SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Waxay Xaday (Interpeace) oo Nairobi Geysay Xogtii Diiwaangalinta” Madaxweyne Rayaale

    Posted by Sawnews.tk on August 2, 2009

    riyaale2Hargeysa(Sawnews)- Madaxwyene Daahir Rayaale Kaahin ayaa Sheegay in Hayada Interpeace ay Xogtii Diiwaangalinta la tagtay Nairobi oo la dhuumatay, wuxuna intaa ku daray inaan lagaga hadhi doonin oo la baadhi doono.

    Madaxweyne Rayaale oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Maanta wuxu ku faahfaahiyey arrimaha Diiwaangalinta, Go’aanka Xukuumadiisu ku eriday Agaasimihi Hayada Interpeace, iyo Go’aankay qaatayn labada Gudoomiye Barlamaan oo kasoo hor jeestay Eryida Xukuumadu eriday Mr Zamora.

    Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wuxu shirkiisa Jaraa’id kusheegay inaan Xukuumadiisu ka noqon doonin Go’aankay ka qaadatay Hayada Interpeace, isagoo ku tilmaamay Madaxa Hayada mid khalkhal galin iyo Qas ka waday Somaliland doonayeyna inuu Fashiliyo.

    Waxa uu Madaxweyne Rayaale sheegay Xukuumadiisu inay qaaday talaabooyin badan oo ay kaga hortagaysay inaanu fashilmin Diiwaan galintu balse ay dhacday in ay Hay’ada interpeace iska dhaga marisay awood aanay lahayna isticmaashay

    Madaxweynuhu wuxu intaa ku daray in Deeqbixiyayaasha looga bahan yahay inay u hogaasamaan go’aanka xukuumadu gaadhay wuxuna ugu baaqay inay soo dirsadaan Khuburo badha waxa dhacay, iyo halkay martay Hantidii ay dalka ugu deeqayn, isagoo intaa raaciyey in Deeqbixiyayaasha aanay ka yeelaynin inay go’aan dusha kaga keenan Somaliland, Somalilandna tahay mid aayaheeda ka tashaanaysa garanaysana waxa dantu ugu jirto.

    Md Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha Somaliland wuxu intaa ku daray in Cidii Doonaysa Deeqbixiyayaasha ee iyaga uga dabo fadhiisanaysa talada dalku ay ka dabo tagaan oo Nairobi ugu tagaan, Cidii Diidan doorashada inay tartanto waa cid iga baqaysa oo aan isku kalsoonayn ogna in laga guulaysanayo.

    Ugu Dambeyntii Madaxweyne Rayaale wuxu Canaan usoo jeediyey Labada Gudoomiye Barlamaan oo Go’aan kasoo saaray Eriska Xukuumadu eriday Mr Zamora wuxuna Madaxweynuhu sheegay inay Go’aan iska qaatayn iyagoon la tashan Golayaasha ay hogaaminayaan, wuxu sheegay in go’aankoodu ahaa mid aan ka turjumayn Xaalada Dhabta ah ee taala.

    Boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: