SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa si rasmi ah u soo saaray jadwalka kama danbaysta ah ee la bilaabi doono ololaha doorashada Madaxtooyada

    Posted by Sawnews.tk on August 2, 2009

    Md. Jaamac Sweden Hargeisa (Sawnews)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa si rasmi ah u soo saaray jadwalka kama danbaysta ah ee la bilaabi doono ololaha doorashada Madaxtooyada ee lagu wado inay qabsoonto 27 bisha September ee fooda inagu soo haysa.

    Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, Md. Jaamac Sweden oo ay arrintan kaga hadlayaan, ayaa waxay ku iftiimiyeen inu berri oo ah Isniin taariikhduna tahay 3-da August uu si rasmi ah uga bilaabmi doono guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka si isku mid ah ololaha doorashada madaxtooyada ee ay ugu beratayaan xisbiyada qaranku, taasoo sida ku xusan shaxda jadwalka uu ugu soo horaynayo, isla-markaana uu ololihiisa bilaabi doono Xisbiga Kulmiye, Salaasadana Xisbiga UDUB, Halka Arbacada oo ah maalinta saddexaadna uu kaambaynkiisa bilaabi doono Xisbiga UCUD, sidaana ay isugu xigi doonaan oo kaambaynka ku wadi doonaan, ilaa laga gaadhayo 25-ka bisha September oo uu ku egyahay ololuhu, taasoo uu nasiib u yeeshay inuu ugu dambeeyo ololaha xisbiga UCID. Sida uu Komishanku xusay waxa uu kaambaynku hakan doonaa Laba Maalmood ee Ciidda Barakaysan ee Ramadaan.

    Sida Qorshaha Shaxda habsami u socodka ololaha doorashada ee xisbiyadu ku loolamayaan ku xusan, waxa uu socon doonaa maaln kasta laga bilaabo goortu sheegtu markay tahay 8 subaxnimo laga gaadhayo 12 duhurnimo ee gelinka hore. Iyada oo uu hadana dib u bilaabmayo 2 duhurnimo ilaa laga gaadhayo 6 galabnimo, habeenkii ayaanu kaambaynku socon doonin sida ku xusan qorshaha iyo nidaamka uu u dejiyay Komishanka Qaranku.

     
    Warsaxaafadeedkan Komishanku soo saaray ayaa ku beegmay xilli ay ka dhex-aloosan tahay xisbiyada tartamaya ismarin waa ka dhan ah go’aamadii dhawaan komishanku ka soo saaray ee uu ku laalay in doorashada lagu galo bilaa diiwaan-gelin iyo waliba sarkaalkii Hay’ada Interpeace ee laga mastaafuriyay wadanka ka dib markii komishanku ku eedeeyay inuu Somaliland ka dhex-wado isku dir dhinacyada doorashadu khusayso, isla-markaana uu ku fashilmay inuu shaqadiisa ka soo baxo oo balanqaadyo badan oo hay’adaasi ku codsatay in wakhti la siiyo si ay natiijo sax ah uga soo saarto oo ay kala shaandhayso dadkii iska diiwaan-geliyay gobolada iyo degmooyinka jamhuuriyada Somaliland.

    Asxaabta ay ku khaysayso arrintani oo aanu la xadhiidhnay si aanu wax uga waydiino aragtidooda ku wajahan ayaanay noo suurto-gelin.

     

    source  Saylacnews

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: