SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Halkan ka Akhri Natiijada Diiwaangalinta Interpeace u Gudbisay Xisbiyada Qaranka ee Muranka Dhalisay

    Posted by Sawnews.tk on August 3, 2009

     Hlogoargeysa(Sawnews)- Wargeyska Jamhuuriya oo ka soo baxay Hargeysa ayaa helay Natiijada Diiwaangalinta Codbixiyyaasha ee Interpeace u Gudbisay  Axsaabta Qaranka.Xogtan oo u qaybsan saddex qaybood oo kala ah tirada guud ee codbixiyeyaasha gobol kasta la geliyey mishiinka seerfarka (Surfer), tirada codadka gobol kasta xumaatay iyo natiijada rasmiga ah ee gobol walba uga soo hadhay kala-shaandhayntii diiwaangelinta.

    Nuqul ka mid ah liiska Interpeace u gudbisay axsaabta qaranka oo Jamhuuriya helay, ayaa lagu sheegay tirada guud ee codadka la geliyey seerfarku dhan yihiin 1,348,060 (milyan, saddex boqol afartan iyo siddeed kun iyo lixdan) codbixiye, tirada codadka la tirtirayna yihiin 201,674 (laba boqol iyo kow kun, lix boqol iyo toddobaatan iyo afar) cod, iyadoo natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday kala-shaandhayntii diiwaangelintuna dhan tahay 1,146,396 (milyan, boqol afartan iyo lix kun, saddex boqol sagaashan iyo lix) codbixiye.

    Haddaba, waxa aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxda lixda gobol ee dalka oo muujinaysa mid walba codadka guud ee la geliyey seerfarka, tirada xumaatay natiijada gobol kasta uga soo baxday kala shaandhayntii diiwaangelinta.

     

     

    Gobolka Codadkii la geliyey Seerfarka Tirada xumaatay Natiijada rasmiga ah
    1 Hargeysa 424,216 35,851 388,375
    2 Togdheer 3,22,712 50,998 271,714
    3 Saaxil 52,201 4,215 47,986
    4 Sanaag 208,577 59,527 149,050
    5 Awdal 201,998 20,045 181,953
    6 Sool 138,356 31,038 107,318
     

     

    TOTAL 1,348,060 201,674 1,146,396

    Liiskan oo axsaabta qaranka loo gudbiyey 27kii bishii la soo dhaafay ee July oo labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID si buuxda u aqbaleen, isla markaana u saxeexeen in doorashada lagu galo, balse xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB, ayaa isagu si adag uga boodday una diidday natiijada diiwaangelinta ee hay’adda Interpeace soo bandhigtay, iyadoo la tuhunsan yahay in Madaxweyne Rayaale dabada ka riixay diidmada xisbigiisa, arrintaas oo loo aanaynayo in uu ka dhashay go’aankii degdegga ahaa ee Komishanka Doorashooyinku ku laalay diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo tallaabadii xigtay ee xukuumaddu dalka kaga eriday wakiilkii Somaliland ee hay’addaas oo gacanta ku haysay hawsha kala-shaandhaynta diiwaangelinta.

     
    Source..

    Jamhuuriya

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: