SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xaflad xidhitaanka xarunta xifdiga quraanka ee Daaru Ibnu Kathiir oo Borama lagu qabtay. +SAWIRO

    Posted by Sawnews.tk on July 31, 2009

    daaru_kathiir%209Boorama(Sawnews)Munaasabad xaflad aheyd oo aad loo soo agaasimay ayaa saaka lagu qabtay xarunta dugsiga sarre ee Sheekh Cali Jawhar ee magaalada Borama, taasoo aheyd xaflad xidhitaanka xarunta xifdiga Quraanka Kariimka ee Daaru Ibnu Kathiir ee magaalada Borama.

    Xafladaan waxa kasoo qeyb galay, Arday, Macalimiin, Culumaa’idiin, Ganacsato, Aqoonyaho iyo qeybaha kala duwan ee bulsha weynta ku dhaqan magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal.

    Maamulaha Maskaska xifdiga Quraanka Kariimka ee Daaru Ibnu Kathiir ee magaalada Borama Sheekh Maxamed Faarax Raage oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay aasaaseen markaskaan muddo laga joogo sannad iyo bilooyin, isla markaana xiligaan kaalin weyn uu ka hayo Markaskaan gudaha iyo daafaha magaalada Borama.

    Sheekha waxuu sheegay inay Arday dhigata xiligaan tiradooda kor u dhaafayaan boqolaal, isla markaana dhawaan qalin jabin doonaan hadii ALLE idmo arday tiro badan.
    Sheekh Maxamed Faarax Raage waxuu ugu baaqay Waalidiinta inay caruurtooda ku Koontaroolaan waxbarashada ay dhigtaan gaar ahaan Qur’aanka Kariimka.

    Gaba-gabadii waxaa Abaal-marino lagu guddoonsiiyay ardayda dhigata Markasta ee Imtixaanada kaalmaha kala duwan ka galay iyo kuwa ugu aqlaaqda wanaagsan ee dhigta xiligaaan Maskaska xifdiga Quraanka Kariimka ee Daaru Ibnu Kathiir ee magaalada Borama.daaru_kathiir%209daaru_kathiir%208daaru_kathiir%206daaru_kathiir%205daaru_kathiir%204daaru_kathiir%203daaru_kathiir%202

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: