    Axmed Muuse Absiiye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku eedeeyay in Inter peace ku guul daraysatay inay natiijadii diiwaangelinta soo saarto, in sidaasi doorashada lagu galo, waxaanu tibaaxay in guurti ahaan ay taageersan yihiin in bilaa diiwaangelin lagu galo, Inter Peace dambiga ay gashay dib lagala xisaabtami doono.

    “Komishankii saddexda xisbi aynu dhex u yahay waxaana loo doortay in ay doorashooyin maamulaan in in niman ajaaniba oo ay iyagu soo kaxaysteen in la muraansiiyaana waa xaaraan, sidaa waxa yidhi xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin ‘Dheeg’ oo hadal dheer halkaasi ka jeediyay.

    Md. Maxamuud Xareed Rooble ayaa isna si faahfaahsan uga hadlay dhinaca sharciga ee diwaangelinta, kaasi oo tilmaamay in komishanku yahay hayad dastuuriya eriga ay eriday sarkaalkii Inter Peace ay tahay hawshoodii shaqo.

    “Komishanku waa garsoorihii iyagaana keenay axsaabta iyo guurtidu, garsooruhuna isagaa xukuma kooxaha ciyaaraya oo shuruucda kii haga, markaa waxaan leeyahay axsaabtu waa inay ogolaadaan in shuruucda lagu hago’e axsaabta iyo guurtiduna iyagoo xubnahan komishanka keenay.” Ayuu yidhi Md. Xareed.

    Md Muxumed Aw Axmed ayaa isaguna yidhi “guurtidu maanta waxba ma kordhinayso, waxaananu komishanka ku taagerayaa
    wakhtigaa ay doorashada u cayintay.

    xildhibaanku waxa uu ka codsaday shacbiga iyo xukuumadaba inay nabadgalyada ilaaliyaan

    Ramaas

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: