SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Raysal wasaare Sharmaarke iyo wasiirkiisa xoolaha oo qoraalo is-burinaya u kala diray Sucuudiga

    Posted by Sawnews.tk on August 2, 2009

    Raysal wasaaraha dawladda Sheekh Shariif Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa buriyay qaraar uu wasiir xukuumadiisa ka tirsani dawladda Boqortooyada Sucuudiga kaga dalbaday inay xayirto xoolaha laga dhoofiyo Maxjarka Berbera ee Somaliland iyo weliba mid isna ka dhisan magaalada Boosaaso ee Puntland.

    Wasiirka Xoolaha iyo dhirta ee dawladdaas Sheekh Shariif Mr. Abubakar Cabdi Cismaan, ayaa dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan dhiggiisa beeraha ee Sucuudiga u diray qoraal uu ku dalbanayo in la xayiro maxjarka Berbera ee Somaliland iyo midka ka dhisan Puntland, isagoo hogo tusaaleeyay in dawladdooda taagta darani masuul ka tahay xoolaha ka dhoofa wixii la isku odhan jiray Somaliya oo dhan. Hase yeeshe Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa qoraal gaar ah oo uu u diray Wasiirka Arrimaha dibadda ee Sucuudiga Amiir Sacuud Al Faysal, oo ku taariikhaysnayd 28 Julay, 2009, waxa uu ku codsaday inaan dheg loo dhigin qoraalka wasiirkiisa. Labadaas qoraal ee kala gedisan oo uu Wargeyska Geeska Afrika helay, nuqulo ka mid ah, kuna qornaa luuqadda Carabiga, ayaa waxa ka muuqda kala fogaansho la xidhiidha aragtidooda labadaas maxjar.

    Ugu horayn qoraalka Wasiirka Beeraha Mr. Abubakar Cabdi Cismaan ee uu Geeska Afrika helay oo ku socda dhiggiisa Sucuudiga kuna taariikhaysan 21/6/09, ayaa u qornaa sidan: ‘Wasaaradda xoolaha, dhirta iyo daaqa Jamhuuriyadda Federalka Somalia iyada oo idiin rajaynaysa jidka toosan iyo guul abid ah waxa ay idin soo diraysaa Salaan.
    Annaga oo tixraacaynaa kulankeenii magaalada Khartoum ee 21-kii illaa 23-kii May, oo aad noo caddaysay sida ay wasaaraddiinu u danaynayso xoolaha Somalia, arrintaas oo aanu abaal weyn ugu hayno dalka aanu walaalaha nahay ee Sucuudiga.
    Waxa aan jecelahay in aan qoraalkaygan idinku soo gudbiyo aragtida xukuumaddayada ee qadiyaddan, oo danayntayada koowaad tahay Amniga, siyaasadda, caafimaadka iyo dhaqaaluhuna yihiin darajada labaad. Xukummaddu iyada oo xasuusan doonista wasaaraddiina sharafta leh ee ah in ay ogolaato mid ka mid ah shirkadaha khaliijka oo lagu magacaabo shirkadda Ka shaqaysiinta iyo maamulista Maxjarrada, oo isugu kiin sheegtay in ay tahay ta ugu habboon isla markaana si toos ah oo aanay wax heshiis ah iyo xattaa ogesiis ah siinin xukuumadda dhexe, inay masuul uga tahay dhoofinta xoolaha ee dekedaha Bosaso oo ku taalla woqooyi barri iyo dekeddea woqooyiga ee Berbera, arrintani waa mid aanaan uga baran boqortooyada Sucuudiga ee aanu walaalaha nahay.
    Sidaa awgeed waxa aanu idinka codsanaynaa in aydaan arrinta xoolaha Somalia iyo maamulista maxjarrada kala macaamilin cid aan ahayn xafiisyada rasmiga ah ee dawladda dhexe iyo wasiirrada ay khusayso.  Waxa aanu soo dhoweynayaa shirkadaha Khaliijka iyo guud ahaan kuwa carbeed ee jecel in ay maalgashadaan, annaga oo kula talinayna in ay maalgashigooda u maraan jidka saxda ah.

    Ugu dambayntii waxa aad naga guddoontaan salaan iyo qaddarin.”
    Raysalwasaaraha:

    Qoraalka Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, uu kaga jawaabayo qaraarka wasiirkiisa oo ku taariikhaysnaa 28 Julay, 2008, kuna socda Wasiirka khaarajiga ee Sucuudiga, ayaa isna sidan u qornaa: “Mudane Amiir waxa aanu idinku wargelinaynaa in dawladda Federalka ku-meel gaadhka ah ee Somalia ay mar walba u heellantay xoojinta xidhiidhka walaalnimo iyo saaxiibtinimo ee Somalia iyo si gaar ah boqortooyada Sucuudiga.

    Waxa aanu idin ku wargelinaynaa in warqaddii ku taariikhaysnayd 21/6/2009 tixraaceeduna ahaa (MLFR/G2/2009) ee uu ku saxeenaa wasiirka xoolaha iyo daaqa ee Somalia, kuna saabsanayd xoolaha laga soo dhoofinayo deegaannada woqooyiga ee Bosaso-Puntland iyo Berbera-Somaliland.

    Warqaddaas si dhow iyo si fog toona ugama turjumayso mawqifka xukuumadda federalka ku meel gaadha ah ee Somaliya.

    Mudane Amiir, Shirkadda Khaliijka ee caalamiga ah ee xoolaha iyo maxjarrada oo ah ta maal gelisay Maxjarrada Bossaso iyo Berbera isla markaana ka shaqaysiinaysa Maxjarradani inay tahay, shirkad haysata sharciyadda iyo ogolaanshiyaha maamul hoosaadka iyo goboleedka deegaannadaas. Xukuumadda Somalia-na waxa ay ixtiraamaysaa heshiiskan dhex maray shirkadda iyo maamullada goboladan.

    Mudane Amiir, Waxa aanu kaa codsanaynaa in aanad dheg u dhign warqaddaas wasiirka oo aan haba yaraato ee ku fadhiyin runta.
    Dekkedaha woqooyi waxa ay awood u leeyihiin in ay sii wataan dhoofinta xoolaha ay u dirayaan Boqortooyada Sucuudiga iyo dawladaha kale ee Khaliijka.
    Ma hadhin wax aan ahayn in aanu mudane Amiir adiga iyo xukuumadda Boqortooyada Sucuudiga uga mahadnaqno sida aad u garab istaagteen shacabka Soomaaliyeed ee ay la hadheen tagaallada macno darrada ahi.”

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: