SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Salaadiinta Reer Awdal Oo Taageeray Go’aankii Komishanku Ku Eryay Madaxii Inter-Peace Samoro.‏

    Posted by Sawnews.tk on August 2, 2009

     Boorama-(SNN)- salaadiinta gobolka Awdal ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Rays isla markaana waxa ay taageereen go’aankii uu komishanku ku eryay madaxii hayada Inter-Peace ee doorashooyinka ka caawinaysay dhinaca lacagta.
    Sul. Xasan Xaddi Baade oo ka hadlay shirkan Jaraa’id ayaa xusay in aanan la isku halayn karan natiijada iyo liiska qabyada ah ee uu Mr. Samoro siiyay axsaabta mucaaridka ah, sidoo kale waxa uu xusay in uu xukuumada ku garabtaagan yahay go’aanka lagu eryay ninkan isla markaana ay lagama maarmaan tahay in doorashooyinka la galo bilaa diiwaangalin la’aan.

    Sidoo kale Sul. Ibraahim Dacar oo isaguna ka hadlay madashan ayaa ku tilmaamay wax aan macquul ahayn liiska uu soo bandhigay Mr. Samoro waxana uu sheegay in uu yahay nin loo soo diray in uu dumiyo masiirka nabada ah ee ay Somaliland iskeed u samaysatay, waxa uu suldaanku sheegay in loo baahan yahay in xukuumada iyo komishanka lagu taageero sidii nabada loo adkayn lahaa isla markaana looga dhigi lahaa dalka mid ay ka qabsoonto doorasho xor ah xalaal ah oo bilaa diiwaangalin ku qabsoonta.

    Sidoo Caaqil Maxamed Faarax oo isaguna ka hadlay madashan ayaa yidhi “ ma jirin marka horaba dawlad shisheeye oo waxa no haysay, hayadan inter-peace marka horaba waan ka shikisnayn oo dadkoo dhan ayaa lahaa waa tii na duminaysay, hadii la arkaayna waan ku raacsanahay, dalkan awalba isagaa isku tashanayay, waxay ahayd waxa wanaagsan in la helo halqof iyo halkaadh. Hadiise la wayay waa in laga digtoonaao in la isku diro umada, nabadgalyadana ha la adkeeye.

    Sidoo kale Xaaji Axmed Miisaan oo ka hadlay ayaa yidhi “ waan raacsanahay salaadiinta, Somaliland wax badan ayay ka soo dabaalatay waana hubaal inta inter-peace timid wax qlqalin ayaa bilaabatay waana in laga digtoonaado. Samoor waxa uu mudan yahay in maxkamad la soo taago, hore waa loogalay doorashooyin hore, sideediina ha loo galo ilaahaybaa naga qabtay oo komishankaa gartay madaxwaynuhuna waa taageeray anaguna waan taageersanahay”.

    Sidoo kale Caaqil Xasan Naydhane Shirdoon oo ka hadlay shirkan ayaa yidhi waan taageeraynaa komishanka qaranka go’aankaa ay qaateen, waxa ay ka hortageen nabadgalyo xumo waana talaabo geesinimo, waa la wada ogsoon yahay sidii lagu soo galay doorashooyinkii hore, dadkii footaynayay ee hore waxa aay ahaayeen dadkeena waanay jogaan ee ha la tartamo waana hubaal in loo baahan yahay in la galo doorashooyin bilaa diiwaangalin ah.

    Sul Daahir Gadoode oo ka hadlay ayaa isaguna yidhi “ waa hubaal in aan umada ka wakiil nahay waanan taageeraynaa go’aankaas, waa hubaal Somaliland way soo jirtay waligeed nabad ayaana la hayaa ilaa maalintii ay inter-peace na soo gashay ayaa la bilaabay in la yidhaa inter-peace ayaa na duminausa waase la gartay oo waa nasiib wanaag in la saaro. Waa hubaal inter-peace dhibteedii in la qabtay waanana hambalyaynaynaa komishanka qaranka ta labaade inter-peace dad nooma wadin ee waraaq ayay noo waday ay nagu kala dilaysay waanay noo joogaan dadkayagii ee ha la galo doorasho xalaal ah.

    Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isagu soo xidhay shirkan ayaa xusay arimo badan oo ay ka mid yihiin go’aanka lagu eryay Samoro waxana uu yidhi waxa aan ku taageersanahay komishanka go’aanka uu gaadhay waxana aan isleenahay waa mid badbaado leh, waxa aan qabaa in ay komishanku geesinimo muujiyeen, xisbi waloowba taageerayaashaadiw ay joogaan ee ha la tartamo iyaga oo bilaa kaadha ah. Madaxwaynaha waxa aan leenahay ka soo bax balantii aad ku qaaday in aaad bixiso lacagtii doorashada ku bixi lahayd ee ay inter-peace nagu majara habaaninaysay. Waxa hubaal ah oo aan ognahay in guri walba ayyaalaan kaarar badan oo ay qaateen caruur yaryar oo aanan gaadhin da’dii codaynta hadii maanta la sharciyeeyo arintaasna waa baa’ba umada loo horseedayo.

    Culaysyo badan ayaa maanta dalka haysta xiisadii jidgooyada ahayd waa mid taagan waxana aaan ku boorinayaa hayadaha dawliga ah, egooyinka iyo cid walba oo dalka joogta in Cudurka Sombobka uu halneef keeno inta kalana si fudud ku qaaado, arintii jidgooyaduna ay sidaasi oo kale tahay, markaa waxa an idin xasuusinayaa talaabooyinkii xaqa loogu lahaa cida wax gaysatay waa in laga qaado. Waxa muuqata in doorashada lagu mahquulayo balse ha la ogaado in aan la iloobi Karin arintaas ee dib ha loogu noqdo.

    Wariye :Hassan Ciise

    source Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: