SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maxamed Abgaal oo sheegay in shirgudoonka Guurtidu noqday Xisbi Afraad oo dalka ku soo kordhay

    Posted by Sawnews.tk on August 2, 2009

    Maxamed Jaamac Abgaal

    Borama(Sawnews)- Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ahaa xubnihii dhwaan ku soo biiray xisbiga UDUB ee ka soo diga rogtay dhanka xisbiga Kulmiye, ayaa maanta shir jraaid ku qabtay Hutelka RAYS ee magaalada Boorama, kaga hadlay Arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Dilkii Afarta Ganacsade, Shaqaaqada beelaha Gabilay iyo Dila, Doorashada iyo Xaalada maanta ka taagan Somaliland.

    Mr.Maxamed Abgaal wuxuu hadalkiisa ku bilaabay ” Maanta waxaan rabaa in aan saxaafada kaga hadlo arimo dhawr ah oo ah xaalada guud ee dalku marayo, marka hore iyada oo la iiga horeeyay ka hadalka dhacdadii jidka lagu laayay safarkii aan waxba galabsan, waxay ahayd mid aad looga wada murugooday 97% dadka Somaliland, hawshaasina waxay ahayd mid ay keentay masuuliyadii golaha guurtida oo laga dhigay gole ka duwan sidii hore loogu yaqaanay intii uu xilka golaha qabtay Saleebaan Maxamuud, wakhtiyadii hore goluhu wuxuu ahaa mid nabad doon ah oo loo noqdo marka dalku uu galo Arimo xasaasi ah, hawlihii nabadayntana wuxuu ku bedelay waxaas ka dhacay dadka deriska iyo walaalka ah keenayna arimaha foosha xun, hadaan ka hadlo siyaasiyiinta ka hadla saxaafada ee uu ka mid yahay Muuse Biixi oo aan qadariyo waxaan u sheegayaa in loo war xumeeyay marka uu leeyahay Calankii ayaa lagu gubay Borama, warkaasi waa mid hubsiimo uga baahnaa Muuse, waxaanan xasuusinayaa in hore loogu gubay Hargaysa 2004kii 18 May iyo Burcaba dadkaas looma keenin dadkoodii oo la jarjaray IWM. hawlaha noocan ahna yaanay ka faidaysan siyaasiyiinta ololaha ugu jira doorashada Somaliland ee raba in masiirka dalka ay hogaanka u qabtaan.

    Mar uu ka hadlayay Abgaal Diiwaangelinat iyo sida hada ay tahay wuxuu yidhi diiwaangelinta ma laha sadexda xisbi ee tartanku ka dhexeeyo ama u tartamaya Madaxtooyada, balse waa masiirkii umada hadii uu u hagaagana iyagaa leh oo dhaxal u leh, hadii uu xumaadana waa wax umada ka xumaaday oo khasaare ah, doorashada maantana wax badan ayaa la lahaa waa la kordhisanayaa dee si aanay taasi u iman waa in doorashooyinka dambe aan la sugnaa natiijo fiican oo inoo saxan ama aan ahayn mid qabyo ah, tana in aan sideedii ku galaa waxay inooo tahay badbaado Qaran, waxaa loo baahan yahay in dib loo eego dastuurka inoo yaala ee lagu kala socdo isla markaana u codaynay, Dr.Gaboose wuxuu ahaa ninkii hagayay 1997 shirkii beelaha ee hargaysa ee lagu soo bandhigayay dastuurka ee cidii sixi lahayd ka xidhayay makarafoonka, maantana wuxuu rabaa in uu jiidho dastuurka oo iska barbar maro, xeer aad nin ku xukuntay nin aad jeceshahay ayuu sugaa ayaan leehay Dr.gaboose.

    Isaga oo ka hadlaya Xaalada maanta lagu jiro Abgaal wuxuu yidhi, Maanta waxaa ina horyaal oo ina mashquuliyay Sadex Xisbi Qaran taladoodii iyo weliba mid Afraad oo soo baxay oo ah Golaha Guurtida ee uu Hogaamiyo Saleebaan Gaal, Golaha Guurtidu wuxuu ahaa midka loo noqdo marka dalku galo Arin xasaasi ah ama muran sharci yimaad, hadase wuxuu isku bedelay mid Siyaasi ah oo isaga laftisii noqday xisbi Afraad oo kursi doon ah, waxaana ka dhigay Saleebaan Maxamuud oo isagu ahaa Siyaasi ka duwan xubnihii Odayada ahaa ee uu meesha ugu tegay, in sidaas uu noqday shirgudoomiyihii Guurtiduna waxaa inoo cadaynaya Warsaxaafadeedka uu siiyay BBCda isaga oo soo kaxaystay gudoomiyihii Baarlamaankana ee ay shaaciyeen labadooduba warsaxaafadeed aan golayaashoodu soo saarin..

    Hashim Goth
    Borama
    Somaliland

    saylac.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: